siilaanyo nin dawee la leeyahay xalka doon la leeyahay danbi uu badh leeyahay!,

0
Sunday November 03, 2013 - 16:16:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    siilaanyo nin dawee la leeyahay xalka doon la leeyahay danbi uu badh leeyahay!,

    tan iyo markii lamudeeyay in shirweynaha xisbiga kulmiye qabsoomi doono bisha December ayaa waxa ka muuqday madaxweyne siilanyo damac siyaasadeed oo uu ku rabo inuu xilka madaxtinimada Somaliland dib ugu soo noqdo damacaas oo aanu dareensiin saaxiiba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

tan iyo markii lamudeeyay in shirweynaha xisbiga kulmiye qabsoomi doono bisha December ayaa waxa ka muuqday madaxweyne siilanyo damac siyaasadeed oo uu ku rabo inuu xilka madaxtinimada Somaliland dib ugu soo noqdo damacaas oo aanu dareensiin saaxiibadii tan iyo markii lamudeeyay in shirweynaha xisbiga kulmiye qabsoomi doono bisha December ayaa waxa ka muuqday madaxweyne siilanyo damac siyaasadeed oo uu ku rabo inuu xilka madaxtinimada Somaliland dib ugu soo noqdo damacaas oo aanu dareensiin saaxiibadii siyaasada qaar ay isku jaalka ku ahaayeen kuwaas oo uu ku ogyahay inay damac siyaasadeed leeyihiin,
somalida ayaa tidhaah dhuumasho dhabarku muuqdaa dhuumasho maaha! madaxweyne siilanyo kala qaybin siyaasdeed waxa uu ka qabo waxa uu rabaa xisbi qudha, hogaan qudha iyo xukuumad mid ah inuu kala xado oo midba dheg wax uga sheego!. waxa uu kala qaybiyay hogaankii xisbiga kulmiye oo qaarna isaga la safan yihiin qaarna kasoo hor jeedaan! sidoo kale waxa kala safan oo uu arkaa xukuumadii uu isagu hogaaminayay oo arinta xisbiga labo garab u kala safan! golahii dhexe iyo gudidii fulinta ee xisbiga ayaa isaguna kala qaybsan!,

waxa layidhi waraabow inaad saamo jiido iyo sanqadh tirasho kala daa! waxaa taas ka sii daran xisbigan iyo xukuumadan uu isagu labada garab ee iska soo horjeeda u kala qaybiyay cida garsooraha u ah ee hadana u garnaqaysaa waa isaga! bal amuurtan kaalaya!,
waaba tii uu hore inoogu sheegay abwaan keenii waynaa ee macalin gaariye ilaahay HNT ee uu yidhi,
nin dawee la leeyahay
danbi uu badh leeyahay
xalka doon la leeyahay
isagay udantoo inuu daaro
ma ogola deebaaqda mililka leh!
waxa layidhi nimaan quusan lafihiisa ayaa quusa! waxa layaab leh kuwa og inuu ka danbeeyo waxan oo jalaafo ah ee hadana isaga xalka ka raadinaya! hadba marka uu arko inay xiisada siyaasadu kor u yar kacday ayuu inta uu isugu yeedho irbad suuxisa ku yar mudaa markaasay kooxadan wax magaratada ahi intay shir jaraa,id meel ku qabtaan odhanayaan dhibaatadii xisbiga dhaxtaalay xal baa laga gaadhay! xagee looga gaadhay soodhihii siyaasadan ka dhashay ayaa hoos loodhigaye! haday dhab ka tahay madaxweyne siilanyo muu faro gelinta xisbiga hogaankiisa uu ku hayo ka daayo,
geed ayaa laga hayaa gudin yahay imaad goyseen ee badh kay ayaa kugu jira! hadii aanu samaale siilanyo kalsooni ka qabin oo aanu dabada ka taagnay waxaa hubaala inaanu mujaahid muuse biixi waxba kala hadheen! ee isku halayn uu siilanyo ka haysto ayuu ku helay awooda intaas le,eg ee uu mujaahidka ku waabsaday!
dhinaca kale waxaa muuqata garabka uu siilanyo taageersan yahay ee samaale hogaaminayaa inay isticmaalayaan awoodii xukuumada iyo dhaqaalihiiba oo ay ku muquuninayaan kooxda ku dhex bakhtiday xafiiska kulmiye ee dhaqaalo la,aantu hayso!, taasina waxay markhaati ka tahay musuq maasuqa xukuumada siilanyo halka uu marayo oo xisbiga dhaxdiisa laysugu adeegsaday hantidii umada!
dagaalka siyaasadeed ee siilayo ugu talo galay inuu kaga takha luso kooxda muuse hogaaminayo waxa ay soo af jarmaysaa bisha December taas oo uu sii diyaarsaday cidii shirka hogaanka u qaban lahayd oo kooxdii muuse laga qadiyay waxaanu ugu talo galay inuu ergooyinka shirka ka qayb galaya ay gudoomiye iyo musharax u kala doortaan isaga iyo samaale halkaasta ay ku soo af jaranto rajadii siyaasdeed ee ay qabeen labada kornayl! waxaynu sugnaaba waa ciyaarta dhici doonta bisha fooda inagu soo ahaysa ee December.
Adan A.Nur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured