Gaadiidkii oo ka tiro batay Dadkii ku noolaa magaalada Hargeysa iyo Shilal xad dhaaf ah oo caadi ka noqday Hargeysa. Qalinkii Weriye Mustafe Teacher

0
Thursday October 17, 2013 - 20:43:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidkii oo ka tiro batay Dadkii ku noolaa magaalada Hargeysa iyo Shilal xad dhaaf ah oo caadi ka noqday Hargeysa. Qalinkii Weriye Mustafe Teacher

    Hargeysa waa caasimadda Somaliland waxa ku nool kala badh in ka badan dadka Somaliland oo dhan ku nool, waxay noqotay magaalo keligeed ay ku mitideen bulshada Somaliland, oo hoy, ganacsi iyo maalgashi badan ba ku sameeyaan, waxayna iska illaaween int

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa waa caasimadda Somaliland waxa ku nool kala badh in ka badan dadka Somaliland oo dhan ku nool, waxay noqotay magaalo keligeed ay ku mitideen bulshada Somaliland, oo hoy, ganacsi iyo maalgashi badan ba ku sameeyaan, waxayna iska illaaween intooda badani goboladii ay ka soo jeedeen amaba ku dhasheen, waxayna dabaqadaha kala duwan ee Hargeysa waa caasimadda Somaliland waxa ku nool kala badh in ka badan dadka Somaliland oo dhan ku nool, waxay noqotay magaalo keligeed ay ku mitideen bulshada Somaliland, oo hoy, ganacsi iyo maalgashi badan ba ku sameeyaan, waxayna iska illaaween intooda badani goboladii ay ka soo jeedeen amaba ku dhasheen, waxayna dabaqadaha kala duwan ee Somaliland ku nooli hoy iyo degenaansho ka dhigteen caasimadda, dadkii aadka u itaalka darnaa ee suuqyada magaalooyinka kale dadka ku shaxaadi jirey ama dawarsan jirey, hargeysa waxay ka yihiin ganacsato iyo muruqmaal isku filan, dadkii ladnaa waxay u fikireen in hargeysa ganacsigoodu ku xoogeysanayo oo ay tahay magaalo ganacsi ama wax iibsi, dukaanka yar ee laga furtaana uu gaadhayo wakhti aad kooban gudaheed Ganacsi waaweyn iyo shirkado ballaadhan, Dadkii dabaqadaha hoose ama muruqmaalka ahaa ee koobka shaaha ka soo qaban waayey gobolada kalena waxay hargeysa u haystaan meel aanay habeen ku gaajoonayn, wallow ay jiran dad iyagu barakacayaal ah oo nolol hoose iyo duruufo adag ku nooli, haddaba waxa magaaladii hargeysa dadka ku soo wada dhaqaajiyey waxan kala sheekaystay nin reer Burco ah oo dhowaan u soo guurey hargeysa waxanu yidhi “horta magaalooyinkii kale ee dalka waxa ugu weyn ee looga soo yaacay waxa weye, waxay noqdeen magaalooyin beelo isku eryanayaan, magaalooyin hayb iyo dukaankaas yaa leh wax la iskaga iibsanayo, magaalooyin aan qarinayn qofka gobol kale ka yimid ee markiiba laga soo dhex soocayo, magaalooyin aad moodo inay naxariistii ku yaraatay oo mid kasta oo itaal daran kii dad ugu xigey ama la dhashay ka cararayo, magaalooyin aan shaqooyin badan oo ganacsi iyo mid dawladeed toona ka socon, magaalooyin aaminay caasimadda inay wax waliba yallaaan oo an iyagu waxba isu arkin haddii suuqyada iyo ganacsiyada ugu ballaadhan dalk laga sameeyo, magaalooyin dadkoodu reer hebel iyo reer hebel uun ka sheekaysnayo , markaa wallaahi dadkii intii ganacsigooda u baqday, intii naftooda u baqday, intii sharaftooda u baqday, iyo intii waxa dhacaya oo dhan deristay oo baadhay ba waxay go’aansadeen inay dadkooda ka mid noqdaan oo meeshan dawladdii fadhido ee wasaaradihii dalkoo dhami fadhiyaan, ee dhaqdhaqaaqyadii oo dhami ka jiraan ay iska degaan, hargeysi na dhowaan waxay isu bedelaysaa goobaha loo soo dalxiis tago oo waad arkaysa waxa fooqyo isku wada nooc ah oo quraarado ah oo kuwii Paris ku yaalla u dhigmaya laga bineeyey qaarna ka socdaan hadda” ayu yidhi Ali ibraahin oo reer Burco ahi.

Haddaba hargeysa waxa mucjisooyinkeeda ka mid ah Baabuur xad dhaaf ah oo u badan kuwa raaxada ee qofku sida gaarka ah uu ugu adeegto iyo basaska isaga kala goosha xaafadaha magaalada hargeysa, waxad arkaysa Xaafad ama qoys ka kooban 4 wiil , 3 gabdhood, Aabahood iyo hooyadood oo 8 ama 7 Baabuur leh oo Geerashyada iyo ganjeelka guriga ku soo wada xaraynaya, waxad arkaysa qof isgu keligii 3 baabuur wata oo ku odhanaya markaad waydiiso wan isku nasiyaa oo Week ba mid baan kaxaysta, waxad arkaysa lammaane hadda is guursaday oo cusub oo labaduba laba baabuur kala wataan, suuqa u wada baxaya baabuurtuna guriga mar ka wada baxayso, dad reer hargeysa ayaa dhowaan ii sheegay in nin iyo xaaskiisii ay xattaa dhowaan isku duqeeyeen ama iyagu shil iska galeen hargeysa gudaheeda, oo ninka laamiga weyn si xawli ah u maraya xilli hore oo cagtu yarayd ay xaaskiisi oo gaadhigeedii wadata surin yar kaga soo boodey kadibna Bireeg la isla haleeli waayey oo labadi gaadhi si xun wax u noqdeen lakin anu labadoodii wax gaadhin, dhacdo tan la mid ah ayaa ka dhex dhacday wiil iyo aabihii oo laba baabuur kala wata hargeysa gudaheeda wakhti sii horeysay.
Shilalka noocan ah ayaa ku tusaya xaddi dhaafka iyo tiro beelka gaadiidka hargeysa gudaheeda dhex mara, iyadoo weliba sidaas lagaga mamnuucay maalintii gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada oo haddii la fasixi laha inay magaalada dhex maraan malintii shilku sidan ka badan lahaa.
Dulucda igu kelliftay qormadan inaan qoro ayaa timid kadib markii saaka aan la kulmay wakhti 2 saacadood gudaheed ah 5 Shil oo ka dhex dhacay magaalada hargeysa, shilkii ugu horeeyey oo dhacay saaka 10kii subaxnimo ayaa aha gaadhi Barado ah (surf) oo nin ku jiidhay laamiga weyn ee hor mara wasaradda cafimadk Somaliland, ninkas oo isagoo si xun u dhiig bxay oo madaxa murayada hore ee gadhiga ka soo jaray loo qaaday cisbitalka guud ee hargeysa, ninkii gaadhiga watay ee ninka jiidhay ayaa laftiisu markiiba Koomo iyo xaalad aamusnaan ah galay isagoo baabuurkiisii weli saran, sidoo kale laamiga weyn ee ka soo dhaadhaca idaacada ama xarunta wasaradda warfaafinta oo an mrkaas ka imi ayaan kula kulmay illaa 4 Baabuur oo is duqeeyey balse aan wax khasare nafeed ahi ka dhalan, baabuurtan ayaa mid xagga danbe laga galay, mid turuska ama afka hore laga galay, mid dhinaca laga galay, waxana mid ka mid ah markiiba lagu qaday wiishka gaadiidka qaada, shilkan ayaa isla daqiiqad ka dhacay isku goob keliya, waxna taas dadka reer hargeys markiiba ku sheegeen wax iska caadiya oo maalin walba dhaca, ayna sabab u yihiin tiro beelka gaadiidka yaryar ee magaalada dhex mara, iyagoo dad badani xal u arka in si loo yareeyoba la yareeyo ama la joojiyo gaadiidka yaryar oo haddii intan ay sii dhaafaan ay iman karto xaalado sidan ka xumi.
Qalinkii:
Mustafe Osman Abdirahman(Mustfe Teacher
Hargeysa Somaliland
Mustafeteacher@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured