Maansada: 2aad ee silsilada gudmo_gurad

0
Tuesday October 15, 2013 - 18:49:21 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada: 2aad ee silsilada gudmo_gurad

    Abwaan: c axmaan Mohamed ahmed [Dhuxul]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan: c axmaan Mohamed ahmed [Dhuxul]

Waa soo guduutoon

Islahaa wakaa yimid

Gudcur hiilkii raagoo

Lagaadh horumarkiiyoo

Nasoo gaadh iftiinkii

Mugdigiina guuree

Ayuunbaa afgaaliyo

Hadlay garashadiisoo

Gabdhihii afduubee

Inkastooy guracantahay

Weliba geed qadhaadh tahay

Madhantahay gunteedu

Gargaarkii ilaahiyo

Galladiisu noo maqan

Guulana naloo sheeg

Gafkayaga rabbow dhaaf

Aan soo gorfeeyoo

Wixii ila gudbooniyo

Geestay badheedhoo

Gartiinana bal dhuuxee

Xasan garqaadkiyo

Dooda iyo gabadhani

Kuu diiday gama’ii

Taladiinu waa guux

Aan goorahan maqlaayoo

Ana gaabsan maayee

Garabkaagaan taagnahay

Nasiibkeenu waa guul

Jihaadkaynu galaynaaye

Gaashaanka qaadoo

Samirkana guntoo huwo

Marmarsiyo gaariyo

Dunidani gabawdee

Gudcur dama’ socdaashee

Gaaraabidhaan sidii

Hadba gabi ka lulatee

Gorgorkiiba quustee

Qaxday gorayadii badi

Galawgiina dabar go’ee

Gaba gaba maraysee

Gaaladu hormoodkiyo

Geesiga u tahaybay

Ku nooshahay gunteedoo

Gabdhihiiba daayoo

Geelaa musharaxoo

Gada haatan joogtana

Maba galo war diineed

Ha igu gabin warkaagee

Golihii wakiilad

Guri baarlamaankiyo

Gudidiyo wax garadkii

Miyay gaadhay xaajadu

Malaha sheeko gaariyo

Godob ay tirsanaysoo

Ubaxani guduudkii

Gaadmo uu yahaybay

Soo gudo is leedoo

Gudinbay qarsanysaa

Gunxaadhkii wuxuu yahay

Inan golaha keenoo

Gabadhani la hadalnoo

Gardarada u sheegnoo

Haday guux bilawdana

Geesahaan ka qubanaa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured