Baaq Beesha Baha- Sacad ( Sacad Muuse) Oo Ku Socda Madaxwayne Siilaanyo Iyo Madaxda Golayaasha Qaranka

0
Wednesday October 16, 2013 - 16:33:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Beesha Baha- Sacad ( Sacad Muuse) Oo Ku Socda Madaxwayne Siilaanyo Iyo Madaxda Golayaasha Qaranka

    Tan Iyo Markii madaxwayne Siilaanyo Tallada Dalka Qabtay Waxaa Jira inuu sida badheedh ah u bixiyey Shan Wasiir Oo Kala Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan Iyo Markii madaxwayne Siilaanyo Tallada Dalka Qabtay Waxaa Jira inuu sida badheedh ah u bixiyey Shan Wasiir Oo Kala Ah Tan Iyo Markii madaxwayne Siilaanyo Tallada Dalka Qabtay Waxaa Jira inuu
sida badheedh ah u bixiyey Shan Wasiir Oo Kala Ah
1. Wasiirka Arimaha Dibadda
2. Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare
3. Wasiirka Maaliyadda
4. Wasiirka Warshaddaha
5. Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Ah
Kuwaas oo dhamaantood ah Beesha Abokor Isaaq Sacad Ee Sacad Muuse , Isaga
oo qaddiyay Beelaha Baha Sacadda . Sida Makaahiil Isaaq , Yaasif Isaaq,


Cabdalla Sacad , Adaraxmaan Sacad Iyo Beelaha Baha Muuse Ee Kala Ah .

Afgaab Muuse , Cabdi Muuse , Cigalle Muuse , Cili Muuse . Arintaasi waxay

muujisay In cidda ugu dhaw-dhaw Madaxwaynaha Ay yihiin Beesha Abokor Isaaq

. Taas oo ay wali ka sugayaan Saamigii ay ku lahaayeen Xukuumaddisa .



Isma Lihin Garasho la’aan bay ka tahay , isma lihihin goddob baad gasheen ,

Isamana Lihin waad ka gali doontaan , laakiin Madaxwayne Waxaanu

Qabanaynaa Bisha Laba Iyo Tobnaad Afar Iyo Tobankeedda Shirwaynaha Baha

Sacadda Kaas Oo ka dhici doona Dagmadda ( SAYLA) .

Shirkaas oo ah Mid muddaba aanu hoos ka waddnay Hadeer-na Soo gaadhay

gaba-gabaddii .

Baaqan Waxaanu Ogaysiinaynaa

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi ,

Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Ismaacil Shaqale ,

Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdi Laahi Suldaan Cabdiraxmaan , Oo Aanu U sheegayno in muddadii

sugitaanka iyo dulqaadkuba naga dhamaadeen , wixii imika ka danbeeyana

Aanu doonan doono meeshii kale ee aanu wax ka heli karno , Godobtuna

Meesheedda Taal , Bal U fiirso Saamigga ay qaateen Beesha Abokor Isaaq Iyo

Sida ay u qatan yihiin Beelaha Kale .

Bal Aan Eegno Siilaanyo Oo Aanaan Islahayn waxbaa ku baaqiya laakin wuxuu

Siiyey Baha Sacad Aanay Jirin, Halka uu ka siiyey beesha Abokor Isaaq

Mansabyaddan Hoose Ku Qoran

1. Wasiirka Arimaha Dibada = Nuux Ismacil

2. Wasiirka Waxbarashada= Nuux Ismaacil

3. Wasiirka Maaliyada = Cabdale Abokor

4. Wasiirka Ganacsiga = Jibriil Abokor

5. Wasiirka Warshadaha = Jibriil Abokor

6. Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaran = Reer Samatar

7. Agaasimaha Guud Ee Caddalada = Jibriil Abokor

8. Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada = Cabdale Abokor

9. Agaasimaha Guud Ee Boosaha Iyo Isgaadhsiinta = Bah-gobo

10. Agaasimaha Tv Qaranka = Nuux Ismacil

11. Agaasimaha Wargaysyadda Xukuumada = Nuux Ismacil

12. Gudoomiyaha Haayadda Shaqaalaha = Nuux Ismacil

13. Agaasimaha Wakaalada Biyaha = Reer Samatar

14. Taliyaha Illaaladda Madaxtooyada = Jibriil Abokor

15. Duqa Caasimada Hargaysa = Nuux Ismaacil

16. Gudoomiayaha Jaamacada Hargaysa = Nuux Ismacil

17. Gudoomiyaha Xarunta Agoomaha = Nuux Ismacil

18. Afhayeenka Madaxwaynaha = Jibriil Abokor

19. Xoghayaha Gaarka Ah Ee Madaxwaynaha = Nuux Ismacil

20. Lataliyaha Madaxwaynaha Xagga Siyaasada = Jibriil Abokor

21. Lataliayaha Madaxwaynaha Ee Ganacsiga Iyo Maalgashiga = Nuux Ismacil

22. Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada = Nuux Ismacil

23. Agaasimaha Cusbitaalka Guud = Nuux Ismacil

Tiradda Intan le’eg oo u muuqata in loo soo dhiibay kuwa ku xeeran

Madaxwaynaha Isla markaana ay diideen inay isa soo dhaafiyaan oo mid

waliba reerkooda u miisay , iyaga oo walibana tiradda intaas leeg haysta

Mucaarid Ku Yahay reerka aan kor ku soo sheegnay iyaddo ka muuqata Saluug

Xil Qaybsiga Xukuumadda . Halka Baha Sacaddu Dhamaanteed Tahay Muxaafid

Dib U Xusuuso Axmed Xaashi Odey Oo Ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Markii

Xilka Laga Qaaday May Jirin Wax Mucaariddad ah oo lagala hor yimid halka

Boobe oo markiisii Hore Ku Yimid sifo khaldan uu wuxuu doono ku yidhi

madaxwaynaha .

Madasha-watashiga Xubnaha Ugu Cad-cadi Waa Beesha Abokor Isaaq . Anigu

Garan Maayo Waxay Ku Mucaaridayaan , Waxaanse U Malaynayaa Inay Waayeen

Ciddii Kula Tartami lahayd Garoonka. Haddaynu Dib u yara eegno 1993 Markii

La Soo Dhisay Dawladii Cigaal Shantii Boqol Ee Ciidamadda Ahaa Ee Ugu

Horeeyay Goobtii ay weerareen waxay ahayd Taliska Ciidamada Qaranka

Halkaas Oo Ku laayeen Xubno Badan oo Mujaahidiin ah kuna dhawaceen Tiro

kor U dhaafaysa Lixdan Qof Oo uu ku jiray Allah Ha U Naxariistee XASAN

YONIS HABANE , Waxaa kale oo dhacday in wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga

Mujaahid Bare Nuur Xaaji Cabdi laahi Xabsiga Loo taxaabay iyadda oo aan

xilka laga qaadin . Xubnaha wakhtigaa ka danbeeyay ama hormoodka u ahaa
waa xubnaha haddeer u ah xukuumada Siilaanyo. Wax kasta Hore u dhacay
beelahani waxay ku illoobeen Hor’umarka Dalkoodda iyagoo ilaa manta si
Hagar la’aan ah ula shaqeeya Madaxwayne Siilaanyo Balse U Garan La’yahay
Anaguna odhan kari waynay Waxbaa naga maqan Walaalahayguna Garan waayay in
Saddkayga noo soo celiyaan .
Sidaasi Darteed Waxaanu Go’aansanay wixii imika ka danbeeya inuu
noocaddeeyo Siilaanyo inuu ka maarmay Beesha Baha Sacadda. Iyo Inuu jawaab
dag-dag ah ka soo bixiyo tabashada beesha , waxaa intaas dhamaan goobihii
ay xukuumaddu ka qaadan jirtay qalabka Xafiisyada in si toos ah loogu
wareejiyay Reerka aan kor ku soo sheegay oo si cadaawad ah u tustay Waxaa
Go’aankooddu Yahay.
Qalinkii Cabdi Raxmaan Maxamed Guun





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured