Dhaqdhaqaaqa Dhoofka Xoolaha Carafada oo camiray Berbera

0
Saturday October 12, 2013 - 20:59:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqdhaqaaqa Dhoofka Xoolaha Carafada oo camiray Berbera

    Dhaqdhaqaaqa Dhoofka Xoolaha Carafada oo camiray Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqdhaqaaqa Dhoofka Xoolaha Carafada oo camiray Berbera Heer kulka magaalada berbera oo ahaa maalmihii u danbeeyay mid aad u kulul ayaa haddana ay ahayd berbera mid aad u camiran dhinaca dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, maadaama ay ahayd xiligii ay xoolaha carafadu dhoofi lahaayeen ee loo diraayo dalka Sucuudiga.
hawsha dhoofka xoolaha oo ay camal shaqo ka heleen muruqmaalka kala duwan ee u shaqeeya shirkadaha xoolaha iibgeeya maxjarada xoolaha dekeda laga dhoofinayo iyo maraakiibta lagu rarayo,
gaadiidka soo daabulaya xoolaha la dhoofinayo waxaa iyana si dadban uga faa’idaysta meheradaha kala duwan sida sharaablayaasha, maqaaxiyaha cuntada, dharka iibiyayaasha iyo qaybo kale oo adeeg ama ganacsi leh,

Sidoo kale waxa sayladaha xoolaha ee magaalooyinka Somaliland waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aad u sareeya oo lagu kala iibsanayo xoolaha, sida adhiga, geela iyo lo’da xoolahaasi oo laga keenay gobolada kala duwan ee Somaliland iyo deegaanadda Itoobiya iyo guud ahaan wadanka Somalia.
inkastoo ay jirtay dedaal lagu hagaajinayo wadada isku xidha hargeysa iyo berbera, hadana waxa muuqatay cidhiidhi ka muuqday sidii ay wadada u wadaagi lahaayeen baabuurta waaweyn ee xoolaha sida iyo baabuurta yaryar ee sida dadka safraaya hargeysa iyo berbera,
waxa kaloo muuqatay xoolo dhintay oo lagu daadiyay dhinacyada wadada isku xidha hargeya iyo berbera kuwaasi oo caafimaad daro ku keenaya wakhtigani dadka jiidaasi degan, arintan oo hadii si deg deg ah wax looga qaban ay ka dhalan karto caafimaad daro,
sidaa awgeed magaalada berbera aya wax ka muuqday bilicda wadooyinka ah oo kor loo qaaday wadooyinka dhex mara magaalada.
Soo jiidashada xiligan ay bebera soo jiidatay ganacsatada ganacsiga iyo dalxiiska waxa muujinaya korodhka dhismayaasha waa weyn oo isugu jira hurdo, cunto cabitaan iyo goobo lagu nasto cimilada xeebeedka dabiiciga ah ee ay berbera leedahay.
Ka faaidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee badda ayaa u muuqaday mid kobcay sidii uu ahaan jiray sanadihii hore, waxaana inta badan goobaha cuntada ku jiray dalabka kalluunka oo soo jiitay macaamil badan,
waxaa iyana muuqatay in la qabsi guryaha oo lagu qurxisto qolalka noolaha badda sida diin badeedka oo runtii ku haboon isticmaalka waxyaabaha ka samaysan ama kiimiko hadhaagoodu uu deegaanka waxyeeli karo, waxaa xusid mudan tiro badan oo ka mid ah dadka ka shaqeeya berbera ayaa galabnimada khamiista ee jimcuhu soo galayo buux dhaafiya baabuurta ka baxaysa berbera, taasi oo u muuqatay in xaasaskoodu ay degan yihiin meeli ka fog berbera sida hargeysa iyo meelo la mid ah.
subaxnimada sabtida ayaa ah mid ay dadkaasi hadana ku soo noqdaan dhinaca berbera, run ahaantii hadii ay xaasaska shaqaalahaasi si joogto ah ay u deganaan lahaayeen berbera waa mid kor u sii qaadi lahayd tirade dadka ku nool berbera, taasoo wadata camiraad ganacsi iyo muuqaalo dhiirigelinaya maal gashi,
si arintaa loo helo waxa lagama maarmaan noqonaysa in la helo laydh joogto ah oo ay iska bixin karaan dabaqada dhexe ee shaqaalaha iyo kuwa hoosaba, waxa in ay jiraan haboon barnaamijyo guriyayn ha oo dhiirigelinaya qoysaska aan iska cabiyi Karin kirada biyaha ayaa lagama maarmaana, dhinacyada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada oo noqda kuwa lagaga kaaftoomo baahi keenta in loo sahlo.
Marsada soo jireenka ah ee berbera ayaa hadda u muuqata mid aad dib loogu casriyaynaayo guryahooda, goobahooda ganacsi iyo huteeladooda cuntada, kuwa hurdada, waxaa iyana la xusi karaa shirkada u qalab qaatay ka faaidaysiga khayraadka badda oo xafiisyadooda iyo gaadiidkooda uu ka muuqday dhaq-dhaqaaqa ganacsi oo muujinaya horumarka.
Dhinaca arimaha aynu xusnay waa kuwa muuninaya fursado shaqo iyo kor u qaadista wax soosaarka dalka oo kabi karto heerka dhaqaalaha ee Somaliland.
By Axmed Macalin Maxamuud
Email: kobciye999@gmail.com
Tel:0633444334



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured