MAANSADII GARYAQAAN HA SOO GALO

0
Sunday October 13, 2013 - 18:56:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADII GARYAQAAN HA SOO GALO

    ABWAAN: XASAN BARE DUCAALE[AAR] MAANSADII 1AAD ee silsilada gudmo_gurad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ABWAAN: XASAN BARE DUCAALE[AAR] MAANSADII 1AAD ee silsilada gudmo_gurad

Gooray saqdhexe tahay

Ama gelin dambeedkii

Anigoo gembiyanoo

Gogoshayda jiifoo

Gama’una macaanyahay

Ayuunbaa geriiriyo

Gaabaa gurdayniyo mar;un

Guux soo galay

Geriiroo ka sare kacay

Goonyahayga fiirsaday

Mise waa gudoonoo

Gaan gaanbinaysoo

Gaadhiyaal camiraniyo

Gamaankii fardoodiyo

Geysh dhan oo dadweynaa

Gadaal iyo horteediyo

Geesaheeda marayaan

Geedo wada cagaarana

Gacmaha ay ku lulayaan

Garan waayey hawshiyo

Gelbiskani wuxuu yahay

Dabadeed su’aal culus

Guudkaa u saaroo

Gudooneey maxaa dhacay

Goobtii ka idhi dee

Gudoonbaa iyana tidhi

Aaroow war guudiyo

Aan faalo guud mara

Gosha kuugu duubee

Gacantaada ii dhiib

Waxaan idhi gudooney

Guji oo bal soo daa

Waxy tidhi geraadiyo suldaaniyo

Guurtida dalkeeniyo

Gadhwadeenka duniyo

Gudoonkii wakiilada

In la ii garaaboon

Galabtadan ku degi karo

Ma gefbaad u aragtaa

Waxan idhi gar maahoo

Gudubaad samaysoo

Garkii laguu xuduudshayna

Goynbaad ku dhaaftoo

Gebibaad kaboodoo

Gabadhyahay garaadiyo

Garays aanad laynbaad

Garabkaaga sudhatee

Guul aan ku siiyiyo

Garaw hayga sugin dee

Waxay tidhi gabye aar

Geyigaan ku nool nahay

Gadhcadaagii joogiyo

Gabdhuhuba dhamaantood

Gole ii sameeyoo

Gabanadu ciyaaroo

Gashaantidu mashxaradoo

Gidi ii riyaaqoo

Geed dheerI saaree

Ma geediga hayaankaad

Gaadihiisa tahayoo

Gidinbaad u sidataa

Waxan idhi garwaaqsoo

Geshi kaama galayoo

Gesiin kaama qubayee

U gurmaan is leeyahay

Mar haday gebtaa tahay

Gucur uu ku wiirsaday

Waxay tidhi garaadbaan

Kugu soo tuhmaayoo

Guuraha habeenimo

Gurigaa I keenee

Mar hadaad geyexantahy

Gulufbaan ku baaqnoo

Taayiraan gubaynaa

Cidna dooran maynee

Waa goosanaynaa

Dabeed waxaan idhi

Gawr gawrtay sheekadu

Gaankayga dhaaftoo

Igu gebi dhaclaysee

Gaaladaa qadhmuunbaa

Ginni qaybinaysoo

Gaaridii u jilicdoo

Ana igu gadoodoo

Iga gaabsan waayee

Gundhigeeda hoosiyo

Gorfaynteeda xaajada

Bal aan guuta culusiyo

Garyaqaano raadshee

Gudooneey bal ii joog

Deeqsoow garaafiyo

Garaabiido cuduriyo

Arrin gawsan weyday

Inaan kuu go’ fidiyaa

Gugan aan is aragnee

Gundaheeda baadh baadh

Guni guni u qaad qaad

Ina cali bal gaadhsii

Gestaa kaleetana

Dhuxulbaa ku suganoo

Guntintii adkaataba

Gef kasiin yaqanee

Golahana kusoo soor

Gabadhana na kala gura

Waan isku gurracanee




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured