Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Geesi Ku Sifoobay Hawlkar Iyo Wadaniyad

0
Sunday November 03, 2013 - 19:45:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Geesi Ku Sifoobay Hawlkar Iyo Wadaniyad

    Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxa uu ku suntan yahay shaqsiyaadka Haldoorka ah ee doorka weyn ka qaatay isla markaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxa uu ku suntan yahay shaqsiyaadka Haldoorka ah ee doorka weyn ka qaatay isla markaana Marka hore waxaan salaan qaali ah u dirayaa guud ahaan bulshada sharafta badan ee Somaliland meel kastoo ay aduunka ka joogaan, marka xigana waxaan salaamayaa bahda warbahinta Somaliland ee xorta ah.
Salaan ka dib Somalidu waxay ku maahmaadaa amaan u dhimo taas oo macnaheedu yahay in ay Somalidu caado ka dhigatay in qofku marka uu nool yahay aan lagu tixgalin wanaagiisa iyo dadnimadiisa, laakiin marka uu dhinto xabaasha laga dul amaano, waxaan taas uga socda loolaanka siyaasadeed ee ka dhex jira xisbiga Kulmiye iyo doorka uu ku leeyahay Gudoomiyaha wakhtigan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxa uu ku suntan yahay shaqsiyaadka Haldoorka ah ee doorka weyn ka qaatay isla markaana naftooda iyo maalkoodiiba u soo huray jiritaanka qaranimada Somaliland, taas oo uu Mujaahidku ka soo bilaabay ilaa Halgankii dalka lagu xoreynayay ilaa maantana uu si wadaniyadi ku dheehan tahay ugu adeegayay bulshada Somalilland, Muuse Biixi Cabdi waa nin ay qiimo weyn ugu fadhido jiritaanka qaranimada Somaliland.
Sidaasi daraadeed waxaan aaminsanahay in Jiritaanka iyo badbaadinta Xisbiga Kulmiye ku jirto in Mujaahid Muuse Biixi loo caleemo saaro Gudoomiyaha iyo Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, waxaana aan u soo jeedin lahaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo inuu si cad ugu taageero Mujaahid Muuse Biixi Cabdi sidii uu hogaanka iyo Xisbiga u sii hayn lahaa, maadaama uu ka dharagsan yahay guushii balaadhnaydh ee uu Mujaahidku u soo hooyay xiligii doorashada wakhigana uu yahay xiligii uu abaalkii Mujaahidka Soo celin lahaa.
Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxa ku hortaala arin u baahan go?aan qaadasho taas baal dahab ka gali doonta taariikhdaada haddii aad badbaadisid Xisbiga Kulmiye ooJiritaankiisu iyo midawgiisu ku sii jiri doonaan haddii uu hogaanka Xisbiga uu sii hayo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Wabilaahi Tawfiiq
Mohamoud Osman Abdi
Hargeysa Somaliland
Mccabdi86@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured