Hadduu Sii Go,ay Gudoomiyihii!!!. Qalinkii Liibaan dabayl

0
Saturday November 02, 2013 - 21:18:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadduu Sii Go,ay Gudoomiyihii!!!. Qalinkii Liibaan dabayl

    Odaygii waxaa loo qoday xabaal aad uga durugsan meeshii ay beeshu daganayd Horor wuxuu ahaa guddoomiyaha beesha muddo kooban oo suldaankii beeshu safar tagay ka dib waxaa dhacday in uu odaygii horror ee gudoomiyaha sii ahaa uu geeriyooday, sida aad k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odaygii waxaa loo qoday xabaal aad uga durugsan meeshii ay beeshu daganayd Horor wuxuu ahaa guddoomiyaha beesha muddo kooban oo suldaankii beeshu safar tagay ka dib waxaa dhacday in uu odaygii horror ee gudoomiyaha sii ahaa uu geeriyooday, sida aad ka war Odaygii waxaa loo qoday xabaal aad uga durugsan meeshii ay beeshu daganayd Horor wuxuu ahaa guddoomiyaha beesha muddo kooban oo suldaankii beeshu safar tagay ka dib waxaa dhacday in uu odaygii horror ee gudoomiyaha sii ahaa uu geeriyooday, sida aad ka war qabtaana somalidii hore xabaalaha way iska fogayn jirtay waxaanay aamin sanaayeen in ay habeenkii rooxaani ka soo baxdo. Odaygii waxaa loo qoday xabaal aad uga durugsan meeshii ay beeshu daganayd, markii xabaashii dhamaatay ayaa waxaa loo diray koox uu hogaaminaayey walaalkii haybe murjin, sida dhaqan ku ahaa maydka somalidu waxay ku soo qaadi jirtay awr-laba harar dhinacyada lagaga raray lagana dhigi jiray sida sariirta maydkana dushiisa ayaa la saari jiray, markii la soo saaray awr-kii guddoomiyhii beesha ee geeriyooday ayaa waxaa hogaanka qabtay walaalkii haybe oo yidhi aniga ayaa hogaamin awr-ka, markii uu cabaar ka soo fogaaday beeshii una socdo xagii xabaasha ayaa wuxuu maqlay gariir wayn oo dhulka gig ku jidhi markaasuu haybe xaga dambe daymooday, saa waaba maydkii oo dhulka yaal, intuu kor u qayliyey ayuu yidhi HADUU SII GO’AY, markaasuu baroor iyo oohin bilaabay.

Waxaan uga socdaa haduu sii go’ay guddoomiyii kumeel gaadhka ahaa, ma’ isla maanta ayuu ka qaylinayaa guddidii uu magacaabay ee uu gacantiisa ku soo qoray, xisbiga kulamiye waxaa hogaamin kara masuul haysta kalsoonidda shacabka Somaliland, karti u leh in uu damaciisa ku helo taageero buuxda, , wuxuu yidhi abwaan gaariye, gabaygiisii HAYAAN
Hayaanku ma meel fog baa Hillaacu ma beegso baa Habeenkii socod miyaa Hadhkii ma ha seexan baa Waqtigu ma haloosi baa Ninkii hakadaa boqoolka Habaaska miyuu dhaxlaa? Quruumaha hore u guuray Barwaaqada haybsanaaya Intaad hiigsan layd gadaasha Hareerta ka raac miyaa
Waxaan leeyahay guddoomiyaha haddii laguu yeelo in xataa aad adigu qof qof u soo xulato ergooyinka shirka imanaaya in ay adag tahay in hesho 801 qof oo Goboladda Somaliland ka socda, waxaa iiga markhaati ah oo marageedu yahay 27-ka xubnood ee aad soo magacawday hadana aadan ku kalsoonayn.
Waxaanan leeyahay Guddoomiyaha waayey 27- xubnood ma wuxuu helayaa xubnaha ka imanaaya Goboladda Somaliland kuwaasoo si xor ah wax u dooranaya, Guddoomiye waxaan filayaa in arrintaasi kugu adag tahay hadana la gaadhay xiligii aad bilaabi lahayd barnaamijyadii aan hore u soo daawanay ee jiq kusii, xaguu ku geeyaa Madaxweyne siilaano haddii umaddii Somaliland qofwaliba kaa cararo. Mar alaale marka la soo gaadho shirarka xisbiga ayaa Muuse Biixi isku buuqayaa oo cidhiidhi galayaa oo meel waliba kusoo adkaanaysaa, ka dib-na markaasuu odhanayaa waxaas oo dhan Siilaanyo ayaa wada, cajiib hada waa nin og in aanu haysan taageero uu la dhex tago shirka xisbiga, waxaan xasuustaa shirkii golaha dhexe ee lagu qabatay Burco, markii uu ogaaday in aan cod kusoo baxayn ayuu yidhi ma tagaayo, laba habeen oo shirku socday ayuu Hargeysa dhinac-na u dhaafi waayey, Dalku ma intan yar ee shacabka hargeysaa, maya wuu ka balaadhan yahay, waxaana lagaaga fadhiyaa in ay cumaamadaadu gaadho dhamaan goboladda Somaliand
Lasoco………………….
Liban dayl
hargeysa somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured