Warbixin,Maayarka berbera iyo Xildhibaan C/Rashiid oo ahaa mawjada ugu weyn hadal haynta siyaasadda ee berbera todobaadkan By Axmed Macalin Maxamuud

0
Thursday October 10, 2013 - 18:53:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin,Maayarka berbera iyo Xildhibaan C/Rashiid oo ahaa mawjada ugu weyn hadal haynta siyaasadda ee berbera todobaadkan By Axmed Macalin Maxamuud

    Inkasta oo magaalada berbera aanay u ahayn siyaasada waxa ugu muhiimsan dadweynaha waxa ugu muhiimsan ganacsiga iyo muruqaalka waxaanay u muuqataa in berbera ay siyaasada ugu jirto kaalinta, sadexaad,oo marka laga soo jeesto labadaa ayaa hadhsiga la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo magaalada berbera aanay u ahayn siyaasada waxa ugu muhiimsan dadweynaha waxa ugu muhiimsan ganacsiga iyo muruqaalka waxaanay u muuqataa in berbera ay siyaasada ugu jirto kaalinta, sadexaad,oo marka laga soo jeesto labadaa ayaa hadhsiga lagu haleelaa hadal qaadkeeda, Inkasta oo magaalada berbera aanay u ahayn siyaasada waxa ugu muhiimsan dadweynaha waxa ugu muhiimsan ganacsiga iyo muruqaalka waxaanay u muuqataa in berbera ay siyaasada ugu jirto kaalinta, sadexaad,oo marka laga soo jeesto labadaa ayaa hadhsiga lagu haleelaa hadal qaadkeeda,
waxaana toddobaadkan ugu hadal hayn badan goobaha ay berbera dadku ay hadalada isku waydaarsadaan oo u ahayd maaweelada ugu baaxada weynaa siyaasada dhinaca magaalada berbera,
markii ay soo baxday in duqa magaalada berbera ahna gudoomiyaha golaha deegaanka ee berbera cabdi shakuur cidin iyo xildhibaan C/rashiid in ay ku biireen xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, dhegaysiga codad laga soo duubay labada masuul xafladii ku biirista xisbiga KULMIYE oo dadka qaar ay ku duubteen memeriyada mobilka ayaa ahayd tan inta badan soo afjaraysay muranka ka soo horjeeda in ku biiristaasi ay jirto iyo in kale, ku biiristaasi way haboon tahay iyo qaar dhinacyo kale istaagaba waa ay jireen, hase yeeshee cida siyaasadda u dhuundaloosha ee arintan jaleecday waxa uga soo dhex baxay arin kale oo muhiim ah,

“taas oo marka diirada la saaro noqonaysa hore ayay u dhici jirtay mudanayaal xisbi ka diga rogta, marka waxa la is weydiin karaa ama muuqanaysa in labadan mudane Cabdi shakuur iyo mudane Cabdi rashiid ay leeyihiin miisaan siyaasadeed oo dhexdooda ka dhigtay mawjadii ugu waynayd hadal haynta siyaasada ee berbera iyo toddobaadkii ugu danbeeyey
Dhinaca kale waxa haboon in la fahmo golaha deegaanka berbera ee mudanayaasha maayarka iyo maayar ku xigeenku ay yihiin kuwa wada hiigsanaya fulinta u adeega baahiyaha aasaasiga ah ee reer berbera iyo horumarintooda oo ay yihiin koox qudha oo fulinta u adeega dadweynihii soo dorrtay ay tahay guushooda ka gaabinta u adeega dadweynihii doortayna ay tahay guuldaradooda iyada oo mudane weliba u xaq leeyahay ku biirista xisbiga uu u arko in uu u qalmo ku biiristiisa iyo taageeristiisa, taasi oo ah arin ah loolan siyaasadeed oo aan turxaanlahayn.
Dhanka kale maamulka deegaan berbera ee ay hormoodka u yihiin labadan masuul ayaa waxa ka muuqday xaruntiisa berbera hawlo dhismayaal cusub ah oo isugu jira xafiisyo hoolal iyo goobo kale oo lagu fuliyo adeegyada dawladda hoose, waxaana ku kordhay xarunta dawladda hoose ee berbera dhismihii ugu weyn oo ku biiriya dhismihii la dhisay xiligii Ingiriiska, waxaa xusid mudan qoraal ku qornaa boodh bir ah oo ka taagnaa xarunta dawlada hoose ee berbera, kaasi oo ku qornaa afka Ingiriiska, ayaa marka la turjumo wuxuu ahaa sidan u weedha maayarka berbera C/shakuur Cidin dawladaa hoose ee berbera waxa u fududaynayaa dukumentiga dhuleed cid kasta oo u diyaara in ay maalgelin ganacsi samaysan erayadan kor ku xusan waa kuwa dhiirigelinaya si siman ganacsatada reer Somaliland in ay saldhigyadooda ganacsi ay ka samaystaan magaalada ganacsiyeedka ee berbera
Si kastaba ha ahaatee aragtiyaha siyaasadeed mala awaalka dhacdooyinka taageerista iyo ka soo horjeedka mudanayaasha golaha deegaane ee berbera halbeegiisu wuxuu noqonayaa wixii muuqda ee la qabto kala horeysiinta sidaa baahiyaha bulshada ay u kala muhiimsan yihiin oo la horeysiiyo tan mihiimka ahayd mudanayaasha golaha deegaank,a ee berbera oo sii xoojiya waxqabadkooda
By Axmed Macalin Maxamuud
Email:kobciye999@gmail.com
Tel:0633444334



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured