xukuumada siilanyo oo golihii baarlamaanka markay marsiin kariwayday xeer xirsi u bedeshay faq iyo shirdoceedyo qabiilaysan oo qaybi oo xukuna!

0
Saturday September 21, 2013 - 19:56:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    xukuumada siilanyo oo golihii baarlamaanka markay marsiin kariwayday xeer xirsi u bedeshay faq iyo shirdoceedyo qabiilaysan oo qaybi oo xukuna!

    safarkii madaxweynuhu ka bilaabay berbera ayaa ugu horeeyey ololahii doorashada ee meelwalba dhagaxaanta ladhigay safarkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

safarkii madaxweynuhu ka bilaabay berbera ayaa ugu horeeyey ololahii doorashada ee meelwalba dhagaxaanta ladhigay safarkaas safarkii madaxweynuhu ka bilaabay berbera ayaa ugu horeeyey ololahii doorashada ee meelwalba dhagaxaanta ladhigay safarkaas
tan iyo markii ay ku fashilantay xukuumadu inay si loo dhan yahay u marsiiso xeerkii wasiirka madaxtooyadu xirsi soo qortay ayay waxay u bedeshay inay kala fiqiso oo kala qaybiso xildhibaanadii mudada badan ka wada tirsanaa golaha baarlamaanka Somaliland iyadoo uga wareegtay inay hab beelo ku dhisan u kala fiqiso si ay u kala jajebiso isku duubnidooda iyo aragtida midaysan ee ay badan koodu ka qaateen xeerka xirsi ee aan soo marin miisaniyada dalka loo qoondeeyay iyo wasaarada maaliyada ee shaqadan uga wakiilka

ah xukuumada waxaanay meesha kasaartay xukuumada siilanyo habkii xisbiyada ee ay xildhibaanadu ku soo galeen baarlamaanka iyadoo wasiiro kasta oo ardaa ama beel kazoo wada jeeda u dirtay xildhibaanada la beesha ah si ay uga dhaadhiciyaan inay codkooda ku taageeraan xeer xirsi marka golaha la horkeeno si uu xeerkaa xirsi uga gudbo baarlamaanka!,
hadaba waa maxay ujeedada ugu wayn ee xukuumadu u samaysatay xeerkan xanbaarsan cashuurta aanay umada qaadi Karin?
waxaa xukuumada soo food saaray labadii sano ee ugu danbeeyay ee ay xafiiska sii joogi lahayd waxaana lagaadhay xiligii laysu diyaarin jiray in tartan doorasho lagalo waxaana loo mudeeyay bisha December ee sanadkan in uu qabsoomo shirweynihii xisbiga talada haya ee Kulmiye shirkaas oo lagu dooran doono xubnihii xisbiga ee golaha dhexe iyo fulinta iyo hogaankii xisbiga ee shanta sano ee soo socota iyo xubnihii musharixiinta u noqon lahaa xisbiga, markaas iyada oo laba damac ba laqabo ayaa waxaa larabaa in laba shinbirood hal dhagax lagu wada dilo in lacagtan cashuurta ah ee ku soo boodada ah la qaado oo ololaha doorashada lagu galo si uu xisbigu doorashada ugu guulaysto taasi waa mid takale hadii kursiga lawaayo waxa larabaa in umada waxa yar ee faraqa ugu jira laga shubto oo kudlada isku xidhan ay jeebabka sii buuxsadaan oo waxay kursiga kaga samraan meesha kala tagaan!(TII ALLANE MAQAN! UMADAN CEELA UMA QODNA CIDINA UMA MAQNA AAN ILAAHAY AHAYN SWT),
safarkii madaxweynuhu ka bilaabay berbera ayaa ugu horeeyey ololahii doorashada ee meelwalba dhagaxaanta ladhigay safarkaas oo laba wejiba daaranaa in umada lagaga leexiyo fadeexadii ka dhalatay labadii mashruuc ee mar wada fashilmay waa kii shiidaalka iyo kii airpotka hargaysa iyo diyaaradii ethopiya airline iyo hololahaas siyaasadeed ee loo sii gogol xaadhayay, sidii dowladaha reer galbeedku marqudha umada uga jeediyeen xasuuqii ka dhacay masar ee sadexda kun ee qof ku dhineen ee marqudha media hii u jeediyeen dhinacaas iyo suriya oo kimika ayaa umad lagu laayay ay caalamkii marqudha ka dhaadhiciyeen oo indhihii caalmaka ka jeediyeen masar iyo xasuuqii ka dhacay ayuu madaxweyne siilaanyo isna ku qarinayay safarkiisa fadeexadii shiidaalka iyo tii airpotka kaga dhacay! waxa layidhi DHUUMASHO DHABARKU MUUQDAA DHUUMASHO MAAHA!,
hadaba maxaa la gudboon shacabka Somaliland?,
waxa uu Nabigu yidhi NNKH MUUMINKA LABA GOD LAGUMA WADA QANIINO! siilanyo doorasho danbe ayuu u cumaamadan yahay hadii uu tahli kari waayo ama awoodi kari waayo waxa uu meesha kaga tegayaa koron koradii uu korsaday sida ayaxa waxa layidhi ayaxa ayaa meesha uu ka guuro waxa uu kaga tagaa koron koro waa in isaga iyo koronkoradiisa lays kaba raaciyaa! oo aanu inagu kala hadhin wadaadu ma shansano oo kale oo xeer xirsi ah ayanu sii eegan karaa? jawaabtu waa maya
aadan axmed nuur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured