Shacabka saaxil Gobonimay muujiyeen Maah maah soomliyeed ayaa tidhaahda (Bawdya rag maalinba midbaa qaawan )

0
Saturday October 12, 2013 - 21:29:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka saaxil Gobonimay muujiyeen Maah maah soomliyeed ayaa tidhaahda (Bawdya rag maalinba midbaa qaawan )

    Waxaa iyana xusid mudan sida hagar la?aanta ah ee uu mujaahid Ibraahin dhaga wayne ugusoo dhaweeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa iyana xusid mudan sida hagar la?aanta ah ee uu mujaahid Ibraahin dhaga wayne ugusoo dhaweeyey dhaweeyey
(Hadii dayaxa la waayo xidigahaa lagu gudaa)
Maansha alaah waa akhbaar isoo jiidatay markii xalay aan Newska furay waxaan markiiba arkay Musharaxa madax waynaha xisbiga Ucid Jamaal Ali hussein oo si diiran oo gobonimo ku dheehantahay loogusoo dhaweeyey magaalada barbara taasina ay run ahaantii ka dhaq dhaqayso jalaafadii xisbiga ucid dhawaan loo abaabulay .
Waxaa iyana xusid mudan sida hagar
la?aanta ah ee uu mujaahid Ibraahin dhaga wayne ugusoo dhaweeyey wiilkan ay aabihii halganka ku wada jireen .

Waxaa ana isoo jiitay anoo dhul shisheeya jooga sida xamaasada leh ee dhalintii saaxil iyo waayeelkiiba ugu soo baxeen waajibaadkoodiina u guteen taa anaaba ugu mahad naqaaya ,sababtoo ah hadaany reer saaxil maanta jamaal sidaa usoo dhawaynin waxay noqon lahaayeen gun .
Waxaanse shaashada ka dhex waayay shakhsiyaadkii jamaal reer ahaan ugu dhawaa Xisbigana qayb laxaadle ka qaadan jiray markuu sidan oo kale Fantisyuhu u jiro Any way dhacdadaa ay Raltive kiisu ka maqanyihiin waxa ka dhalan kara dhawr sualoood waa ta koowaade ma waxay la dudeen maayarka ma rajadii hankooda ayaa gaabtay ma talo waayeelbay waayeen ?
Waxase caawa magaalda ka socda shirar goos goosa oo labada garab ukala dab qaadaya waxaan u rajaynayaa inuu eebe is afgarad ka dhex dhaliyo .
Saddexda qayboodba midba midbaan odhanayaa
Mushaarax jamaal midbaan leeyahay __ Waad u jeedaa shacabkii saaxil oo haanwalba leh ayaa kuu kacay soo dhawayntaada waxaan ku leeyahay musharax shacabkaaga tacab gasho oo wakhtigaag ugu badan kula qaado Gobolkan cimilada adag si aad u hesho waxaad ka rabto shacabkan bacadyaalka ah
Mayar cidina waxaan leeyahay waad u jeedaa inay shacabkii maantaba ka wareegeen saadaashuna waxay la jirtaa hadba ninka mucaarid ka ah waa run ,waana sax inaad qaab heer sara ah u fikirto si ay siyaasadaadu us ocoto laakinse shacabkaag la tasho intaanad hayaanka meel fog u rarin
Shacabkana waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin soo dhawaynta aad u samayseen musharaxiina waanad heli doontaan abaalgudkiisa
Eng:Abdi kadir Yool
London UK
0044790449656





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured