Hooyo Luul xasan Mataan Abaal Gud Mooye Ma Istaahisho Hagardaamo Qalinkii Mubaarik

0
Tuesday October 29, 2013 - 22:01:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Luul xasan Mataan Abaal Gud Mooye Ma Istaahisho Hagardaamo Qalinkii Mubaarik

    Maxamed Careef Ma da’-furin ogaalkay, Xaska dabada maan gelin, Derejada ilhaamkiyo, Hibadii dalaysneyd, Uma dhiibin duudduub, Weli Dalawadaydii, Doobigeedi may dhimin, Dib-u-dhigasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Careef Ma da’-furin ogaalkay, Xaska dabada maan gelin, Derejada ilhaamkiyo, Hibadii dalaysneyd, Uma dhiibin duudduub, Weli Dalawadaydii, Doobigeedi may dhimin, Dib-u-dhigasho Maxamed Careef Ma da’-furin ogaalkay, Xaska dabada maan gelin, Derejada ilhaamkiyo, Hibadii dalaysneyd, Uma dhiibin duudduub, Weli Dalawadaydii, Doobigeedi may dhimin, Dib-u-dhigasho mooyee, Wax is-doorshay may dhicin, Afartaa xan durugtiyo, Danni jira wax-sheeggii,” Daalacan (Deelleeydii 2aad), Hadraawi, Muqdisho 11/12/1979kii Haa....marka ay dhegtaadu Gudoonto wararka Dulmiga Iyo tacadiga leh ee loo gaysanayo hooyooyinka somaliland ayaad joog Mooye jiif diiidaysa Maan Jeclayn Inaan Qoro maqaalkan Maanta Se waxaan ka jiifsan waayay dulmiga Iyo duudsiga Lagu hayo Hooyo Luul Xasan Mataan oo waajib saarnaa masuuliyiinta Qaranka markii ya ka soo bixi waayeen ay gudatay Hooyo Luul Xasan Mataan Hadana Maanta Lagu giriifayo oo xaqdaro xabsiga loogu taxaabayo Hooyo Luul xasan Mataan waxay si karti Iyo hagrasho la,aan u ururisay Uguna gacan baxday Ubad agoon Iyo darbi jiif ah sidii ay u Korin lahayd una siin lahayd waxbarasho dhamaaystiran Iyo Dhamaan Adeegyada Baahiyaha Asaasiga Ah Hooyo Luul xasan Mataan waxay geed gaaban Iyo Mid Dheerba U fuushay Kor U qaaadista xarunta xanaanaynta Iyo dhaqan Celin darbi Jiifka Maxamed Mooge (Mustaqbal) Iyadaa Hooyo Luul xasan Mataan Ilahay Mooye Aadamane U Ogayn Abaalka ay ku leedahay qaranka somaliland Hooyo Luul xasan Mataan ma gaydo mana Istaahisho Xadhig Iyo Xad Gudub Loo gaysto Maanta Mana aha Abaalkii Hooyo Luul xasan Mataan in Maanta shakhsiyaad dano gaar ka Lehi ku Soo meeraystaan Ubadkii markii Hore ee ay Taakulada u baahnaayeen kala. bakhaylay in ay Maanta markii tacab La geliyey Naf Iyo Maalna u Hurtay Hooyo Luul xasan Mataan Inay U Soo Jiboodaan AMA ay ku doonaan inay hayaadaha Mucaawino kaga Doontan Hadaba waxay Isweydiintu Hadii Shakhsiyaadkan Markoodii Hore ay ka Xaragoon jireen Ubadkan waa Maxay ujeedada Ku Kalifaysa inay Maanta doonaan in Lagu wareejiyo xaruntan Iyaga oo Xidhan Shaadh Qaran? Waxaan Nasiib Daro u Arkaa Xilkaagi Oo aad gudan Wayday oo aad Hadana u cadhooto Cidi Gudatay Hooyo Luul xasan Mataan maaha maalintii Ay Xabsi La Geli lahayd Abaal Ay U Gashay Ubad Ay gacan qabatay Waxaana odhan Lahaa Cid kasta oo daaha dabadiisa Ka Wada Xadhiga Xaqdarada Ah Ee loo Gaystay Hooyo Luul xasan Mataan Gobanimadu Waa Quus Hadii Quud La Dhaafsado Waxaan Baaq U diraya Cid Kasta oo ay Khusayso Iyo Dhamaan Haayadaha Amaanka in Xadhiga Xaqdarada Ah Ee Loo Gaystay Hooyo Luul xasan Mataan In laga sii Daayo Loona Celiyo Xoriyadeedi Laguna Wareejiyo Xarunta Xananaynta Iyo dhaqancelinyta Waxaanan ku Boorin Lahaa masuuliyiinta Ka danbaysa Falkan in Meel aan Hungurigi Gelin aad wax ka daydan waana idiin sharaf Daro Iyo Taariikh Xumo aad kaga tagtaan Xilka Aad Qaranka U haysan Waxaan Jeclaan lahaa in Laydin Kaga Daydo Maamuul Wanaag Iyo sharaf Hana Noqonina Kuwii Xasan Ganey Ku Sheegay Suugaantiisa ee Uu lahaa Dadkayguna Geesigoodiyo Gashaan Qaadkooday Dilaan Qalinkii Mubaarik Maxamed Careef



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured