Maliibaanayaasha lagu liibaanay!

0
Sunday October 13, 2013 - 20:51:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maliibaanayaasha lagu liibaanay!

    ‘dhalinyarada seegseegu waa, saaca waayah markii camal la siin waayaybay, suuqa tubanyiiin’ Saxansaxo, Gaariye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

‘dhalinyarada seegseegu waa, saaca waayah markii camal la siin waayaybay, suuqa tubanyiiin’ Saxansaxo, Gaariye

dhalinyarada seegseegu waa, saaca waayah


markii camal la siin waayaybay, suuqa tubanyiiin’
Saxansaxo, Gaariye
Ha layaabin inaan ku naanaysay dhalinyarada somaliyeed ma liibaanayaan waan hubaa inay liibaani lahaayeen ee waan lagu simo inay liibaanan, bulshada Somaliland waxaa lagu qiyaasaa tiro ahaan 3.5 million ku dhawaad 75% ayaa dhalinyaro ah waa wax alle loogu mahadnaqo tirade intaa leeg haday ka yihiin bulshadii waayo waxay kuu bildhaaminaysaa wadan cududa intaa leeg oo da, yar ah leh sida uu mustaqbalkiisu u iftiimayo way tahay oo way ahaan jirtay hadana wax jiraa ma jiraan, sababta ma is waydiisay? Marka laga imaado inta yar ee u shaqaysa ururada caalamaga (INGOs) ah ama ku maxaliga(LNGOs), hay,adaha qaramada midoobay, iskood isku shaqaalaysiiyay iyo xafiisyada dawlada dhalinyarada Somaliland waxaa si aan dheeli tirnayn u qaybsaday labada gumayste ee kala ah gumaystaha ganacsadaha ‘adoonsiga jalka iyo jeebka’ iyo gumaystaha siyaasida ‘adoonsiga maanka iyo mooraalka’ oo aad moodayso inuu gumaysataha siyaasadu ka sadbarsuday kan ganacsadaha Daraasad la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dhalinyarada somalialnd 25% ay shaqeeyaan xaga 75% ay shaqo laan yihiin waxaan u macnaystay in inta shaqala,aanta ahi ay si dadban ugu rahman yihiin siyaasiga oo galinka hore maalin kasta ay ugu shaqeeyaan xafiisyada fadhi ku dirirka ah ee ku dhex yaala hay,adaha shoomeerka iyo shaqala,aanta ‘Bureau de chômeurs’ku waas oo aan wax xaq iyo xuquuq ah dan nololeed iyo dhaqaale toona ka dheefin ee iyaga oo duhurkii labada qowl ka xumbaynaya ka soo rawaxaan fadhi-ku-dirirka waaba maalintuu ugu hawsha yaryahay haddiiba aanay dhicin in uu madaxa fulinta ka noqdo mashruuc ay mucaaridku soo qaateen oo ah mudaharaad la iskuugu soo baxo amase aanu si baraad la,aan ah laamida ugu soognaan sagootin ama soo dhawayn madaxeed sidii caadad inoo ahayd.

u soo noqo gumahaystaha nooca labaad ee laga sad bursaday waa gumaystaha ganacsadaha ‘adoonsiga jalka iy jeebka’ muuqaalka guud ee magaalooyinka Somaliland waa mid ku soo dhawaynaya markaad eegto ganacsiga sii barwaaqooyabay, saxmada suuqa, sida loo kala macaashayo, badeecada dacalada dunida laga keenay ee is waydaaranaysa iyo shaqaale dhalinyarada u badan oo markiiba kugu qaabilaya waji furan una heelan inay sida ugu saraysa ee uugu macquulsan kuugu adeegaan, adiga oo u bogay oo la dhacay oo aad u qushuucday sida baarinimada ah ee laguugu khidmeeyay waadigaa si niyad ah xadhiga uuga jaray lacagtii yarayd ee jeebka kuu jirtay waliba laguugu sii daray hadalo wanaagsan oo kalsooni kugu abuura ‘noo kaalay markasta, alaab cusub ayaa noo soo socota, qiimo dhimis ayaanu kuu samaynayaa’ waad ka soo baxday meheradii adiga oo qanacsan oo waliba duco uugu daray “allow meherada iyo shaqaalahaba barakee” balse waxaad calool xumo u qaadaysaa ganacsada markaad si dhab oo kalsooni ku jirto aad ula sheekaysato dhalinyarada ganacsatada u shaqeeysa iyo dhacdooyinka iyo duruufaha ay u soo joogeen, waxay kuu sheegayaan in lagala dagaalamayo wax alle wixii horumar u horseedi kara ‘‘ninkii hebel shaqada ayaa laga eryay sababtuna waxay ahayd markii uu mulkiilaha meeshu arkay ninkaasi inuu hami badani ku jiro, inankii kalana meheradaa ka shaqaynayay waa laga caydhiyay shaqadii markii lagu arkay labis iyo xarago saa,ida kaba sii daran yarkii dheeraa ee u shaqaynayay meherada soo jeeda waxay isku maan dhaafeen ninkii uu u shaqaynayay waan guursanayaa iyo ma xoolahayga ayaad ku guursanayasaa ileen xoola kala mahaysatide, cajiib! Intaa waxa u dheer ninkaa dhalinyarada ah ee shaqaalaha ah looma ogala inuu aas iyo aroostoona ka qayb galo hadii kale shaqadiis ayuu ku waayayaa markaa sow qays iyo tol iyo xididba laguma seejin, may ba,naateen hadii badalkiisa uu helayo oo mushahar baahiyihiisa uu ku daboolo la siinayo

‘ Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,

Waxa yarey saxeexaana waa, saymo-lagu-reebye,

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane’

Oo waliba ay u dheertahay caga juglayn iyo hanjabaad lagu dhago barjeeyay in shaqada laga eryi doono oo badalkiisii la hayo, iyagana waa gartood inay shaqada isku sii dhajiyaan oo ay dul u yeesheen adoonsiga jalka iyo jeebka waayo waxay arkayaan ninkii aan intan isagu hayn inuu gar iyo mag la,aan ku dhimanayo oo uu hayo shaqo tan ka adag oo bilaa guno ah ‘fadhi-ku dirir-ka’

Dhalinyaradii soomaaliyeed waxaa muruqoogii iyo maskaxdoodii ku liibaanay siyaasi iyo ganacsada oo aan abaal iyo ajar toona u ogayn dhalinyarada aya dhiigoogii iyo dheecaankoodii ya muudsadeen, mar baan is idhaahdaa waadigii amranaaye ma habaartaa ‘ilaahay idinkii indhaha laba idinkaga hadhay oo dayrta soo socota daad idin qaad’, Hadana waxaan is idhaah inkaar ayaa kaaga dhici. Waxa cad oo aan cidna ka qarsoonayn ninka ganacsada ahi inuu ku xisaabtamayo lacag malaayuun doolar ah inuu macaasho isaga oo ka faa,iidaysanay fir-fircoonida shaqaalaha dhalinyarada, siyaasiguna wuxuu ku xisaabtamay inuu mansab sare oo siyaasi ah ku gaadho ama ku sii waaro isagoo adeegsanaya maanka iyo muruqa dhalinyarada hada waxaan daah kaa saarnayn marka labada gumayste ay gaadhaan hadafkooda inaanay wax nafci ah ku soo celin shaqaalihii ama taageerihii uu salaanka ka dhigtay, hadaan danbiga iska daayo tiro ganacsadata ka mid ah ayaa waxay wax kaga soo celiyaan sakada ku waajibtay xoolaha tiro dhaafay, tolow may ku baxaysaa?

Labadan nooc ee gumaysigu waxaad moodaa inay yihiin kuwa ugu khatarta yar markaad eegto kuwa ka sii daray ee qoriga u dhiibay ama siyaabo kale ugu faa,idaystay dhalinyarada soomaaliyeed rag iyo dumarba.

Allow saawa-saawah

sidii roon adaa oge

naga samata saaroo

noo sahal aduunyada

Cabdikarim Muse Cali

036 4111039

Karama1330@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured