Ma Xaqba Xadhigga Aqoon Yahan Jiir? Kumu se ahaa Qoraa Jamac Cilmi Jiir?

0
Thursday October 17, 2013 - 20:17:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Xaqba Xadhigga Aqoon Yahan Jiir? Kumu se ahaa Qoraa Jamac Cilmi Jiir?

    haday donto haba noqoto beesha uu kasoo Jeedo, Tariikhda waxaynu ku haynaa nin ninka aynu ku shabihi karno ama u eekaysin karno Ina Sanweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

haday donto haba noqoto beesha uu kasoo Jeedo, Tariikhda waxaynu ku haynaa nin ninka aynu ku shabihi karno ama u eekaysin karno Ina Sanweyne Waxan halkan ka salamayaa Shacabka reer Somaliland ee dulmiga neceb, waxna aan dulmin, in la dulmiyana aan yeelin ee ka dagalamay.
waxan kaloo salaan lamida udirayaa Saxafada Xorta ah, salaan ka dib: waxan maanta Qalinka U qatay in aan ka hadlo xadhiga Xukumadda Silaanyo
kula kacday Qoraa Jamac cilmi Jiir kuna caan aha Aqoon yahan jiir, sida la wada ogyahay waxa jeelka la dhigay wiilka dhalinyarada ah
caanka ku aha inuu ka hadlo dulmi kasta oo uu arko una hadla markasta danta shacabka, laguna yaqanay in uu runta ka hadlo

haday donto haba noqoto beesha uu kasoo Jeedo, Tariikhda waxaynu ku haynaa nin ninka aynu ku shabihi karno ama u eekaysin karno Ina Sanweyne
oo caan ku aha Cadalada iyo in uu runta u sheego cida qaldanta, ilow muba ahaado seedigibe! wuxu ka hadlay Aqoon yahanku Musuq masuqa ay ku kacaan wasiirada dawlada silaanyo, oo ku caan baxay qaraabo kiil, loo qaraabo kiilo xigtada silaanyo, dadka qaar waxay dhahaan beesha Habar jeclo lkn hadalkaasi sax maha meesha waxa qabsaday rag isu ah seedi iyo ilmadeer iyo adeero IWM Qaarkoodna ay hablaha silaanyo qabaan, dhamaantood hadaad eegto waa xigto.
Mudane Cigaal Madaxweynihii hore ee maxamed X Ibrahin (Cigaal) wuxu ku caan aha in inta qarabadiisa ah ee u dhow in uu iska ilaaliyo kana xanaaqo in ay agtiisa yimadan si aan loogu malayn in uu samaynayo cadalad daro, sharaftisana si uu u ilaashado.
Wuxu aha madaxweyne ruug cadaa ah, silaanyo wuxu ka dhamaan la,yahay qarabadiisi iyo xigtadii sidi uu kursiga u qabsaday Beelaha Habar Jeclo
oo ka koban guud ahan 4 reer waa beesha Muuse shiikh isixaaq, beesha Maxamed shiikh isixaaq Cibraan iyo beesha Ibrahim shiikh isixaaq Sanbuur iyo Beesha Reer Dood, Beesha muuse shiikh isixaaq waa Cumar jibriil iyo Abokor Jibriil, Beesha cumar jibriil waa Isixaaq Cumar IYo Biciide Cumar, Isixaaq Cumar wuxu ka koban yahay, Urursuge Isixaaq, Ayuun Isixaaq IYo Cali afweyne Isixaaq. Beesha abokor jibriilna waa Muuse Abokor iyo maxamed abokor IYo samane abokor, hadaba side silaanyo Xilalka sare u qaybiyey sida wasaaradaha, silaanyo wuxu ku koobay wasiirada beesha uu kasoo jeedo e Muuse sh, isxaaq halka anu waxba kasiin 3da reer ee kale cibraan, sanbuur iyo reer dood, Muuse sh. isixaaqna wuxu siyey beesha uu kasii yahay ee abokor jibriil, abokor jibriilna waxa wixiba uu siyey muuse abokor iyo maxamed abokor, markaad halka eegto waxad arkaysa in Silaanyo uu ka tagey beelaha habar jeclo inta gobta ah ee Reer somalilaand la dhaqanta waa colaad gamurtay oo uu uhayo beelaha habar jeclo ee xadarada leh necebna in ay dulmi ku racaan, xaqiiqda marka laga hadlana waa beelihi u codeeyey ee soo saray lkn Silaanyo waxa uu caan ku yahay in cida u gasha abaalka in uu ka abaal ka daro sidi ninki Nabi Muuse CS uu u hiliyey oo kale ee isagi hadana sheegay, dhamaan Shacabka reer somalilan intoda badani codkoda ayey siyeen, isago ushegaya inuu cadalad ku dhaqayo Silaanyo, waxayna ahayd in mid u huray wax badan iyo mid kaleba uu usinaado, madama oo uu ku dhaarta kitaab Quraan ah, wuxu u cadalad sameyn kari wayey reer Burco Bari iyo Galbeed hadaan hoos u degana Beeshisa ayuu kala qabyaladeyaye e ma cidkale ayuu cadalad u sameyn karaa?
Waxan Kaloo ogaday madama aan ahay nin beesha silaanyo kasoo jeeda oo ku dhex jira, in maalin walba qoraalo lagu difaacayo dawlada qaraabo kiilka wada,
in ay qoraan lafta hoose ee silaanyo kasoo jeedo, beesha loo yaqaan Adan madoobe inama yar yar oo bartay in wax la xariiqo iyo Qaar kalo iyana difaaca Mujaahidka cusub ee taangigu jiidhay Xirsi.
hadaan usoo laabto waa kuma Aqoon yahan jiir, Qoraa Jamac Cilmi jiir waa nin dadka reer somaliland isugu mid ahayeen kana damqada dulmiga waxad ogeeyden sida uu uga dhidhiyi jiray marka beel ka mida beelaha kale ee somaliland lagu xadgudbo ama shakhsi caan ah sharaftisa lagu xadgudbo uu uga bixin jiray xaalka, isago ka xun arinka kana fakaraya in beri taaso kale ku dhci karto, su,asha isweeydinta lihi waxa weeye meeye dadkii uu shalay u doodo jiray!
waxa jirta sida wararku shegayaan in xirsi dhawr jeer isku dayey in uu laaluush siiyo Qoraa Jaamac climi jiir lkn uu ka diiday arinkaas, kuna yidhi lacag dhaafsan maayo wadaninimadayda, ilaa aad joojisaan waxyabaha aan idinku dhaliilayo, ka dib markuu ka quustay madaxweynaha dhabta ah ee xirsi uu amray in la xidho! silaanyo waa maqaar saar mana aha madaxweynaha dhabta ah ee taaliya, waxad ogeeyden in uu kala garan wayey inta dumar wasiir ah dawladiisa, iyagoo fara ku tiris ah, halkaa waxad ka arki karaysaa in silaanyo laga sexeexdo uun ee anu nin taliya ahayn, ano ka mid ah dhalinyarada reer somaliland ee Neceb dulmiga kana dhiidhiyay dulmiga lala soo shaac baxay waxan jeclaystay in aan shacabka usoo bandhigo xaqiiqada dhabta ah ee ina hortaal.
Waxyabaha dadka qaar ceebta uga dhigaan qoraga se amaanta ah ayaan rabaa inaan jawaab ka bixiyo dadka qaar markay ka hadlaan waxay dhahaan waxa uu aha macalin quraanka ciyaalka udhiga ee goormu aqoon yahan noqday? waa hadal daciif ah oo jaban idinkuna aadba ka jawaabi kartaan, Goormay noqotay in quraanka oo la dhiga ceeb qof lagu dhaleceyo? Gooramay noqotay in quraanki ilahay qofkii dhigayey hoos mid loo dhigo? quraanku miyaanu ahayn Cilmi la barto ka ugu weeyn welibana ajar kaga socon, taas waxan filaya inayba amaan u tahay Qoraaga. Waxyabaha kale ee lagu dhaleeceyo Aqoonyahanka aya waxay tahay beelaha kale ee Isaaq ee aan Habr jecl ahayn ayuu Saxiib dhaw layahay amaba sida ay hadalka u dhigan iyagu u shaqeeyaa taas lafteedu waa wanaagi oo xumaan loo rogay! hadaad ka hadasho cadalada beeshada ama xigtadada aad runtaa usheegto waxad tahay qof lagu shaqaysnayo! horaan uga hadlay in Nin ninkan ka weeyn lkn in yar la odhan karo wuu u dhawyahay uu aha Ina Sanweyne oo isna aha Isaaq gaar ahan Beesha Habar jeco tariikhdisana lagu dhigto dugsiyada Somaliland halkaa ayaan ku joojinaya
Qaybta 1 aad Lasoc qaybta 2 aad ......
Cumar Muuse Faarax



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured