Dhibaatooyinka Dekeda Berbera iyo Gobolka Saaxil Sacab Laguma Qarin Karo

0
Thursday September 19, 2013 - 20:40:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatooyinka Dekeda Berbera iyo Gobolka Saaxil Sacab Laguma Qarin Karo

    Dekeda Berbera oo dhalanteed ka sokeeya Bulshada lagaga qanciy Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland gaar ahaan Gobolka Saaxil waxaan halkan ku cadeynayaa Dhibaatooyinka is barkan ee kajira Gudaha Dekeda Berbera kuwaas, Dekeda Berbera ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekeda Berbera oo dhalanteed ka sokeeya Bulshada lagaga qanciy Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland gaar ahaan Gobolka Saaxil waxaan halkan ku cadeynayaa Dhibaatooyinka is barkan ee kajira Gudaha Dekeda Berbera kuwaas, Dekeda Berbera ay Sikasta oo ay tahey waxa xiligan isweydaartey Waayadii Xisbiga Udub ee Maamulka Dekeda Berbera
Dekeda Berbera oo dhalanteed ka sokeeya Bulshada lagaga qanciy Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland gaar ahaan Gobolka Saaxil waxaan halkan ku cadeynayaa Dhibaatooyinka is barkan ee kajira Gudaha Dekeda Berbera kuwaas, Dekeda Berbera ay Boqolkiiba boqol lagu kordhiyey waxqabadyo la taaban karo taas oo ah been cad oo lagu majara habaabinayo arimaha dhabta ah iyo xaqiiqada kajirta Gudaha Dekeda Berbera, maadaama wakhtigan ay feydmeen dhaliilo badan oo fashilaad ku ah Guud ahaanba Xukuumada Hadana Waxa kajira Dekeda arimo fool xun oo aan

loo adkeysan karin qarqarintooda kuwaas oo ay kamid yihiin Wiishashka Dekeda oo intoodii ugu badneyd iyo kuwii ugu dambeeyay ee la keenay Xumaadeen gaar ahaan kuwa qaada Kontiinarada, waxaana muuqata fashilaad wakhtigan haysata Hanaanka Maamul ee Dekeda Berbera, kadib markii ay soo waajaheen awood iyo culeys kaga yimid dhinaca Xukuumada sare taas, oo caqabad ku ah wax laga qabto Gudaha Dekeda Berbera inkastoo hool jaajuur ah oo dheer dhawaan dirqi lagu Dhisey.
Maamulka Dekeda Berbera oo ay Daashadeen Mustafeyn iyo Guulwadeyn iyo dagaal Xoogan oo ay kula jiraan Gudida Dan iyo Duco ee aayaha GoBOLKA Saaxil taas, oo ladagaalankeedu dhakafaar iyo asqo qaadsiiyay Maamulka Dekeda Berbera ayaa, hadana waxa dhibaato ku haysa in Dadkii aqoonyahanka ahaa ee Gobolka Saaxil jeeday ay kasoo Horjeesteen Guud ahaanba Maamulka Dekeda Berbera iyo Maamulka Gobolka Saaxil oo iyagu Durbaan kusita Gacanta taas, oo ay u gacan galeen in ay Magaalada Berbera ka dhex baadi goobaan haween Jaahiliin ah oo aan ku tirsaneyn tiirarka iyo lafdhabarta Bulshada Gobolka Saaxil iyo Magaalada Marsada Berbera laakiin iyagu calooshooda u shaqeysta, oo aan Sumcad ku laheyn Bulshada dhexdeeda.
Sikasta oo ay tahey waxa xiligan isweydaartey Waayadii Xisbiga Udub ee Maamulka Dekeda Berbera oo xiligan wakhtigeedii is badelay maadaama waayadaasna ay Dadka Reer Saaxil qeybo badan oo kamid ahi taageero u hayeen Udub laakiin ay hada mar walba ka digtoon yihiin Cadaalad darada iyo Khiyaamooyinka Xukuumadani la damacsan tahey Magalaada Berbera taas, oo soo afajari doonta beenta iyo hadimada ku maqan Berbera ee lawada ogyahey maadaama Dano gaar ah oo laga leeyahey awgeed dib loogu Soo magacaabay Maamulka Dekeda Berbera.
Waxa Maalmihii dhaweyd ee Madexweynuhu joogey waxa Xadhiga dib looga jarey markii Madexweyne Siilaanyo soo gaadhey Gobolka laba meelood oo hore xadhiga looga jarey iyo hangarkii Wfp oo hore xadhiga looga jarey, agabka qaada koontiinarada oo laba jeer xadhiga looga jarey ayaa hadana maalintaa siilaanyo joogeyna laga jarey waana ceeb qaran in dadka loogu Soo Celceliyo meelo sanad ka hor Xadhiga laga jarey waxaanay arintani noqoneysaa Cajaladii lagu Soo Celcelinayay.
C/raxmaan Cabdisalaan Muuse
Berbera Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured