Warqad furan oo ku socota Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Waa Boobe yuusuf Ducaale,

0
Saturday September 21, 2013 - 19:26:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad furan oo ku socota Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Waa Boobe yuusuf Ducaale,

    Mudane, Madaxweyne, maxaad ku garatay urur-u-sharraxanihii QARAN heshiis qoraal ah oo la baahiyay la gal, Madasha wada-tashigana xadhig iyo xayiraad ugu cago-juglee? Marka hore salaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane, Madaxweyne, maxaad ku garatay urur-u-sharraxanihii QARAN heshiis qoraal ah oo la baahiyay la gal, Madasha wada-tashigana xadhig iyo xayiraad ugu cago-juglee? Marka hore salaan, Marka xiga: ?Arrimaha siddahoodana, Ilaahay kuma seejo?, taasina waa tii Duco,
Ta daneed, Mudane, Madaxweyne,
Laba ayaan dhex tag nahay ay doorashadoodu igu adag tahay. Mar waxaan doonayaa in aan warqad kooban oo aanad waqti badan ku lumin kuu soo qoro, marna dadweynaha oo aanu beryo kala maqnayn ayaan
iga yeelayn ama aan iiga fadhyinba warqad kooban. Taxanaha iyo la-socoda ayay wax ka jecel yihiin oo ay iyaga ugu badisaa.
Bal se adiga ayaan mudnaanta ku siinayaa, dadweynaha yeelkood e?, aniga oo ka codsanaya in ay raalli iga ahaadaan bal markan. Si aanad shaqooyinka ma-dhaafaanka ah ee aad QARANkan u hayso uga jeedsan, ayaan jeclahay in aan isa soo ururiyo.

Dadka marka laga tago, waxa iigu kaa dambaysay iyada oo ay qalinka, muraayadaha indhaha iyo xusuus-qorku yihiin agabka kuugu dhow. Ilaahay taa waa ii soo joojiyay. Adiga oo intan ka dhallin yar oo hoggaamiye ahna waan u soo joogay. Markaana qalin iyo warqad uma aad u iilan jirin e? khudbadahaagu gole-ka-fuul ayay ahaan jireen. Taana waan u soo joogay. Sidaa awgeed ayay warqaddanna u urursanaan doontaa.
Qaab su?aaleed aan u dhigo. Adiga oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ah oo Madaxweynennimo u ordaya ayaad Urur-siyaasadeed aan sharciyeysnayn oo aan shahaadad qaadan oo u sharraxnaa in uu urur-siyaasadeed noqdo heshiis cad oo qoran oo aad saxeexday la gashay. Anigu urur ku sheegi maayo e?, wuxu ahaa aqoontayda gaaban, u-sharraxane urur-siyaasadeed. Heshiiskaasi mid qarsoodiya ma ahayn. Daahir yaa shamis ayaa loo soo bandhigay.
Mudane, Madaxweyne, miyaanay taasi daw-darro ahayn? Miyaanad markaa qaldanayn? Miyaanay tallabadaasi markaa la joogay gef ku ahayn xeerarka QARANkan u yaallay? Mise QARANnimadu waxay ka bilaabantaa marka uu qofka xilka doonayaa kursiga ugu sarreeya ku fadhiisto? Miyaanad nimankii hoggaaminayay urur-u-sharraxanihii QARAN xilalkii u sarreeyay xukuumaddaadii ugu horreysay u dhiibin, adiga oo xisbigaagii KULMIYE intii hal-doorka u ahayd dhaxamaha kaga tegay, maantana ay ku dhow yihiinba in shadaafta loo laabo oo uu daadku qaado. Waa haddii Eebbe idmo iyo qoryashayaasha aawan ee fulintooda la sugayo sida aanu maqallay.
Mudane, Madaxweyne, Heshiiskaa aad urur-u-sharraxanihii QARAN la gashay Xisbigii aad Guddoomiyaha ka ahayd Ballan-qaadkan oo fulay miyaanu la gelin:
Xisbiga KULMIYE wuxu ballan-qaadayaa:
? In uu ka dhaqan-gelin doono Jamhuuriyadda Somaliland furashada Ururrada Siyaasadeed, laga bilaabo tartanka doorashada Dawladaha hoose ee ugu soo horreeya, iyada oo la waafajinayo Xeerarka doorashooyinka QARANka, haddii uu KULMIYE ku guuleysto hoggaaminta dalka,
? In uu mabda?a furashada Ururrada siyaasadeed ka mid noqdo rukummada barnaamajka lagu gelayo ololaha doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga KULMIYE,
? Si loo xoojiyo Is-kaashiga labada dhinac, Xisbiga KULMIYE haddii uu doorashada ku guulaysto wuxu dhisi doonaa dawlad cusub oo ay qayb ka yihiin Urur-siyaasadeedka QARAN,
Mudane, Madaxweyne, maanta, waxaad sharci-darro ku tilmaamaysaa dad isku fikir ah oo la baxay Madasha Wada-tashiga. Ma aha Urur? Ma aha xisbi? Ma aha wax Dastuuriya oo go?aammo aynu ku qasban nahay fulintooda inagu soo saari kara. Waa muwaadiniin isku bahaysatay in ay talo iyo taageero kula garab joogsadaan oo weliba nidaamka aad hoggaaminayso dan iyo dawba u ah. Gole ayay la baxeen. Markii aad ka xanaaqday ee ay xukuumaddaadu dhibsatay ayay ka tanaasuleen. Madal ayay la baxeen. Dad shisheeye ah ma aha. Waynu garanaynaa.
Deyrkii Maka iyo kii Madaxtooyada midna ma ay gubin. Hooto iyo waran midna ma sitaan ee waa ay hadlayaan, iyaga oo hollinaya in ay hoga-tusaale iyo haasaawe-daneedba kula wadaagaan. Haddana xadhig ayaa loogu cago-juglaynayaa. Khudbaddaadii Darar-weyne?..Khudbaddaadii Burco??Khudbaddaadii Balli-gubadle sida igu maqaalaha ah. Hadda waa Balli-gubadle oo aynu wada huluulan jirnay Taanbuug innaga oo nidaankii Maxamed Siyaad Barre ee aan la mahadin dhufays ugu wada jirnay.
Mudane, Madaxweyne, maxaad ku garatay urur-u-sharraxanihii QARAN heshiis qoraal ah oo la baahiyay la gal, Madasha wada-tashigana xadhig iyo xayiraad ugu cago-juglee?
Mudane, Madaxweyne, ?bi-kulli ixtiraam wa taqdiir,? labada jeerba ma adigaa gar leh? Annaga jawaabtu maya ayay nala tahay. Waa tii la odhan jiray: ?Ina-Sanweynana u gee.?
Nidaam xadhig ku cago-jugleeyay xoor kama maalo. Xoolaha ayaa xadhigga loo sameeyay iyo ma-yeedhaanka aynu dhaqanno. Dadka xeer baa dabbaala. Dadka xurmo iyo xishmayn baa lagu xakameeyaa. Xaq-dhowrka iyo xaq-soorka ayaa deeqa. Dad xadhig loogu hanjabaa kow ma aha. Waa wax soo jiray. Tan aynu joogno ayay ka dhacday oo wixii laga dhaxlay maanta laga nool yahay.
Nidaam xadhig ku gooddiyay, waxay marka xigta la gashaa in uu dadka xabbad la dhacao. Wixii intaa ku xigaana waa xasuuq. Xinjir iyo xab la bururshoo ayaa ku xigta. Xawawar iyo xuduudo laga tallaabo ayaa ku xigta. Xanaf iyo xadaafiir aan hadhin ayaa ka dhalata. Waa loo soo joogay oo nidaamkii sidaa u dhaqmaa waa kii eeda ee dagaala. Cirkaa looga xero-dhigaa. Dadka iyo dalka lama qab-qaban karo. Duugga wixii soo hadhaa waa dadka iyo dalka.
Mudane, Madaxweyne, waxaan hadalka kaga baxayaa dhegahaaga iyo indhahaagu malahayaga meel keliya ayay u furan yihiin e?, dadkaa ku doortay oo ku dirtay e? wada dhegayso mid ku jecel iyo ku necebba. Inta kugu xeerani in xun iyo in wanaagsanba waa ay leeyihiin. Dadka intiisa badan waxay ugu muuqataa in inta xumi badan tahay. Inta kaa maqanina in xun iyo in wanaagsanba waa ay leedahay. Dadka intiisa bandanna waxay ugu muuqataa in dadka kaa maqan inta wanaagsani u badan tahay.
Ugu dambaynna, mudane, Madaxweyne, dardaarankaygu wuxu yahay: ?Ka tali wanaagga dalka iyo dadka iyo duugga waxa hadhi doona.?
Mudane, Madaxweyne, haddii meelaha qaar aad hadalkaygan qoonsato, raalli ayaad ka ahaanaysaa, xumaan ugama aan jeedin.
Waa Boobe yuusuf Ducaale,
Nimaad beryo saaxiibbo ahaydeen.
Hargeysa, 20/9/2013ka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured