Faallo:-Maxaa Sababay In Dhaqaalaha Dhismaha Jidka Ceerigaabo Madaxtooyadda Ku Xaroodo Maxaase La Gud-boon Bulshadda Sanaag In Ay Iswaydiiyaan ?.

0
Friday October 18, 2013 - 10:06:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Maxaa Sababay In Dhaqaalaha Dhismaha Jidka Ceerigaabo Madaxtooyadda Ku Xaroodo Maxaase La Gud-boon Bulshadda Sanaag In Ay Iswaydiiyaan ?.

    Xukuumadda uu Horjoogaha ka yahay Axmed Siilaanyo oo ku sifawday Musuq-maasuq ,Eex ,Is-dabomarin iyo Qabyaalad ayaa gobolka Sanaag ka bilowday qorshayaal ay ku borokicinayso dadweynaha ku dhaqan deegaamadaasi oo xaaladooda Nololeed dhulka taalay Laba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda uu Horjoogaha ka yahay Axmed Siilaanyo oo ku sifawday Musuq-maasuq ,Eex ,Is-dabomarin iyo Qabyaalad ayaa gobolka Sanaag ka bilowday qorshayaal ay ku borokicinayso dadweynaha ku dhaqan deegaamadaasi oo xaaladooda Nololeed dhulka taalay Labaatankii Xukuumadda uu Horjoogaha ka yahay Axmed Siilaanyo oo ku sifawday Musuq-maasuq ,Eex ,Is-dabomarin iyo Qabyaalad ayaa gobolka Sanaag ka bilowday qorshayaal ay ku borokicinayso dadweynaha ku dhaqan deegaamadaasi oo xaaladooda Nololeed dhulka taalay Labaatankii Sano ee u danbeeyay ,isla markaana mudadii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay sii xoogaysatay wax ka qabashadeedana ay indhaha ka xidhatay .
Xukuumadda ayaa bilowday Qorshayaal been ah ay ku sheegtay in ay ku dhisayso Jidka dheer ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo uu dhawaan Siilaanyo Dhagax-dhigay iyadoo la ogsoonyahay kuwii hore ee galbeedka Somaliland ee ay Dhag-xaanta Xukuumadu dhigtay ,sheegtayna in ay dhisayso meesha ay ku danbeeyeen , iyo waliba si cadaanka ah ee ay ugu fashilantay ka dib markii ay Hal Kiiloomitir samayn-kari wayday.

Xukumadda Siilanyo ayaa hada markii ay bulshoweynta galbeedka Somaliland ku fahmeen beenteeda iyo Musuq-maasuqa hadheeyay Olole balaadhan u gashay sidii ay Shacbiweynaha Gobolka Sanaag u baadhan lahayd iyadoo ku beerlaxawsanaysa waddaanu idiin dhisaynaa ee Lacago keena iyo Xoolo ,si ay uga faramaroorsato waxa yar ee ay haystaan ,hadhawtana Ololaha Kambaynka ugu gasho iyadoo xitaa la ogsoonyahay Xukuumadda Siilaanyo mudadii ay jirtay adeegyadda gobolkaasi in aaney waxba ka qaban ,culays gaarana ka saartay xaga horumarinta.
Wefti Kulmiye ah oo uu horkacaayo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ,xubina uu ka yahay Wasiiru- Dowlala maaliyada Cadaani Saxaradiid oo uu Siilaanyo u xilsaaray qorshaha Lacag urursiga inay ka dhaadhiciyaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag iyo nawaaxigiisa ayaa maanta ilaa shalayto Kulamo la lahaa dadweynaha magaalada Ceerigaabo iyo Tuulooyinka dhinaca galbeed ka xiga.
Waftigan ayaa sida la xaqiijiyay dadweynihii reer Sanaag ee ay la kulmeen oo iyagu daacad ah aan warhaynin ,ka urursaday Lacago badan iyo waliba Xoolihii yaraa ee ay haysteen ,kuwaasi oo si toos ah Madaxtooyadda loogu shubaayo isla markaana aan waxba loogu qabanaynin sidii hore looga bartay wadooyinkii hore iyo Madaarka Hargeysa ,waliba ku darsoo Akoonadda lacagta lagu shubaayo waxa iska leh wasiir Xirsi halka habayaraatee gudiyo kale oo madax-banaan oo lacagta lagala xisaabtamo hadhawto meesha laga saaray isla markaana aaney jirin.
Hadaba waxa haboon in shicibka gobolka Sanaag Ceerigaabo is waydiiyaan Su’aalaha jawaabta u baahan ee odhanaaya tolow Xukuumadda Siilaanyo wadooyinkii hore ee yar yaraa iyo Madaarkii Hargeysa dhaqaalihii loogu deeqay Musuqmaasuqday ee k u fashilantay in ay wax ka qabato caalamka oo dhana fadeexadoodii gaadhay ,ma idiin dhisayaan Wado Afar Boqol Oo Kiiloo Mitir Ku Dhow ? Tolow maxaa Siilaanyo Hay’adda wadooyinka u hoosgeeyay Madaxtooyadda ma umadii kale ayaa tuug-noqotay ,? Maxaa lagu diiday Gudi madax-banaan oo shicibka gobolku ku shubaan lacagaha ay bixinayaan si loogala xisaabtamo meesha ay ku baxday ? iyo waliba Su’aalaha kale ee ay ka midyihiin Tolow maxaa Deeq-bixiyayaashu u joojiyeen dhaqaalihii ay u qoondeeyeen dhismaha Wadooyinka Somaliland ? Ta kale maxaa wax looga qabanwaayay adeegyadda bulshada Ceerigaabo ee aasaasiga ah ,Su’aalahaasi jawaabtooda dadweynaha reer Sanaag ayaa looga fadhiyaa .
Geesta kale Xukuumadda Siilaanyo ayaa markii ay Hay’addii wadiiyinka Somaliland Madaxtooyadda gacanta u galisay ku fashilantay Deeqbixiyayaashii beesha Caalamka in ay kasbato ,waxaaney ka joojiyeen Lacago farobadan oo Malaayiin Doolar ah oo ay Wadamadda reer Yurub u qorsheeyeen in wadooyinka Somaliland lagu dayac-tiro ,ka dib markii ay arkeen ujeedada laga leeyahay Hay’adda Madaxtooyadda la hoosgeeyay iyo waliba godka madow ee bilaa xisaabta ah ee dhaqaalahoodu galaayo,waxaana cadaatay Xukuumadda talada haysaa markii ay lumisay kalsoonidii caalamka Somaliland ku lahayd in ay usoo dhigatay baadhashadda dadweynaha reer Sanaag oo u baahan in la gacanqabto duruufaha haysta awgood.
Shucayb Maxamed Cilmi
Burco Somalilan
d.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured