koboca musuqmaasuq ee togwajaale iyo waaqica dhabtaa duruufaha kajira maamul xumada ku habsatay iyo ka war la,aanta Gudiga maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa Qaybtii 4aad

0
Monday September 30, 2013 - 19:27:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    koboca musuqmaasuq ee togwajaale iyo waaqica dhabtaa duruufaha kajira maamul xumada ku habsatay iyo ka war la,aanta Gudiga maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa Qaybtii 4aad

    gudiga maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa waxaan usoo jeedinaynaa tog wajaale oo goob staratiijiya islamarkaana baahi wayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gudiga maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa waxaan usoo jeedinaynaa tog wajaale oo goob staratiijiya islamarkaana baahi wayn gudiga maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa waxaan usoo
jeedinaynaa tog wajaale oo goob staratiijiya islamarkaana baahi wayn
uqabta inuu kahanoqaado maamul suuban inay kormeer shaqo ku yimaadaan
siloo saxo waxna loog qabto musuqmaasuqa ragaadiyey habsami usocodka
hawlihii dawlada iyo danti qaranka iyo umada degmada tog wajaale
waxay lahay qorshe cad oo ah TOWN PLAN iyo jidadka magaalada oo ahaa
kuwo qorshaysan oo lagaliyey GPRS qorshahaas oo ay maalgalisay

hayadii degmada gabiley udajisay nidaamka wado ee satalaytka kujira
hayadaasi oo uu maamul kahaa JOHN DARESTELL oo ahaa xeeldheere
khabiir kasoo jeeda dawlada brtain waxaana xilgaa tog wajaale
Gudoomiye ka ahaa mrIsaaq maxamed cumar oo ahaa gudoomiyihii
suurtagaliyey qorshaha loo dhigay magaalada tog wajaale gudoomiye
isaaq oo soo maray marxalado kaladuwan wuxuu ku guulaystay inuu
hirgaliyo islamarkaana baneeyo wadooyinka sii kor loogu qaado bilicda
magaalada loona fidiyo magaaladu inay dhan walba usocot taasina ay
keento inay balaadhato magaalada tog wajaale waxakale oo maamulkii
wakhtigaa hore katalinjiray tog wajaale udajiyey qorshe cad oo talaabo
lagaga qaado cidii kusoo xad gudubhta wadooyinka labaneeyey
waxaanalaga qaadidijirey talaabo sharciga waafaqsan waxaana la
iskuraacin jiray xadhig iyo ganaax lacageed
nasiib daro maamulka maamulka hada kajira magaalo xuduudeeda
ganasiga ah ee tog wajaale oo aha nidaam kutalaxtagay musuqmaasuqa
iyo lunsiga hantida dadwaynaha kuna caan baxay iibsasada jidadka
magaalada iyaga oo maalin walba iibiya qayb kamida wadooyinka
halbowlaha u ah ganacsiga iyo isusocodka gaadiindka iyo dadwaynaha
aniga oo ah maxamed cabdilaahi Qombor ahna muwaadin degen tog wajaale
waxaan uu adkaysan kariwaayey dhibatooyinka rasmiga ah ee kajirara
gudaha magaalada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada iyda oo ayjirto
in la awday lanaxidhay wadooyinka sababna ay u yahiin mamulka dawlada
hoose ee wajaale iyad oo qaarkamida xaafadaha magaalada marka qof
geeriyoodo aanay jirin wado lagasoo saaro maydka marar badana ay
dhacdo iyada oo arintaasina nusqaan kutahay maamulka magaalada iyo
dadka kunool inay waayaan meel ay mariyaan maydadka la aasayo waxa
kale oo jira inay buuxsameen xabaalihii magaalda dadka socotada ah
ee magaalooyinka kayimaada waxay kulakaftamaan dadwaynaha reer tog
wajaale miyaanay magaaladiinu lahay dawlad hoose oo shaqaysa
su,aashaasi aanay dadka reer tog wajaale kajawaabin kana aamusaan
hadaba si xal loogu helo dhibaatoyinka isbarkan ee wadartaa waxaa usoo
jeedinaynaa wasiirka wasaarada arimaha guduhu inuu go,aan ka gaadho
xal uhelida xaalada cakiran ee kajirta degmada tog wajaale dad waynaha
reertog wajaale oo ahaa kuwii maskaxdooda maalkooda iyo muruqooda
uhuray inuu kahanoqaado dalkan jamhuuriyada somaliland isbadal
siyaasadeed sbadalkiina uu kusoo baxay madaxwayne axmed maxamed
maxamuud siilaanyo madaxweynaha maanta haya talada dalka mudane madax
wayne hadii aanu nahay dadwaynihii reer tog wajaale abaalkii ayreer
wajaale kuu galeen ma waxaad uugu badashay inuu wajaale gudoomiye ka
ahaado maamul sibadheedhana u iibsaday wadooyinkii joojiyeyna
mashaaricdii horumarineeed dantii guudna kadoorbiday danihiisa
gaarkaa
waa Qallinkii
Maxamed Cabdilaahi Qombor Tog wajaale
tellphone 00252634177785



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured