Xafiiska xidhiidhka jaaliyadaha jsl oo ka codsadanaya dr. Cabdiraxmaan ubaxle inuu ka noqdo go’aankii uu iska casilay xidhiid–

0
Saturday March 09, 2013 - 18:23:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska xidhiidhka jaaliyadaha jsl oo ka codsadanaya dr. Cabdiraxmaan ubaxle inuu ka noqdo go’aankii uu iska casilay xidhiid–

    Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali markuu tixgeliyay kaalinta firfircoon iyo doorka aad ku lahayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cali markuu tixgeliyay kaalinta firfircoon iyo doorka aad ku lahayd.

hawlaha abaabulka iyo isku xidhka jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Europe taasoo waxtar badan ugu fadhiday Xafiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan qaranka Somaliland dhinaca iskaashiga iyo midawga |Jaaliyadaha ee qadiyadda gooni isutaagga JSL iyo horumarka dalka, wuxu ka codsaday Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle inuu ka noqdo go’aankii uu hore u qaatay ee uu iska casilay xilkii Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland Europe, waxanu guddoomiyuhu dib ugu magacaabay Cabdiraxmaan Ubaxle isla xilkaas isagoo uga mahadcelinaya wada shaqayntii hore iyokaalintaadii daacadnimada iyo wadaninimadu ku dheehnayd oo uu ku sifeeyay Guddoomiyuhuin wakhti kasta iyo tacab kasta oo Ubaxle geliyay danaha Somaliland aanay ahayn waxka lumay ee taarikhusuntayso, lana illaawi doonaan.

Waxanay u dhiganyahay qoraalka rasmiga ah ee kamaanta ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL sidan hoos ku cad:

Ku:Laamaha Warbaahinta

Og:Dr. Cabdi-raxmaan CaliUbaxle

Og:Jaaliyadaha Somaliland ee Europe

Ujeeddo:War Saxaafadeed.

Tirxraacwaraaqda ku taariikhaysan 13kii February2013 ee warbaahintu shaacisay, ujeedadeedunaahaydis casiladdaa Cabdiraxmaan Cali Ubaxle.

Markaan tixgeliyay kaalinta firfircoon iyo doorka aad ku lahayd hawlaha abaabulka iyo isku xidhka jaaliyadaha Somaliland ee dalalka Europe taasoo waxtar badan ugu fadhida Xafiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan qaranka Somaliland dhinaca iskaashiga iyo midawga |Jaaliyadaha ee qadiyadda gooni isutaagga JSL iyo horumarka dalka,waxankuu soo gudbinayaa qoraalkaninaan Xafiiska XidhiidhkuJaaliyaduhuwali kaa aqbaalin is casilaaddaas, isla markaana aannukaa codsanayno inaad ka noqoto go’aankan oo aad sii waddo hawshii aad qaranka u haysay oo muhiim ah.

Waxan kaaga mahadcelinayaawada shaqayntii iyo kaalintaadii daacadnimada iyo wadaninimadu ku dheehnayd, wakhti, tamar iyo taageero kalebaintaad wadaankaaga u hibaysay waa midaankaa luminaynmarnaba, waxanan kaa rajaynayaa inaad naga aqbali doonto codsigan.

Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL wuxu u taaganyahay kobcinta xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland iyo doorkooda waxqabad ee dalka JSL.

Allaa Mahad Leh

Maxamuud Cabdiraxmaan Cali

Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured