Qalwadii Kulmiye Mass baa galay Qodox baa-se hoos taal.

0
Saturday November 02, 2013 - 20:29:45 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalwadii Kulmiye Mass baa galay Qodox baa-se hoos taal.

    Siyaasiyiinta Jamhuuriyada Somaliland ma laha ula jeedo ka durugsan ta aduunku u yaqaan keli-talis oo ku aroorta aragtida hogaamiyaha ugu sareeya.Waxaana lagu yaqaan inuu samaysto koox ula jeedadiisa u fulisa,kumana raagto cidii tareenka la socon kar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta Jamhuuriyada Somaliland ma laha ula jeedo ka durugsan ta aduunku u yaqaan keli-talis oo ku aroorta aragtida hogaamiyaha ugu sareeya.Waxaana lagu yaqaan inuu samaysto koox ula jeedadiisa u fulisa,kumana raagto cidii tareenka la socon kari waydaa ee wuu bedelaa isagoo ilaashanaya siduu kursiga muddo dheer ugu sii fadhiyi lahaa. Hirdankaa siyaasadeed ee u dhaxeeya labada kooxood ee Kulmiye ayaa ku salaysan heshiis rasmi
Siyaasiyiinta Jamhuuriyada Somaliland ma laha ula jeedo ka durugsan ta aduunku u yaqaan keli-talis oo ku aroorta aragtida hogaamiyaha ugu sareeya.Waxaana lagu yaqaan inuu samaysto koox ula jeedadiisa u fulisa,kumana raagto cidii tareenka la socon kari waydaa ee wuu bedelaa isagoo ilaashanaya siduu kursiga muddo dheer ugu sii fadhiyi lahaa.
Madaxweyne Axmed-Siiraanyo maanta siyaasada uu dalka ku hogaamiyaa waa taa aan kor ku tilmaamay,waxaanay saamayn culus ku yeelatay xataa xisbigii Kulmiye ee uu codkiisa xambaarsanyahay.

Waxaynu la soconaa dhawaaqii ugu horeeyay ee daaha ka qaaday qabsoomida shirweynaha Kulmiye inay laba kooxood oo isku lid ahi isku hirdiyeen garoonka siyaasada Kulmiye.Labada kaptan ee kala hogaaminaya labada kooxood ayaa kala ah Wasiir Samaale iyo Gudoomiye Muse.Waxa iyana goobta ka dhowaa laba tababare oo dhinac ka soo wada jeeda,waana tababare Axmed-Siiraanyo iyo Wasiir Xirsi oo labaduba tababare u yihiin kooxda uu kaptanka u yahay Wasiir Samaale.
Hirdankaa siyaasadeed ee u dhaxeeya labada kooxood ee Kulmiye ayaa ku salaysan heshiis rasmi ah oo ay labada kooxood ku galeen kulankii hore ee Burco balse tababaraha koobaad oo ah Axmed-siiraanyo ayaa heshiiskaas ku tuuray qalwo gunteedo dheertahay oo mass dhex fadhiyo.Talaabadaasina waxay u quus jaraysaa kooxda labaad ee uu kaptanka u yahay Gudoomiye Muse.Talo ayaa ku ciirtay kaptan Muse Biixi oo labadii tababare ayaa dhinaca kale isugu caga duwaday.
Cayaartii siyaasadeed ee labada kooxood ayaa bilaabantay,labadii tababare ayaa garoonkii u ogolaaday inay fadhiistaan 801 daawade,cajiib.Waa goolkii ugu horeeyay ee laga dhaliyay kaptan Muse Biixi.Markay cayaartu waxyar socotay oo Kaptan Muse samaystay difaac adag ayuu xagga danbe jaleecay,waxaanu indhaha qac ku siiyayay tababare Axmed-Siiraanyo oo dhoosha ka qoslaaya, nin kalana dhegta wax ugu sheegayo.Kaptan Muse ayaa xasuus waa hore madaxiisa hadhaysay,waxaa hor yimi waagii qaaxo,dagaaladii sokeeye,heshiiskii kulankii Burco oo ay dhacdooyinkaaba ay kala koox ahaayeen tababare Axmed-Siiraanyo.Waxa uu ku toosay sawaxan iyo sacab loo tumayo goolkii labaad oo kooxdiisa lagu dhaliyay,markaasuu cadho intuu kor u booday yidhi: (Cayaartu way xidhantahay,garoonkana halaga baxo tan iyo inta labada difaac laga fiirsanayo ee loo dejinayo qaabkay u cayaari lahaayeen).
Akhristayaal horta waynu aragnaa qalwadii Kulmiye inuu mass galay qodox baa-se hoos taal.Qaxar waxuu ka joogaa qubanaha danbeetee qarka soo jafaaya.
La soco..
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured