Sheeko Jaceyl Ah Aadna u Xiiso Badan Oo La Magac Baxday Naxdin Iyo Nasiib…!!

0
Friday September 27, 2013 - 08:58:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko Jaceyl Ah Aadna u Xiiso Badan Oo La Magac Baxday Naxdin Iyo Nasiib…!!

    Waa inoo bilaabanayo barnaamij aan kusoo qaadan doono isbuucii labo mar Â֚Â hal sheeko balse ka mid ah sheekooyinkii aad ku akhrisan j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa inoo bilaabanayo barnaamij aan kusoo qaadan doono isbuucii labo mar Â֚Â hal sheeko balse ka mid ah sheekooyinkii aad ku akhrisan jirtay somaliya xiliyadiii 2003 illaa 2008ka. Waa inoo bilaabanayo barnaamij aan kusoo qaadan doono isbuucii labo mar Â֚Â hal sheeko balse ka mid ah sheekooyinkii aad ku akhrisan jirtay somaliya xiliyadiii 2003 illaa 2008ka.

Sheekooyinkaan ayaa ah sheekooyinki lagu daabici jiray muqdisho ama aad soo iibsan jirtay buug yar oo ka kooban lix baal.

Hadaba shabakada DurdurMedia Group ayaa dib kuu xasuusineysa hadii aad tahay akhriste akhrisan jiray buugtaasi..


SHEEKADAAN WAXA AY KA TURJUMEYSAA JACAYLKA MIYIGA, QAABKA UU YAHAY IYO CAQABADAHA KU IMAAN KARA IYO QOF WALIBA NASIIBKIISA.


Waxay ayayd maalin qamiis ah oo ay jirto layr qaboow iyo saxan saxo udgoon badan dhirtuna miraha iyo ubaxa rabi uu ku manaystay aanay indhuhu kolna ka jeesan Karin ayaa Daahir oo dhaan wada waxa uu yimid ceelkii biyaha, deetana uu furay Ratigii oo uu bilaabay inuu darsado wadaantii, intaa kadib ayaa waxa uu arkay gabar fadhisa geed qurac ah hoostiisa oo ilmeynaysa, markaas ayuu Daahir u tagay gabadhii oo ku yiri

“Maxaa kugu dhacay abaayo oo aad la ooynaysaa”? waxa ayna ugu jawaabtay “Aboowe waxaan ahay gabar aan wiil la dhalan, oo iyada u dhaamisa cideeda, balse maanta waxaa I haysta rafaad aad u fara badan oo ah ceelka oo aan saakay salaaddi subax soo dul istaagay oo aanan hal wadaan ka darsan, iyadoo ay wiilasha ceelka jooga oo dhana aanay wax naxariis ah ii galin, alla haduu walaalkey noolaan lahaa dhibkaan iima yimaadeen!!!” ayay iyadoo ilmaynaysa waxa ay tiri:-

Geesiyoow gacaliye
Gaashaankii naftoow
Gacalkii gurigoow
Galabtaan go’oo
Geeridii ku heshaa
Gilgilasho igu riday
Goobtaad ku go’day
Gacaloow Rafiiq
Geeri adoo udiidan
Gacalo hooyadeen
Go’aan xume libaaxii
Geeri kuu horseedaa
Goobtaan I dhigay anigee
Geesiyoow aboowe
Gunbaa ceelkaan weyn
Galabta ii diiday
Geesiyoow hadaad joogto
Galabta ma ooyeen!!!!!.

Markii ay dhamaysay cabashadii ay ka cabanaysay wiil la’aanta ayuu Daahir ku yiri “Maya sidaas ha dhihin aniga ayaa kuu dhaaminaya, oo waliba kuu rarayo ratiga, balse abaayo tuulada miyaad Dagan tahay”? waxa ayna tiri “Haa aboowe waxaa ag daganahay Beerta Guure Jayte oo uu aqalkeenu wax yar ka danbeeyaa”.

Waan gartay “Hada waa kuu raran yahay dhaanka ee soobax aan horay kuusii wadee, laakiin ima weydiinaysid miyaa meesha aan daganahay aniga”? “Maxaan ku weydiiyaa ama iska dhaafaa, waxaan layaabanahay axsaanka aad ii samaysay iyo sida wiilasha ilaa saakay iigu cayaarayeen, marka waxay ila noqotay wax laga xishoodo inaan weydiiyo wiil sidan oo kale ah meesha uu dagan yahay, waayo waxaad isoo xasuusisay walaalkey marka sidaas ayaan u xishooday”.

“Waatahay abaayo aniga ayaa kuu sheegaya meesha aan daganahay, waxaan daganahay Beerta Guure magacayguna waa Daahir Guure ee adiga magacaada ii sheeg”? “Haa aboowe Ilhaan ayaa la’i yiraahdaa Xaaji Cali ayaa aabahay ah”.

Intaas markii la’is dhaafsaday ayaa waxaa la yimid Tuuladii deetana la’is macsalaameeyay, Daahir waa uu la dhacay gabadhiiÂ֚Â Â֚Â Â֚Â Â֚Â Â֚Â Ilhaan ahayd, waayo gabadhu waxay ahayd mid uu qurux Rabbi ku manaystay jooga iyo jamaalka, midabkeeda casaanka ah iyo Timaheeda dhuxusha ah oo ay dabeyluhu kolba dhinac u ridayaan.

Wiilkii Daahir ahaa markii uu gurigii tagay oo uu furay dhaankii ayaa waxaa niyadiisa ka bixi waysay gabadhii Ilhaan ahayd, dhan walba oo u jeestaba waxaa taaganÂ֚Â Â֚Â Ilhaan oo qoslaysa, Daahir oo yaaban ayaa waxa uu niyada iska yiri “Toloow gabadhu ma jin bay ahayd!!!” ala qurux badnaydaa!!!, Aleylehe ninkii helaa oo ay marwadiisa noqotaa liibaanay.

Daahir oo intuu soo baraarugay arkay isagoo isla hadlaya waxa uu yiriÂ֚Â Â֚Â ”Waxaan arkay maata oo kaliya, waxayna igu riday jahwareer iyo mashaqo aan la fajacayÂ֚Â Â֚Â oo aanan garan halka ay iigaÂ֚Â Â֚Â yimaadeen”, Daahir gabadha la dhacsan ayaa waxaÂ֚Â Â֚Â uu yiri:-

Calaacalkeygu waa gar
Cabashadeydu waa xaq
Ciil aan dhamaanbaa
Caloosha ii fariistoo
Ciqaab adag baa
Calafkeygu noqdee
Caadiloow ilaahoow
Calafkeyga samee
Cidladaan ku jiriyo
Cuntada inaan kago’o
Cabitaana daa warkiisee
Caziizoow Ilaahoow
Calafka dunida ugu wacan
Ceebla(Ilhaan)oo itiraa weeye
Cidkale dooni mayo
Caadilkii I uumoo
Caqli isiiyay anigaaÂ֚Â
Calafkeyga kaa dhigay

Daahir markii uu intaas yiri ayaa waxaa u yeeray aabihii Guure oo ku yiri “Waryaa Daahir maxaa ku helay maanta oo aad iskula hadlaysaa?, ma dhib baa ku soo gaaray”.
Daahir aya yiri “Maya aabe ee xoogaa waan qandhanahay”.

Intaa kadib Xaaji Cali oo yaaban waxa gabadhii ku dhacay ayaa waxaa irida ka soo galay Ilhaan oo ay diif ka muuqato, Xaajigii oo yaaban ayaa waxaa uu yiri “Maxaa ku helay gabadheydiyeey”?.

Ilhaan ayaa tiri “Aabe markii aan ceelka tagay saakay waxaa dhoobnaa wiilal, anigana markii aan dhahay walaalayaaloow aan xoolaha dhaansado waxay iiigu jawaabeen maad walaalahaa soo dirtid ha kuu dhaamiyaane, anigana markii aan maqlay maad walaalahaa soo dirtid waxaan xasuustay walaalkeey Rafiiq, markaasaa wadnaha la’iga qabtay oo aan geed Qurac ah hoostiisa fariistay,Â֚Â Â֚Â Â֚Â Â֚Â markii uu qoruxu dhici rabo ayaa waxaa ii yimid wiil la yiraahdo Daahir oo dagan beerta naga danbeysa oo ii dhaamiyay deetana ii raray ratigii,

Laakiin aabe meesha aan soo dagnay dadka deggan naxariis malaha miyaa!!!, Marka laga reebo wiilka Guure ee Daahir ah oo isagu ii damqaday markii uu arkay rafaadka ihaysta oo uu qorixiina sii dhacayo, Aabe ma aqaano waxaan wiilkaas abaalkiisa ku gudo waayo la’aantiis ilmahaan yaryar caawa soow oon malaayeen haduusan wiilkaas ubixin!!!”?.
Xaaji Cali ayaa waxa uu yiri “Dhib malahan Aabe”.

Intaas kadibÂ֚Â Â֚Â way seexatay markii ay dhinaca dhulka dhigtay ayaa waxaa ku soo dhacay walaakeed Rafiiq oo lacayaaraya kuna dhahaya si kaftan ah {La’aantaa manoolaan karo ee adna La’aantey ha Noolaan adigane} balse aanan Maanta warkiisa lamaqli karin, Rafiiq waa uu jeclaa walaashiis Ilhaan mar walba waxa uu saari jiray Farastiisa maandeeq oo ay iyadu aad u Jecleyd fuulisteeda, nasiib xumo rafiiq waxaa dilay libaax isaga oo ka difaacaya Ilhaan iyo hooyadii Isniino oo ahayd qof duq ah oo aan socon Karin Rafiiq iyo hooyadii waxaa dilay Libaaxii, Ilhaana waa ay badbaaday, Ilhaan waa ay ujeeday markii uu Libaaxa dilayay walaalkeed iyo hooyadeed, Balse waxba kama aysan qaban karin.

Waxa ay marba dhinac isu rog rogtaba waagii ayaa baryay waxaana aysoo kaxaysay xoolihii si ay u soo daajiso, waxaana ay is arkeen Daahir oo isna u socda tuulada si uu usoo iibsado wax xoogaa raashin ah oo ay nolosha ku dabaraan, waxaana uu yiriÂ֚Â ”Asslaamu Calaykum”? Waxaana aytiri “Wacalaykuma SalaamÂ֚Â Daahir ee saakay halkeed u socotaa”?, waxana uu yiri “Abaayo magaalada ayaan u socdaa si aan usoo iibsado raashin aan isticmaalno ee adiga caafimaadkaada waa sidee”? Ilhaan ayaa tiri “Caafimaadkaygu aad buu u fiican yahay marka laga reebo xoogaa borobaleem ah oo aan xalay isku arkay”.

Daahir ayaa waxa uu yiri “Waa maxay dhibka aad sheegeyso”? Ilhaan oo ay cabsi ka muuqato ayaa waxa ay tiri “Maad iga dhaaftid in aan sheego xoogaa waa igu adag tahaye”.
Daahir ayaa ku yiri “Aniga mar walba waxaan jeclahay inaan dhibaatada kula soo daristo kula xalliyo si walba oo ay noqoto marka ii sheeg abaayo”.
Ilhaan intey indhaha gacmaha saaratay siina jeesatay ayay tiri:-

Daahiroow aboowe
Danta lagama xishoodee
Dareenbaa I helay
Daal aan dhamaaniyo
Diifbaa I haysa
Durba nabarbaa I helay
Dadkii ka go’ay
Diiday raashinkii oo
Daayay cabidii
Daa’inbaa wax daweeyee
Dabiib ii noqo
Dugsiimo aan kaa helo
Daacad baan ahaye
Dulli ha’i moodin
Dooqeygaa ku raacee
Dabacsanaanta warkeyga
Dareenkiisan la how
Durba jawaab iyo
Dareenkaaga isii
Deetana ii garoow

Daahir oo ay farxadi ka tan badisay ayaa waxa uu yiri “Ilhaaneey waan dareemi karaa dhib kaada oo waxaan ahay Nin wax garad ah, balse aniga ayaaba is lahaa Ilhaan usoo bandhig jacaylka ku haya, laakin afkeyga ayaad kala baxday ee balmarkayga iga hano oraahdaan yar”:-

Huunooy Ilhaan
Haada iyo shimbiraha
Heybad adaa ka sidatee
Hanaankaaga wacanbaa
Halbowlaha igooyoo
Hurdo waan ka quustee
Hud-hudka iyo shimbirahaa
Haatuf iigu sheegay
Hadaad aragto Ilhaan
Hamuuntaada caashaq iyo
Hamigaada u sheeg
Hidihii dhaqankaad
Huunooy sidataa
Ha’ii jabinin nacabkee
Hiil ii noqo abaayo
Hadalkaan oran lahaa
Hoosta adaa ii dhigtee
Huunooy waaban kaa helay

Intaas kadib Daahir waxa uu aaday tuulada waxaana uu tuulada ku arkay kuul aad u qurux badan, kuushii ayuuna soo iibsaday.

Intaa kadib Daahir waxa uu yimid gurigii waxa uuna iska dhigay raashinkii, Daahir waxa uu si halhaleel ah u soo aaday Ilhaan oo ay balansanaayeen inay maalin walba kulmaan maadaama ay yihiin lamaane cusub isla markaana aan sina ukala maarmin.

Ilahaan iyadu waxa ay fadhisay geed qurac ah oo ay ku sugaysay wiilkii Daahir ahaa iyadoo isleh toloow Muxuu la soo daahay? ayaa mar qura kor keeda waxaa ka yeerayÂ֚Â ”Gacaliso ii waran” “Aaaaaaa!!!!!!! Waa iga nixisay ee iga tag, bahal ayaan kuu maleeyaye!!!Â֚Â Â֚Â aboowe Maxaad iiga soo daahday? ma ogid miyaa inaan maanta oo dhan murugaysnaa?, maanta waa iska sabraa laakin maalin kale sidaan ha’iyeelin”.

Daahir ayaa yri “Maya macaanka maxaan kuu keenay fiiri bal”?, Ilhaan oo inteey faraxday dhulku ku yaraaday waxa ay tiri “Alla sow kuushii 20ka shilin joogtay ma’aha!!! oo maxaad lacagta intaa la’eg iigu qasaarisay!!!”?.

Daahir ayaa yiri “Saas ha’i dhihin abaayo, kuul iska dhaafe waxaad iga mudan tahay in aan nolosheydaba kuu hibeeyoÂ֚Â dhamaanteed”.

Ilhaan ayaa tiri “Aboowe kuushaan waxaa ii gadi rabay hadda ka hor walaalkey balse hadda ma haayo walaakey oo wuu dhintay, waana markii iigu horeeysay ee aan kuul xirto, marka waxaan kaa codsanayaa in aad gacantaada iigu xirto, maadaama aad tahay qofka kaliya ee aan ifka ugu jeclahay”.

Daahir markii uu kuushii u xiray ayay gacanteeda marisay qoorteedii cabaaryaha lahayd kuna tiri “Waa markii ugu horeysay ee qoorteyda lagu xiro kuul waayo ilaa iyo markii aan waxgartay ma helin qof idaryeela oo wax ii qabta, ee Daahiroow aboowe gacmahaada xaada leh markaad luqunteyda saartay jirkeyga dhamaantiis ayaa muxibo kuu jaleecay,Â֚Â Â֚Â ee Daahiroow waligaa jacaylkeena sadexeeye ka dhowr”.

Intaa markii ay tiri ayaa Daahir waxa uu ku yiri, “Taasi waa waajibkeyga & danteena inaan ilaaliyo jacaylkeena”.

Intaas markii ay xaajo mareyso ooÂ֚Â Â֚Â Â֚Â la isla meel dhigay inla is arko maalinta bari ah ayaa waxaa yimid oday Guure markii uu arkay wiilkiisa oo la fadhiya gabadhii odayÂ֚Â Â֚Â Â֚Â Cali, aad ayuu u xanaaqay, xanaaqiisuna wax kale ma’aheyn ee waxa uu Wiilkiisa la rabay gabar uu dhalay walaalkiis Garuun ee layiraahdo Hani, isla markii ba oday Guure waxa uu soo aaday gurigii Daahir markii uu soo dhamaystay haasawihii macaanaa ee uu la haasaawaayay gacalisadiisa Ilhaan ayuu soo galay gurigii, markiiba aabihii ayaa yiri “Ha’iga siinin wax raashin ah waayo waxa uu katalaabsaday go’aankaygii adkaa ee ahaa inaan ku daro Hani oo waliba uu bilaabay inuu la haasaawo gabar aanan ka dhalan reer hanti leh oo faqri ah, aaheey waa hadii aan yeelayo, Daahir waa aniga iyo adiga ninkii rag ah oo uu go’aankiisu shaqeeyo”.

Daahir oo intuu naxay niyadu ka jabtay murugana la daristayÂ֚Â isaga oo aan marna ka maarmin jacaylkiisa aana diidi Karin go’aanka aabihii ayaa waxa uu yiri “Laakiin Aabe adiga sidaad moodo wax uma jiraan” Aabihii ayaa yiri “War iga aamus nacas baad tahay oo aan waxba garane, waa inaan taar qabadsiiyaa Garuun oo aan ku iraahdo gabadha iyo wiilka waa inaan isu guurinaa maalinta jimcaha ah ee soo socota,Â֚Â Â֚Â oday garuun intaas kuma ekaane waxa uu u tagay Ilhaan aabaheed Xaaji Cali isaga oo ku yiri “Waryaa Xaaji Cali gabadhaada mardanbe hadaan ku arko wiilkeyga agtiisa wixii ka dhaca adiga ayaa ka mas’uul ah”.
Xaaji cali oo yaaban ayaa yiri “Oo maxay tahay dhaarta kaa baxeysa dad daris ahna waa nahaye”?.

Oday Guur ayaa waxa uu u daba dhigay Xaaji Cali “War iyo dhamaantiis wiilkeyga waxaan u rabaa Gabar aan adeer u ahay ee dareenkaadu ha shaqeeyo hadii kale waad ogtahay waxa dhaci doona”?.

Markii uu baxay guure ayaa Ilhaan oo is leh maanta arintiini ayuu u yimid oday Guure ayaa tiri “Aabe maanta guure waa soo dheeraadee maxaa dhacay”? Xaaji Cali ayaa yiri “Aabe Waxba ma’ogid maandhaay Guurana halkaan uma imaan samaan ee waxa uu iigu yimid inuu i ogeysiiyo inaan gabadheyda ka reebo wiilkiisa Daahir ah oo uu la rabo gabar kale, marka aabe isaga har wiilkaas, waayo waxa uu yiri hadii aadan gabadhaada ceshan wixii dhaca adiga ayaa ka mas’uul ah, mana rabo inaan ku waayo waayo adaa indha ii ah oo dad kale mahaysto”.

Ilhaan ayaa tiri “Waayahay aabe waan uga harayaa wiilkiisa hadaad adigu go’aansatay”.
Xaajiga ayaa yiri “Qeyr Allaha ku siiyo gabadheydiyey ee orod Aabe Farasta biyo sii”.
Ilhaan oo faras inay biyo siiso daa warkeede dunidu ku yaraatay, wax ay sheegtana garan la’ ayaa waxay kucalaacashay erayadan,

Bi’i waa aduunyooy
Baahideydii jacaylkoo
Beerkeeyga dhamaaniyo
Bogga aaanku haystaa
Baadi iga noqotay
Barigaan go’oo
Birtu igu dhacdoo
Badbaadadaan sugaayana
Baylah iga noqotay
Bashaashkaan jeclaa
Beerkeyga siiyaa
Bariga lay diidee
Boqoroow ilaahoow
Badbaado ii samee

Markii ay erayadii dhamaysay oo aysan Farastiina biyo siin wali ayaa waxaa u yimid Daahir oo socda, Daahir isagu ma’oga inuu aabihii u yimid Ilhaan aabeheed kuna yiri warar aad u kul kulul, horaa waxaa loo yiri (Sirmaqabe Raxmaankaa u maqan), Daahir ayaa yiri “Ii waran gacaliso”?

Ilhaan ayaa tiri “Haye aboow! oo kaalay qofkii laba maalmood kula hadlaa ma waxaadÂ֚Â Â֚Â Â֚Â Â֚Â u malaysaa inuu ku jecel yahay, war doqon yohow anigu waan kugu danaysanaayay oo kaliya, laakiiin danti waxa ay dhamaatay markuu aabehey ogaaday inaan jacayl kula jilayo, sidaas darteed iga raali ahoow”.Â֚Â Â֚Â Daahir oo naxsan ayaa yiri , “Yaa, yaa, Ilhaan say kaa noqotay? miyaadan ogeyn jacaylka dhabta ah ee aan kuu qabo? iyo waliba daacadnimadeyda”?.

Ilhaan ayaa tiri “Waaruntaa waad ijeclaan kartaa laakiin jacaylku waa kaligaa!!!. Daahir waxaa kasoo haray yaab, fajac, argagax, indho taag taag iyo meela fiirfiiris, Daahir waa uu iska baxay isagoo aan wax guul ah wadan oo ay ku soo dhacday guul dara tii ugu xumayd ee abid soo marta,Â֚Â Â֚Â isagoo wax uu sameeya garan la’ tii aabihii waxay unoqatay Caano, waxaase durba nabar xanuun badan ku noqday warkii ay tiri Ilhaan oo uu ka filayay inay la safan doonto isaga oo ay meel kasoo wada jeesan doonaan, balse aanay dhicin taas oo uu kala soo kulmay wax uusan fileyn oo uu aad u dhibsaday, isagoo muragadaas darteed isla hadlaya ayuu yiri tixdan:-

Jahwareerkii aduunkaa
Jaar ila noqdoo
Jiif iyo joog
Midna waan ka quustoo
Murug aan awoodinbaa
Maanta Igu dhacdoo
Murugteedu I haysaa
Gacalkeygii wacnaa
Good miyuu noqday
Ilhaaney maantuu
Nasiibkeygu idiidoo
Calafkeygu xumaadee
Adigana gacalooy
Ifka baraariyo
Nabad ku sii joog
Aniguna ayaankey

Daahir waxa uu jiiftay geed hoostiis isagoo aad moodo ilmo aan sitimaan wax cunin, diifta ka muuqatana aad yaabeyso markii uu in cabaara jiifay ayaa waxaa uu aaday ceelkii, gabadhii Ilhaan hayd iyadu meeshii uu Daahir kaga tagay ayay taagan tahay iyada oo niyada gashatay in maanta ay ugu danbeyso gacaliyeheeda oo aanay dib danbe u heli doonin, markii uu gabalkii dhacay ayay seexatay, goortuu habeenku laba ukala barmay ayaa waxaa riyo ugu yimid Daahir oo leh “Waan ogaaday inay waalidkeen noo shireen, balse jacaylkeygu waa sidiisii ee adiga kaada yuusan liicin”,

Ilhaan oo riyadu run la noqotay ayaa tiri, “Alla hadii uu mar qura ii soo noqon lahaa aduunyada ayaan calaf ka joogi lahaa” Ilhaan markii uu waagii baryay waxba gacanta kuma hayso subaxaas Ilhaan soortii waa ay diiday, oo waxaa ladarsay kurbo jacayl iyoÂ֚Â dhibkeeda oo isu kaashaday, dhanka kale oday Garuun iyo gabadhiisii Hani ayaa yimid beertii ay daganaayeen reer Guure,

Hani iyadu waxa ay si qudbo sira ah ugu xiran tahay Cabdulle balse lala ma’oga, habeenkii ayaa waxa la’isugu yimid goobtii caweyskaÂ֚Â Â֚Â oo ay ku sugnayd Ilhaan, waxa ay Ilhaan ka fariisatay cayaarta meel gees ah, Waxaa u yimid Hani oo isleh bal gabadhaan weydii walaalkaa Daahir waxaa laga yaabaa in ay taqaanee, waxana ay tiri “Abaayo maxaad kaligaa halkaan u fadhisaa”? Ilhaan ayaa tiri “Hadaan kuu sheego sida ay wax u jiraanÂ֚Â Â֚Â Â֚Â Miyaad Murugada ila qeybsan kartaa waa maya, marka maxaad ka faa’iideysaa”? Hani ayaa tiri “Sidey wax kuugu dheceen abaayo”? Ilhaan waxa ay tiri, erayo aad u qiiro badan oo ay aad ula dhacday Hani waxana ka mid ahaa:-

Labadii is doorta
Dooqu is raacshay
Dadka iska xushay
Xaqa ku heshiiyay
Daacad isu ahaada
In la kala gooyoo
Laysu diida xaq miyaa?
Caashaqeygu waa dhab
Calafkeygaana sidaan
Nasiibkiisu ahaadee
Anaa isdiloo
Gacalkeygii gooyee
Hadal aabihii yiri
Intaan dhowrayaa
Dooqeygii I daayay

Intaas markii ay tiri Ilhaan ayaa Hani oo iyadu horay u soo martay waxa haya gabadha Ilhaan ah ayaa tiri “Wiilkii miyaa kaaga baxay jacaylka oo aan wax kula qaban”?Â֚Â Â֚Â Ilhaan ayaa tiri “Maya abaayo abaayo mid aanan waxba ka ogeyn jacaylkeena ayaa aabihiis ku darayaa, kaaga darane wiilka markii uu aabihii u sheegay arrinta gabadha waa uu ii yimid,

Waxaana ula hadlay si aan xad lahayn waayo aabihii ayaa yimid gurigeena oo aabahey ku yiri gabadhaada iiga reeb wiilkeyga oo waxaan urabaa inaan ku darsado gabadha aan adeerka u ahay ee uu dhalay walaalkeey, aabahey ayaa i yiri maandhaay isaga har wiilkaas anigana waayahay ayaan ku iri, arinta sidaan uma malayn laakiin hada wax aan sameeyo ma’aqaano”, Hani oo xaadu istaagtay ayaa tiri “Waa tuma gabadhaas”?Â֚Â Â֚Â Ilhaan ayaa tiri “Wali wajigeeda ma’arkin laakiin waxaa la yiraahdaa Hani Garuun Jayte, alla yaa gabadhaas wax garad ka dhiga”!!!. Hani ayaa tiri wax walba anaa kala furfuraya, jacaylkaadana Waad heleysaa haduu eebe idmo.

Ilhaan mar waa ay faraxdaa, marna waxy tiraa maxay ka qaban kartaa arintaan, laakiin waa ibnu aadam oo waxaa laga yaabaa wax aniga iga qarsan inay ogtahay.

Hani iyadu waxa ay mooday in uu aabaheed u soo waday inuu baro walaalaheed laakiin murugada ayey qeyb ka soo gashay oo waxaa ku dhacay labo mid dooro oo kala ah in la’ogaado gacaliyaheeda qarsan ama ay gasho guur aan xalaal aheyn iyo waliba inay dumiso farxadda walaalkeed Daahir iyo jacaylkiisa, waxayna bilaawday inay isla hadasho ayadoo yaaban oo dhahaysa “Waa fursadii iigu danbeysay ee aan haysto, waa inaan u sheego walaalkey in la’i qabo, waxaana leeyahay anigu walaalkey ma guursanayo si uu asigana sidaas gacalisadiisa ugu helo.

Daahir oo aan gabadha indhaha saari kaarin ayey ku tiri “Daahiroow kaalay arinÂ֚Â Â֚Â ayaan kuu hayaaye”, Daahir ayaa yiri “Arintaada marabee idaa”, waxa ay ku celisay “War wax walba aniga ayaa soo ogaadee kaalay aan ku badbaadiyee oo aan waxkaa dhaadhiciyee”, markii ay wax walba u sheegtay sida ay u rabto ayuu Daahir oo farxadu ka badatay yiri “Abaalkaada maxaan ku gudaa? Wax iga dalbo? Maxaan kuu qabtaa”? waxa ayna ku tiri “Waxaad ii qabataa oo Kaliya Ilhaan noo soo guuri, waa gabar fiican oo aad u qurux badan, dabci wanaagsan leh, oo aad kuu jecel”.

Labadii oday markii ay balantii ku dhaqaaqeen oo wadaadkii la keenay ayaa loo yeeray Daahir iyo Hani si la’isugu mehriyo.

Hani ayaa soo booday oo tiri “Ma doonayo Daahir waa walaalkey, sideen uguursanayaa, intii walaalkey aan guursan lahaa inaan dhinto ayaa iiga roon”.

Si walba hadii layeelayÂ֚Â Â֚Â Hani waa ay diiday, odayaashii waa ay ka quusteen, waxana ay go’aamiyeen in ay iska dhaafaan, markii uu go’aankii dhamaaday ayuu Daahir yiri “Adeer Garuun walaashey hadii ay idiiday gabadhii aan jeclaa inaan guursado ii ogolaada”.

Duqii aabihii ahaa ayaa yiri “Sideen ugu tagayaa ninkii saan ogaa aan ula hadlay”?, Oday Garuun ayaa yiri aniga ayaa utagaya oo lahadlaya.

Isla markiiba Oday Garuun baakoortiisa ayuu qaatay waxa uuna u tagay Xaaji Cali kana codsaday inuu siiyo gabadha, Xaaji Cali ayaa yiri “Horta gabadha wiil ayey jeceshahay hayeeshee hadii aad sidii xeerka u ahayd Soomaalida aad soo martaan, iyaduna idin ogolaato waan idin siinayaa”.

Oday Garuun ayaa yiri “waad mahadsantahay Xaaji, wiilkana waa wiilkeyga Daahir ah ee gabadha inoogu yeer”.

Xaaji Cali ayaa yiri “Ilhaan aabe kaalay”, Ilhaan waa ay timid iyadaoo leh “Waa ikan aabe” waxaba ay keenta Shaah iyo Bun waxana ay tiri “Maxaan qabtaa Aabe”?.

Xaaji Cali ayaa yiri “Wax kale lama rabee Odayaashaan waxa ay ka socdaan Daahir Guure waxana ay doonyaan inaan ku siiyo ee bal ka waran Aabe”?

Ilhaan ayaa tiri “Aabe go’aanka adiga ayaa leh, waxaad gooysana diyaar ayaan u ahay”.
“Qeyr allaha ku siiyo maandhaay, Oday Garuun iyo Guuroow gabadhii waa taas ee gudoon wacan”.

Oday Garuun gabadhii ayuu gacanta ka qabsaday lana soo tagay isla maarkiina waxa uu bilaabay aroos aad u weyn inuu dhigo arooskii ayaa la dhigay Ilhaan iyo Daahir farxad ayaa lasoo daristay iyagooo isu dhiidhiibaya erayo macmacaan ayey yiraahdeen, “Ilhaaney gacaliso”, “hee gacaliye”, “Maanta maalin ka wanaagsan Maku soo martay”, “Maya gacaliye”, “Guri inaan galnoon baashaal Wadaagno, xaq soow ma’aha”, “Haa gacaliye”, “lillaahi inaan wadaagnoo laqdaba iska diidno sax soow ma’aha”, “Haa gacaliye”.

Dhinaca kale gabadhii Hani ahaydna waxay dib ugu noqotay tuuladii ay ka timid iyadoo u ruuqaansatay gacaliyeheedi oo ay la aqal gashay, waxana ay halkaas ku heshay farxad, reyn reyn iyo barwaaqo nololeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured