Wasiir cukuse cadhadu waa maxay? Waa qalinkii c/risaaq hamed jamac

0
Tuesday September 24, 2013 - 16:52:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir cukuse cadhadu waa maxay? Waa qalinkii c/risaaq hamed jamac

    Xukuumada aad wasiirka katahay , mudane wasiir halshay baa ka dhiman oo ah, sida wax loo qiimeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada aad wasiirka katahay , mudane wasiir halshay baa ka dhiman oo ah, sida wax loo qiimeeyo Halkan waxaan kaga hadlayaa oo soo koobayaa doodii tv universal kabaxday xalay, ee wasiir cukuse kaqaybqaatay.
maxaa dhaliyay cadhada, wasiir cukuse ?doodu nooca ay noqonayso tv ga ayaa xaq uleh adigu xaq uma lihid in aad cayintid nooca ay doodu noqonayso.
Sidaad u jeceshahay wasiir cukuse in aad xukuumada amaanto ayay mucaaradkuna ujecel yihiin in ay siyaasadooda iibiiyaan.
Intaas kadib wasiir waxaadtahay wasiirkii war faafinta Somaliland waxaad tahay wasiir u xilsaaran in bulshada wax loo sheego oo wacyigalin lasiiyo.

Mudane wasiir dooda golaha wakiilada Somaliland kasocota maalinkasta markii mucaaradku hadlayo codkooda waad xidhaan muxaafidka kulmiye ka soo jeedaa markii uu hadlayo codkooda waad siidaysaan,,, 2 cod baad cadaalad ku xukumilaadihiin ma 4,000,000 million oo dad ah baad cadaalad ku xukumaysaan? maxay idiin yeelaysaa hadaad tidhaahdaan mudanaha mucaaladka ahi ucid ama waddani sidan buu qabaa oo aaminsanyahay..
Mudane wasiir tv qaranka iyo radio hargaysi maaha hantidii kulmiye ee waa hantidii shacabka Somaliland , luqada wariyayaasha tv ga qaranka kahadla iyo radio hargaysa adaa wax lagaa waydiinayaa, mushaharka waxaa siiya hooyada yaanyada iibisa ee kulmiye masiiyo adiguna ma siisid.
Waxqabadka xukuumada xaqbaad uleedahay in aad sheegto oo tv iyo radio hargaysa ka sheegto oo baahiso, lakiin runtu in ay xukuumada dhibto maaha.
Waa run xukuumada siilaanyo ee aad wasiirka katahay waxbay qabatay, lakiin maxaa kaqandan weeye su aashu?
Mudane wasiir xukuumada aan maanta katirsantahay miyaanay iswaydiin wararkii aad radio HORYAAL kasiidayn jirteen dhaawac ma katagayaan?
Xukuumada siilaanyo maxay jeceshahay maxay necebtahay?
Xukuumadu waxay jeceshahay amaanta waxay necebtahay dhaliisha,
Hadaba su aashu waxay tahay, xukuumada waxa ka qandan maxaa sabab u ah?
Aniga waxay ila tahay waxaa sabab u ah, xukuumada oo jecel dood been kufadhida, iyo shacabkii oo arkaya wax qandan.
Xukuumada aad wasiirka katahay , mudane wasiir halshay baa ka dhiman oo ah, sida wax loo qiimeeyo. Mashaariicda aduunkana waxaa lagu qiimeeyaa wax layidhaahdo SMART, waa hal kalmad oo ka kooban 5 xaraf, Specific, Measurable, Attainable, Relevant, Time-bound.
Fikirkaygan waxay ku soo gabo gabaynyaa, xukuumadu waxa ay Somaliland uqabatay waxaa kabadan waxy yeeshay, oo ah shacabkii Somaliland oo cuqdadka qaaday kalmada isbadal , iyo wax baanu badalaynaa. Confidence death
Waa qalinkii c/risaaq hamed jamac


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured