Sinaan La’aanta iyo Siyaasad Xumada Axsaabta Qaranka Somaliland. Omer-sayid Eid Qalonbi

0
Saturday November 02, 2013 - 20:57:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sinaan La’aanta iyo Siyaasad Xumada Axsaabta Qaranka Somaliland. Omer-sayid Eid Qalonbi

    Horumarka wadamada ama bulshooyinka caalamku ku talaabsadaan, marka la isku min-guuriyo waxaa ugu mihiimsan sadex dhinac, oo kala ah; Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada. Sadexdaas tiir, ee aasaaska u ah horumarka bulshada waxaa laf-dhabar u a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka wadamada ama bulshooyinka caalamku ku talaabsadaan, marka la isku min-guuriyo waxaa ugu mihiimsan sadex dhinac, oo kala ah; Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada. Sadexdaas tiir, ee aasaaska u ah horumarka bulshada waxaa laf-dhabar u ah Siyaasada, oo kala hagta dhamaan dhinacyada kala duwan ee horumarka bulsho ama wadan Horumarka wadamada ama bulshooyinka caalamku ku talaabsadaan, marka la isku min-guuriyo waxaa ugu mihiimsan sadex dhinac, oo kala ah; Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada. Sadexdaas tiir, ee aasaaska u ah horumarka bulshada waxaa laf-dhabar u ah Siyaasada, oo kala hagta dhamaan dhinacyada kala duwan ee horumarka bulsho ama wadan ku talaabsado.
Fahamka Siyaasada ee Somaliland ka jira, gaar ahaana Axsaabta siyaasada qaranka dhexdoodu waa mid ka leexsan, jihad siyaasad keeni karta horumar, cadaalad iyo in ay ku wada qancaan dhamaanba dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasada iyo loolanka mansabyada ugu sareeya siyaasada dalka haday tahay; Xukuumada, Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta Qaranka. Siyaasada dalku maaha mid u adeegaysa danaha masaakiinta, danyarta iyo inta u baahan, in la hago oo hilin hagaagsan, oo hurumar-keena mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba loo horseedo.

Malahayga shakhsiga ah, halka ay ka qaloocantay fahamka saxda ah ee siyaasadu waxaa weeyi; Siyaasiga reer Somaliland oo aan ahayn siyaasi dhamaystiran; Aqoon ahaan, dhaqaale ahaan iyo kalsooni ahaan. Sadexdaas arimood ayaa gundhig u ah siyaasigeenu in aanu noqonin siyaasi dhamaystiran oo danaha bulshada ka turjuma, laakiin uu ahaado qawlaysato dantii raac ah, oo maalinba halka uu ka helaayo; qadada, qaadka iyo qaxwaha uun uu ahaado. Hadaba aan falan qayno sababaha ku kalifa siyaasiga reer Somaliland in uu ahaado uun qawlaysato inaga oo ka taamilo qaadanayna qodobadan hoos ku qoran:
i. Aqoon ahaan; Aqoonta dhamayska tirani (Aqoon Diineed iyo mid Maadi), waa mida ugu muhiimsan ee qofku nolol ahaan horumar ku hiigsan karo, umadiisana wax ugu soo kordhin karo, waana mida kali ah ee xakamaha u noqota damiirka aadamaha, ee keenta in aanu ku milmin dhaqanka iyo doodaha liitiga iyo wax magaratada. Hadaba in badan oo kamid ah siyaasiyiinta safka hore ee reer Somaliland waa kuwo ka aradan, aqoonta dhabta ah (Diini iyo Maadiba), waana ta keentay in ay maalinba meel ka fad kudiyaan, oo ay yaraato ama la waayo siyaasi mabda’leh oo meel kaliya loogu soo hagaago.
ii. Dhaqaale ahaan; Fakhrigu waa masiibo, Allana s.w.c, waxaan waydiistay in aanu fakhri iyo darxumo inabadin, waxaase fakhriga ka siixun, qawadka iyo qanaaco la’aanta. Hadaba siyaasiga reer Somaliand, intooda badani waxay u badanyihiin siyaasiyiin saboola oo marwalba qawad iyo qanaaco la’aani ka muuqato, waana takeentay in meherada iyo muraad kiisu ahaado, munaafaqad iyo umad kala kaxayn, waayo laba qaylo dhexdood ayay qadadiisu ka bisishahay. Waxaanay arintaasi keentay in uu dhinto damiirkii siyaasiga dhabta ah ee reer somaliand, oo aad maalinba xisbi iyo garab ama koox siyaasadeed ku dhex aragto.
iii. Kalsoonida Siyaasiga reer Somaliland; Maaha siyaasi kalsooni ka haysta shacabkiisa, oo ka soo dhex baxay shacabka iyo bulshada uu matalaayo. Maaha siyaasi qayb ku leh horumarka kala gadisan ee ay shacabkiisu ku talaabsadeen. Waa siyaasi cir ka soo dhaca, oo aan saaxada siyaasada ku iman sifo saxa. Sidoo kale siyaasiga reer Somaliland maaha siyaasi, isku kalsoon maadaama oo aanu lahayn; aqoon iyo dhaqaale uu kaga kaaftoomo kursiga dad waynaha. Waana ta keentay in siyaasigii shalay fikir xukuumada ku lid ah, aamin sanaa uu manta ka noqdo marka xukuumadu magacawdo.
Siyaasiga wanaagsan, waa ka aqoon ahaan dhamayska tiran ee aan waxba uga baahnayn hadii bari laga qaado xilka uu hayo, waxaanan tusaale u soo qaadan karnaa siyaasiyiin dhawr ah oo midna uu hada joogo xafiiska, inta kalana ay shacabkooda ka mid yihiin, aqoontoodiina ay naftoodasa iyo bulshadooda labadaba ugu adeegayaan.
i. Prof. Mahamed Siciid Gees; Waa Aqoonyahan, Siyaasi iyo Wax garad ruug cadaa ah, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii Somaliland. Waa siyaasi lagu yaqaanay daacad nimo iyo wax qabad muuqda, xafiiskasta oo uu soo maray. Waana wasiirkii ugu horeeyay ee shaqaalihiisa darajo mushahar u sameeyay isaga oo wadiiqo cadaalad ah u maray inta uu imtixaan ka qaaday. Markii uu shaqadii dawlada katagay ee laga qaaday xilkii uu hayayna, waxa uu ka mid noqday bulshadiisa waxaana uu hada madaxka yahay Akaadamiga nabada iy horumarka (APD).
ii. Prof. Caafi; Waa wasiir hore oo reer Somaliland ah, waxa uu mar ahaa wasiirkii Cadaalada, waxaana lagu xasuustaa waxqabad muuqda oo ay ugu horayso in uu dhisay waaxaha kala duwan ee garsoorka, tobabaro aqooneedna u furo, si wax looga qabto cadaalada dalka, inkasta oo ay wax badani dhimanyihiin. Waxaanu dib u dhis balaadhan ku sameeyay xarunta wasaarada intii uu joogay. Waa oday reer Somaliland ah, waana aqoonyahan ku xeeldher dhaqaalaha iyo siyaasada. Prof. Caafi hada waxa uu bare sare ka yahay jaamaca hargeisa waxaanu u adeegaa, dadkiisa iyo dalkiisa.
iii. Eng. Yousuf Caynab Muuse; Waa wasiir hore oo reer Somaliland ah, waana shakhsi lagu yaqaanay daacad nimo iyo is dhul-dhig, intii uu xafiiska u adeegayayna waxa uu ahaa wasiirada, dadkii ay wada shaqeeyeen ka mahad sheegtaan. Markii xilka laga qaaday waxa uu ka mid noqday maamulka sare ee jaamacada Hargeisa. Markii xilka jaamacada hargeisa laga qaadayna waxa uu ku shaqotagay xirfadiisii Engineer nimo, waxaanu hada kamid ahaa injineerada dhista sarta casriga ah, ee Dahabsiil ee suuga badhtankeeda (waa markii iigu danbaysay halkaan ku ogaa, isaga ayaana ii sheegay mar aan subax dariiqa ka soo qaaday isaga oo bus ka shacabka sugaaya).
Sadexdaas wasiir ee aan kor kusoo xusay waxay ahaayeen sadexdii wasiir ee Madaxwayne Cigaal ku naanaysay; sadexda Nacas. Isaga oo yidhi, hadaan sadex nacas oo kale ka heli lahaa xukuumadayda, horumar ayay ku talaabsan lahayd, waayo waa sadexda wasiir ee kaliya ee aan lahayn gawaadhi soo qaada, ee xafiiskooda lug ku yimaada (Waxa aan ka soo xigtay xasuus qorkii Maxamed Siciid Gees).
Wasiirka kale ee hada xafiiska jooga ee dadku aadka u mahadiyaan waa: Dr. Sacad Ali Shire, oo ah Wasiirka wasaarada Qorshaynta qaranka, ahna Gudoomiyaha BOD-ga jaamacada hargeisa. Waa aqoonyahan, aan looga baran laba wajiilayn iyo inuu fagaarayaasha lasoo fadhiisto is maqiiq difaaca xukuumada, ee lagu yaqaano inta badan wasiirada reer Somaliland. Waa wasiir ka mida wasiirada tiradayar ee ay kalsoonidu ka muuqato, Aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan, iyo qanaaco ahaanba. Waana wasiir aan uga markhaati kici karo, Alle kacabsi iyo edaab labadaba, waayo jaar ayaanu ahayn oo badiyaa salaadaha waxaan ku arkijiray masaajidka (Waa kii xadiiskii rasuulku NNKH ahaa, ninka aad ku aragtaan isaga oo badinaaya socodka masaajidka, uga markhaati kaca iimaan / aw kamaa qaala).
Intaas marka aan kaga soo gudubno sawirka aan ka bixinay, wasiiradii wanaagsanaa ee ina soo maray iyo wasiirada wanaagsan ee hada jooga xafiiska. Waxa aan idinka idiin dhaafay inaad miisanka saartaan wasiirada kale iyo siyaasiyiinta ku caanka ah musuqa iy munaafaqada.
Hadaba aan si kooban wax uga idhaahdo Qalooca siyaasadeed ee xisbiyada iyo sinaan la’aanta dhexdooda iyo halka ay salka ku hayso;
Tan iyo markii ay somaliand ka hirgaleen hanaanka axsaabta badan iyo siyaasada ku dhisan mabda’a Democracy ga ahi, waxaa Axsaabta siyaasada dhexdooda ka jiray afduub siyaasadeed iyo awood maroosi ku qotoma, Qabyaalad, kooxaysi iyo kala jiidasho awoodeed. Xisbiyada siyaasad Somaliand maaha qaar ka run sheegi kara, mabaadii’da iyo afkaaraha ay umada usoo bandhigaan ama ugu qoran dastuurada iyo xeer hoosaadyada ay dajisteen.
Siyaasada Axsaabta Qaranka ee Somaliland maaha, mid uu ka soo dhexbixi karo siyaasi nadiifa oo ay bulshadu u wada riyaaqdo, waa siyaasad ku qotonta dhaqankeenii hore ee geel-qaad nimada ahaa ee ay halku dhiga u ahayd “Yaa qaadi jirayeey, Yaa maali jirayeey”. Waxaana iiga marag ah sadexdan qodob ee hoos ku qoran.
Kamid noqosho la’aan (Lack of membership); Xisbiyadeena siyaasadu malaha siyaasad kamid noqosho ahaaneed (membership policy/strategy). Waa takeentay in aanay Axsaabta siyaasadu qiimaynin shacabkooda, oo aanay siyaasadooda iyo wax qabadka ay sheeganayaan aanay sal uga dhigin baahiyaha iyo tabashooyinka aasaasiga ah, ee shacabka. Waana arinta keentay in ay shacabka kaliya waydiistaan cod iyo ciidan qabyaaladaysan ee aanay ka qayb galinin dajinta siyaasadaha Xisbiga ama uruka. Dadwaynuhu kama war hayaan, agenda yaasha iyo u jeedooyinka hogaanka xisbiyada.
Lahaansho la’aanta Axsaabta siyaasada (Lack of public ownership); Axsaabteena qaranku maaha, qaar ku yimid dareen bulsho oo wada dhan, waa qaar ku yimid qiiro iyo cadaawad ku salaysan, hebel ka aargooso, hebel ladag IWM. Dadwaynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, kama qayb-qaataan doorashooyinka laamaha kala duwan ee axsaabta qaranka (Heer qaran, Gobol iyo Dagmo midna).
Waa arinta sababta u ah in xisbiyadii noqdaan, fadhiid aan dhaqaale ahaan isku filayn oo aan dadkii ay matalayeen waxba ku darsanin dhaqaale ahaan. Waa ta keentay in koox gaara iyo qolo gaar ahi dabaraan dhaqaalaha xisbiyada, oo aanay xisbiyadu noqonin kuwo mabda’ lagu kala raaco oo ay dadku u dhanyihiin, waxaanay arintani sababtay in xisbiyadii qaranku noqdaan, meherado ay shakhsiyaad kaligood leeyihiin, waana gartood mar hadii dhaqaale ahaan ay iyagu dabaraan in ay u sheegtaan sidii makhaayado ay iyagu leeyihiin, dariiqa ay doonaan dhaqaalaha haku helaane.
La’aanta Caqli cusub iyo dhiig cusub (Luck of fundamental change); siyaasda Axsaabteenu maaha mid soo saari karta caqli cusub iyo dhiig cusub oo sixi kara qalooca siyaasada, waana ta keentay in uu siyaasi kali ahi ina hortaagnaado waligii.
Gabagabada qoraalkayga, waxaan baaq u dirayaa dhamaan wax garadka iyo aqoonyahanka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, waxaanan ugu baaqayaa in ay saxaan qalooca siyaasada Axsaabta iyo dhamaan golayaasha qaranka. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka leh, han iyo hal-abuur siyaasadeed in ay si mutadawacnimo ah uga qayb qaataan horumarinta siyaasada dalka iyo dadka.
Xukuumada, Golayaasha qaranka iyo Axsaabta siyaasadana waxaan ugu baaqayaa inay dib iskugu noqdaan, oo ay saxaan siyaasada suldaarada iyo sinbiriirixada leh ,ee hagardaamada ku noqotay hankii siyaasiga saxda ah iyo hogaamintii qumanayd.
Allaa Mahadleh, Mawlaha khalqiga
Omer-sayid Eid Qalonbi
Ethiopian Civil Service University “ECSU”
Public Management (MPM)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured