Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maaly´e.-dooratey idinku sunteen abaal-laawe-yaal-doortey in ay xukuumada siilaanyo u-noqdaan guulwadayaal darban oo dalabka ku-shaqeeya.

0
Wednesday October 02, 2013 - 16:46:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maaly´e.-dooratey idinku sunteen abaal-laawe-yaal-doortey in ay xukuumada siilaanyo u-noqdaan guulwadayaal darban oo dalabka ku-shaqeeya.

    Waxaan marka hore salamayaa dhamaan bulshowaynta Somaliland gudaha iyo Debbadaba, waxaan aad ugu xumahay talaabada fulaynimada ah ee ay qaadeen Mayorka Berbera Cabdishukuun Cidiin iyo Xogahayihii Dan iyo Duco Mr. Abdirashiid Xaji Yusuf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan marka hore salamayaa dhamaan bulshowaynta Somaliland gudaha iyo Debbadaba, waxaan aad ugu xumahay talaabada fulaynimada ah ee ay qaadeen Mayorka Berbera Cabdishukuun Cidiin iyo Xogahayihii Dan iyo Duco Mr. Abdirashiid Xaji Yusuf. Waxaan ka tacsiyadayneynaa dhamaan Dhalinyarta Gobolka Saaxil ee Codkoodii ugu deeqay abaal-laawa-yaasha shilinka iyo kursiga sumcadoodii iyo karaamadoodi ku iibsadey laakiin garan waayey in arintani noqoneyso mid
taariikhda u-gasha oo baal-madow ku-noqon doonta. waxaana aanu idin leenahay waxaa la idinku kacsanayaa Awrkii dhinaca ka rarnaa ee sidey dhilihii car-tirka iyo cidaadka aan laheyn ee xaaraantu ka buuxdey waxaana aanu maayarka u -qabaney 3 bilood oo keliya waxaana dhalinyaradii idin soo dooratey idinku sunteen abaal-laawe-yaal-doortey in ay xukuumada siilaanyo u-noqdaan guulwadayaal darban oo dalabka ku-shaqeeya.

Hadaba, annaga oo ah Dhalinyarada ka soo jeeda degaanada Gobolka Saaxil waxaanu leenahay labada Abaal -laawe tixidan qaaliga ah ee uu tiriyey Salaan Carabey ee uu yidhi Alleh haw naxariistee
Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maaly´e
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abid´e
Fulaa shiil wadnaha loogu xidhay Shamacyo naareed´e . Anse kama shakiyo xaajadaan uur ka shaawiro´e. Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane , Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale moog´e
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siin´e . Xaasha´e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab´e
Waxaanu leenayahay Hadduu dheregsan yahay wiil yar bay taladu dhaaftaay´e
Dhalanteedka layguma sasabo dhacaya maantiiy´e.
Sidaas darteed, waxaanu si buuxda u taageeranaa maamulka UCID ee Gobolaka Saaxil in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo buuxiiyaan Xildhbadnada sida badheedhka ah u khasaareeyay Codkii dhalinyarada Gobobalka Saaxil
Xassan Axmed
Gudoomiyaha Dalinyada Gobolka Saaxil ee UK
Hassankaid
hassan Ahmed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured