QisOo Cadaani Uga Waramaya Waayihii Siilaayo iyo Kulmiye Isla Soo Mareeno xiisa leh:Ina C/qaadir !

0
Wednesday October 30, 2013 - 15:08:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QisOo Cadaani Uga Waramaya Waayihii Siilaayo iyo Kulmiye Isla Soo Mareeno xiisa leh:Ina C/qaadir !

    Ina c/qaadir; Mudane sacaadatul wasiir udowle waan kusalaamay maalin dhawed ayaan arkay adiga oo siilanyo u qushuucsan markaasaan caloosha kaa xantay oo aan is idhi waar waakan sida xun siilayo u cabsane miyuu wax kaawaydiiyo ilaan adaa odayga ka yaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ina c/qaadir; Mudane sacaadatul wasiir udowle waan kusalaamay maalin dhawed ayaan arkay adiga oo siilanyo u qushuucsan markaasaan caloosha kaa xantay oo aan is idhi waar waakan sida xun siilayo u cabsane miyuu wax kaawaydiiyo ilaan adaa odayga ka yaqaanee! intaanu caloosha iska soo ridin! Cadaani; Shar iyo khayr wuxuu leeyahayba intii aad beri hore noo dar daarantay ayuun baanu fulinaynaa wax dheeraadana ku dari mayno!
Ina c/qaadir; Waar runtaaye sowdigii ogaa inaanu ku khasaaray! nin abaaleh ayaa wax la gashadaaye nin aan waxba soo celin sida xabaasha lays kuma wada balaqo taas anaga naga warayso waxaanu tacab gelinay waad ogayd ee aanu albaab kasta la garaacany iyo wixii nagaga soo baxay,
Cadaani; Balaayo ayuun baad ka shekaysaaye anagu balaayo maqabno inadeer aduun baa shaydaan ku duuf saday oo wado khaldan qaadaye! hadaadse Samir ku dari lahayd cirkaad carabka la gaadhi lahayd!

Ina c/qaadir; Oo inaadeer waxan aad hesheen waa maxay waxaan islahaa umada ayuun baa loo shaqaynaya oo hawl baa lagaa furtaye!
Cadaani; Umadaaba dhacday waar loo shaqayn maayee waa loo soo shaqo tegey! ma qof baa hawl xoogsada! inaadeer meesha qof daaciya oo diin fidiyaa ma joogee ragu waa wada shaqo tag!,
Ina c/qaadir; Waan ar kaayay sida aad oohinta yaxaaska u qubaysay markaad madaxweynaha ag joogto inaanay oohintaasi bilaash kaaga qubanayn! ee ay xeeladi ku dheehan tahay!
Cadaani; Waar meeshan ninba ninka uu iska muujin dheer yahay ee uu makarafoonka saxaafada iyo can baaraynta mucaaridka u badsado ayaa hadhuubka loogu buuxiyaa miyaanad arkayn cukuse waxa qaylo ka baxaysa iyo geel jirihii isaga oo kaluumaysiga jooga saxaafada hortagnaan jiray!Ina c/qaadir Oo inaadeer kuwan adayga ay qaraabada yihiin ee wasiirada ah wax hadlaaya maba aragno ninkaas gaaban ee umadu ka qaylisay ee meel kasta taagan siduu C/qaadir jeelaani yahay mooyee inta kale maba arag iyagoo hadlaaya ee maxaa idin waalay!,
Cadaani; Weger waar ku waasi waa jiif oo jaq waxooda si qabow ayay u cunaan oo qaylo la,aan ah sow isku halayn ma qabaan! oo meesha looma joogo horaa looyidhi dameeri isku halayn ayay hooyadeed dabada uga nuugtaa! ninka gaabanina waa hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka ee afka haku balaadhin yaanu afku ku qaloocane!,
Ina c/qaadir; Waxaan ka yaabay kuwa wasiirada ah ee odayga ay isku reerka yihiin labadii mashruuc ee dalka ugu waa waynaa ee ay kala hogaaminayeen markay ku fashil meen inay darajo iyo dalacaad kasii qaadaan mooyee xitaa canaan kalamay kulmin odayga! waxaaba iga yaabiyay indha adaygooda (xadiis ayaa ahaa hadaanad xishoonayn waxaad doonto same!) show meesha garab ayay ku joogaan!,Cadaani; Miyaanad arkayn inaanu dalkii oo dhan dhagaxaan miidhan soo dhignay safarkii ugu dan beeyay ee odaygu baxay xitaa gobolkaagii ceeri gaabo ayaanu wadadii laga baqi jiray dhagaxii ugu waynaa soo dhignay miyaanad ku qanac sanayn inaanu gobolkaagii ku soo xidhno jamhuuriyada inteeda kale? xaguuse kaa dhaaf siisan yahay wax qabad kayagu?
Ina c/qaadir; Adeer safar siyaasadaysan ayuu kaasi ahaa oo umada laga dhaadhicinayay inay xeer xirsi aqbalaane! wadadan cid kasta ka yaabisay ee 400 ee km ah ma cashuurta danyarta laga qaado ayaa daboolaysa? tani waatii aanu samayn jiray marka ololaha doorashadu soo dhawaado waa filimaantii aanu siilanyo u akhriyi jiray markii aanu kulmiye wada ahayn waayo waanu is far naqaanaa labadayadu!, waxaanse la yaabay reer ceerigaabo iyo maakhiriyadoodii waxay u soo saari wayday dhagaxa siilanyo meesha dhigay inuu dhab yahay iyo inuu dhako kale yahay! waxaan is idhi waar malaa reer ceerigaabo wax baa u qarsoon sidani daacad kama ahee taad ku taqaanayna maaha deg degna kumaad aqoon ee maxsuulka ayay eegayaan!,
Cadaani; Adeer dhagaxu ama dhab hanoqdo ama dhako kalee sow kumaanaan dhiiran intii ina riyaale iyo cidkaleba qaban wayday? dalkan kala xidhan bal mar uun haysku furmo, adigu hada ma qolyaha golaha wada tashiga la baxay ayaad ka mid tahay ee xisbiyadii siyaasada ku soo saaqidayd beryahaas kumaan arage?,
Ina c/qaadir; Dee markaad xisbiyadii siyaasada nuxurkii ka qaadeen ayay khasab noqtay in bal meel kale dawo laga doono si aanu dalku haadaan uga dhicin! mida kale maxaad odayga u xasuusin way day sow kii ina riyaale madaxtooyada ka fadhi waayay ee meel walba ka lahaa mudaharaad joogto ah ayaanu isugu soo baxaynaa ee cirka soo guji! ee xitaa baarlamaanka ku kiciyay tan uu maanata xanuunka u arkay ee uu leeyahay yaanu qofna hadlin oo juuq odhan oo wax mudaharaada yaan la dhigin miyaanu ahayn buugii cagaaraa ee uu sidan jiray wixii ku qornaanjiray mise buugii mid uu awrkiisa ku kacsanaanay ayuun buu ahaa? takale qolyahan madasha la baxay maxaad uga qaylinaysaan sotii aad ogayn ee inaba markaynu mucaaridka ahayn xisbigii kulmiye aynu heshiiska qayrul dastuuriga ah la galay ururkii QARAN ee aynu awrkii kulmiye ku kacsanay!,
Cadaani; Waar siyaasda waa la bartaa oo run iyo beenba waa laga sheegaa sidaada qalbi xab xab lama noqdee! horaa loo yidhi siyaasadu waa wixii suura gal ah! waxaanad qaadi karin adeer laysma saaro! horaa loo yidhi madax aanad lahayn maankiisa laysma saaro! waxaasi waa wixii aad hore tareenka siyaasada siilanyo wado aad uga duushaye ila waa la dabaa ilna waxbaa laykaga eegaa! hadaase labada idhoodba wada shidato waad ka duulaysaa tareenka! miyaanad arag inanka yar ee bashiir xariir ee nacam laynta wasiir ku xigeenka ku gaadhay iyo sida xariif tinimadu ku jirto ee uu isu daad raaciyo! weligaa ba hasha siyaasada baran maysid adeer qurbajoog reer galbeed ku soo dhex koraad ahayde dib ugu noqo buug taadii,
Ina c/qaadir; Waar siyaasda Somaliland taalaa waa tii qaaxo ee jab hadaynta mid weligeed la baran karo maaha qof ku soo dhex koray oo ku jiqsiida yaqaan mooyee qof kale la keenimaayo! waxaase iga yaabiyay sida fudud ee aad ula qabsatay iyo sida aad oohinta yaxaaska ee mukurka ku dhisan isaga keento markaad odayga agtaagan tahay xitaa intaasna waan iska yeel yeeli kari waayay anigu,
Cadaani; Waar meeshan horaa looyidhi ama buur ahow ama buur ku tiirsanow! ama waa inaad qoyska meesha xukuma waxuun la wadaagtaa ama waa inaad oohinta yaxaaska daadisaa si kale ku joogi maysid waa inaad xariiftimo la timaadaa,
Ina c/qaadir; Oo hadii oohini wax tarayso sodigii ogaa nin kii duur waxa orad ka dhici jiray ma cidbaa ku tix gelisay? sowtuu meel walba sida kaaraha jiiri jiray!,
Cadaani; Waar kaasi qaf qafle aan wax ogayn oo islahaa itaalka wax qabo oo inaad daacad odayga u tahay isku muuji ayuu ahaa! isaguna tareeka ayuu ka dheereeyay halka aad adigu ka gaabisay! meesha inaad ka dheeraysana maaha inaad ka gaabisana maaha waa la dhax dhexaystaa umuuraha waaba kii rasuulku lahaa NNKH AL UMUURU AWSADUHAA! arimada waa la dhex dhexaystaa, waxaa kaaga daran meel kasta bari ilaa galbeed way ka dacwoonayaan umadii ku noolayd oo wax alaale iyo wixii kharibmay isaga ayaa lagu sawiray ismuu odhan sida ragas jiif oo jaq inta qoorta lagaa soo qabanayo kolay ku raagi mayside!
Ina c/qaadir; Waar kii ina gaboose beryahaas ma arage ma afkaa juuqda gabay! ma iska war qabtaan isaga?
Cadaani; Adeer nin kaasi waxa uu yidhi balaayoy buul kayga ayaan kaa galay! wax badan buu arod iyo qaylo iyo olole siyaasadeed ku soo jiray oo uu doobyay! waxa igu maqaalo ah nasasho siyaasadeed ayuu hada ku jiraa oo wuu ka muquurtay!,
Ina c/qaadir; Kawaran qolyihii xisbiga lagaga guuray ee ina biixi iyo ina kaahin xagee wax marinayaan waata la sheegay in December laqabanayo shir waynihii xisbiga e,
Cadaani; Waxa layidhi nimaan quusan lafahiisa ayaa quusa kuwani ma quustaan mana qancaan meel laga nacay ayuun bay soo taagan yihiin weli, waxa layidhi (tukow goorma ayaad wax garataa markaasuu yidhi marka laba nin is eegto! oo xuunshayna goorma ayaad wax garataa markaasay tidhi marka midina igu dhaco mid kalena igu soo maqan yahay!) markaas kuwan aad iga waraysatay xuunshada waa ka liitaan kun jeer ayaa farta waaweyn wax loogu dhigay waanay soo taagan yihiin mana quustaan xagayaga waxaa looga yaqaan maquustayaasha kulmiye! malaa waxay sugayaan inta sidaadii dhabarada laga ja jabinaayo! miyaanay taadiiba wax ku qaadanayan ileen adigaba cidi kaama daacad sanayne dantii lagaa lahaa ayuunbaa dhamaataye! maad wax u sheegtid idinka ayaa hore SNM isla soo ahaan jiree!,Ina c/qaadir; Waar waa runtaaye waa kornaylo siyaasada ku madax kutiyoobay oo si fudud wax uma maqlaan talona waxay ka yaqaanaan wax itus oo itaabsii iyo halkaan qabsado halay jaro malaa odayga waxay moodayaan waagii hore ee ciyaarihii SNM ee calancasta ay soo wada dhisi jireen miyaanay ogayn in meesha dam jadiid iyo islaax ka dhex toostay oo ay dalka maamulaan! waar nimanka wax u sheeg,
Cadaani; Waar waynu isku daalee bal mar kale ayanu iska soo war helo,
ina c/qaadir; waayahay inaadeer ee salaama ka dheh waa inoo waqti kale,
Faysal xaaji cali ahmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured