SIILAANYO IYO HABDHAQANKIISA QABYAALADEYSAN WAA WAXAAN QARSOOMI KARIN!
Markii uu mudo socotey golahii wasiirada ayuu siilaanyo arkey in aaney xubnahan aheyn kuwii uu hantida
Ugu horeyn salaam iga gudooma ka dib , bal aan wax yar ka idhaahdo meesha uu maanta marayo, horumarka iyo dib u dhaca dalka somaliland.
2010- kii ayaa waxa la doortey xisbigii kulmiye oo uu jagada madaxweynenimno ku qornaa madaxweynaha hada ee siilaanyo, dadku waxey doorteen xisbi aanu qof iyo reer toona laheyn balse habka siyaasada markaasi ahaa xisbi aan awooda taageerayaasha waxaan aheyn ku tiirsaneyn. Somalida ayaa ku maahmaahda doqon looma gargaaro, lamana gargaar sado! Markii siilaanyo la yidhi waxaad tahey madaxweyne waxa uu markiiba geeska galiyey sida dibada oo kale hogaankii iyo madaxdii saxibada kula ahaa halgankii ay guusha ku hanteen, taasina waa calaamadaha lagu yaqaano, in aanu qofku aheyn qof leh barnaamush, aan aheyn in uu yahey daneyste aan dal iyo dadtoona waxba ka galin. Waxa uu markiiba dhisey gole wasiiro ah ooy ka dhexmuuqdeen sadex ilaa afar qof oo tayo leh, sida wasiirkii arimaha gudaha, dr gaboose, eng, maxamed xaashi cilmi. dr sacad cali shire dr xusseen xoog. iyo malaha mid iyo laba kale balse hada ma xasuusni. Markii uu mudo socotey golahii wasiirada ayuu siilaanyo arkey in aaney xubnahan aheyn kuwii uu hantida dalka si uu u xado u suuro galinlahaa waxaanu keensadey xubno, aan aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed iyo mid dhaqaale toona laheyn saaxada siyaasdana kow ka ah, siilaanyo waxa uu ogaadey in uu danahiisa ku fushan karo qof hada cusub oo wasiirnimada ay ugu horeyso, waxaanu keensadey xubno wada cusub, oon hore xitaa u gaadhin xil, directors wassaaradeed ama xilal kale, oo waliba laheyn aqoon lagu xusho. wasiirada, madaxtooyada, duulista iyo hawada, maaliyada, waa xubnaha uu madaxweyne siilaanyo sida dad ban u isticmaalo ee uu u maro boobka iyo lunsiga hantida. Siyaasadan aan hadafka laheyn ee siilaanyo marka laga tago, in uu hantida dalka uun si qaraabo kiilnimo ah dadka looogu kala miiso, xilalka, dowlada, heydaha, dhawaan waxaa lagu bixiyaa hab qaraabo kiilnimo, qofka ay siilaanyo isku heybta yahiin lama badalo waxa la badalaa qofka ay kala heybta yahiin, waxana kuu cadeyneysa talaabadii u danbeysey ee uu komishankii hay´ada la dagaalamka aydhiska ku sameeyey waxa uu badaley agaasimahii hay?daasi, dr, maxamed dahir khayre, waxaanu meesha ku reebey ninka ay siilaanyo isku heybta yahiin ee c/kariim xinif, sababtoo ah isagu waa qabiilka siilaanyo, halkaasi ayaad ka arki kartaan siyaasda siilaanyo ee ku dhisana, jaceylka iyo eexda qaraabo kiilnimo ee uu ummadii u kala qaadey. Hadaba habdhqanka ceynkaasi ah ee siilaanyo waxa uu dalkii gaadhsiiyey in ay qaar ka mid ah golaha wasiirada ee waliba loo tiriyo heybtiisa in uu lunsadeen lacago badan, sida lacagtii madaarka hargeysa ee aheyd $10 milyan ee dollar, ee kuweyd bixisey, iyo shirkadii baasiinka in ay qodo la rabey ee Genel- energy ,ayaa waxa iyadana la sheegayaa in uu musuqmaasuqey wasiirka macdanta, xusseen cabdi ducaale, sababha maamul xumada siilaanyo iyo musuqa faraha ka baxaey waxey dalkii dhaxalsiiyeen, in xitaa diyaaradii Ethiopia Airline dalka ka cararto oo ilaa maanta rag wasiirada xukumada siilaanyo ka tirsani nidaam daro siyaasadeed oo ah baryootan Adisi-abab u joogaan in ka badan laba week. Wararka ka soo baxaya ergada wasiirada xukumada siilaanyo ayaa ah in sharkada lacag la siiyey lagana yaabo in ay dhowr duulimaad hargeysa ku soo biimeyso ka dibna istaagto ka dib marka dadka loo tuso in madaarka la dhisey, taasi oo looga gol leeyahey in lagu danbabaso lacagtii madaarka lagu dhisi lahaa ee la xadey. Ugu danbeyn siilaanyo waxa uu dalka iyo dalkaba ku soo kordhiyey , qabyaalad iyo isku dir bulshada dhexdeeda ah iyo xatooyada lagu hayo hantidii guud ee ummada dhexda u aheyd, waxana calaamad su´aal saarantey cida lacag danbe oo mucaawi mo ah lagu aamini doono,madama xukumada siilaanyo noqotey mid wax walba jeebka ku shubata. Wq: Tahir hussein (xumandid) Leave a comment |
|
SIILAANYO IYO HABDHAQANKIISA QABYAALADEYSAN WAA WAXAAN QARSOOMI KARIN!
Markii uu mudo socotey golahii wasiirada ayuu siilaanyo arkey in aaney xubnahan aheyn kuwii uu hantida