Soo Dhawaynta Kacaanada Iyo Kacdoonada Kulmiye. W/Q:- Kamaal Sh Ismail Adem

0
Saturday November 02, 2013 - 20:34:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo Dhawaynta Kacaanada Iyo Kacdoonada Kulmiye. W/Q:- Kamaal Sh Ismail Adem

    Wali waa bilaw oo ciyaartii may bilaabmi waxaa la isku diyaarinayaa sidii garoonka loo tagi lahaa oo ciyaartu u bilaabmato,laakiin waxaa jira dib u dhac ka yimid dhinaca kooxaha ciyaarta isku hirdiyi lahaa,haddaba waxaa maalmahan dhagaha kusoo badana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali waa bilaw oo ciyaartii may bilaabmi waxaa la isku diyaarinayaa sidii garoonka loo tagi lahaa oo ciyaartu u bilaabmato,laakiin waxaa jira dib u dhac ka yimid dhinaca kooxaha ciyaarta isku hirdiyi lahaa,haddaba waxaa maalmahan dhagaha kusoo badanayay is hasysiga iyo Arinba allaale, kulmiye oo ah xisbul xaakimka markuu maanta madaxa isla galo ayaa kala saari oo u kala duwi lugaha
Wali waa bilaw oo ciyaartii may bilaabmi waxaa la isku diyaarinayaa sidii garoonka loo tagi lahaa oo ciyaartu u bilaabmato,laakiin waxaa jira dib u dhac ka yimid dhinaca kooxaha ciyaarta isku hirdiyi lahaa,haddaba waxaa maalmahan dhagaha kusoo badanayay is hasysiga iyo khilaafka kulmiye oo curtay dhawaan iyadoon wali la is gaadhin oo aanay kawba ahayn, waxaa inta lahubo la isku waafaqay 27 nin oo ah kuwii soo qaban qaabin lahaa shir waynaha kulmiye waxaase la isku mari laayahay shirgudoonka gudida qaban qaabada oo in dhawydba uu ka taagnaa buuq iyo sawaxan ka yaabiyay dadwaynaha reer somaliland

iyadoon ilaa hadda aan xal loo helin khilaafka ka dhex aloosan baarqabyada kulmiye.
Arinba allaale, kulmiye oo ah xisbul xaakimka markuu maanta madaxa isla galo ayaa kala saari oo u kala duwi lugaha, waxaynu ogayn in hore ay isku qabsadeen xisbiga Ucid oo markii danbe lagu kala baxay maxkamada sare, markaa imika waxay taagan tahay cida kulmiye u gar qaadaysaa waa ayo? mar haddii uu u kala qaybsamay labo garab oo ah kuwii ugu tunka waynaa xisbiga, waxaa iyana is weydiin leh madaxwayne siilaanyo talaw ma naqon doonaa garsoor cadaaladeed oo ma u kala gar qaadi karaa labada masuule ee muuse biixi iyo samaale? Jawaabta siilaanyo u daa iyo garsoorkiisa.
Waxaynu ogayn kulmiye oo khilaafka xisbiyo kale shaashadaha ka daawanaya, maanta waxay taaganahay maalintii isaga laga daawan lahaa shaashadaha, waxayna ku xidhan tahay sida uu kolba u dhidhiibsado arinkiisa, waxaa in badan la arkayay kulmiye oo horumar sameeyay oo loo wado han waynaa maanta waxay maraysaa kadeedkii kulmiye iyo dadkii u han waynaa oo quus taagan oo meel ay u yaacaan garan la?a, waayo waxaa jira siyaasiyiin kasoo digo rogotay xisbiyada kulmiye oo u soo caano doontay kulmiye waxayna la kulmeen qabtii ugu weynayd ee ayna ka bixi karin.
Dad badan oo reer somaliland ah oo ku nool gudo iyo dibadba ayaa waxay aad ula socdaan kacaanada iyo kacdoonada ka dhex dilaacay kulmiye iyaga dadkaasi ay isku weydiinayaa baraha internetka, telifoonada iyo majlisyada kale ee lagu kulmo, waxayna dad badani soo dhawaynayaa in mar uun la arko kacdoon siyaasadeed oo ka taagan kulmiye.
Si kastaba ha haatee gari laba nin kama wada qosliso, kolay cid uun ayaa guulaysanaysa ciday doonto ha haatee, laakiin madaxyo waynta kulmiye waxaa looga baahan yahay in ay sameeyaan garsoor iyo wixii ragi ku kala bixi jiray, yayna is xagxagan oo xantoodan gaadhay kaaraamardha dib u soo dabaalaan.
Gabo gabadii waxaan hadal kayga kusoo koobayaa oo aan dardaaran saaxiibtinmo halkan u marinayaa labada siyaasi ee caanka ah ee midna la bartay halgankii SNM midna la bartay intii ay somaliland la xoreeyay waa mujaahid muuse biixi iyo sheikh c/casiis samaale waxaan leeyahay waxaad tihiin labo siyaasi oo aan kala dhicin oo walaalo ah ku heshiiya xisbiga kulmiye oo kala roonaada yaan ku xumee iyo xaasidnimo idin kala ka xayn, kolay siyaasi aabo malahee.
Suxufi Kamaal Sh Ismail adem
E-mail: shihaab25@hotmail.com
Hargaysa somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured