Karis Xun, Ku Wax la’:
Berberina waxay ku dambayn sida bullaxaar
WQ. Rashiid Nuur Wacays
Berbera: Magaalo-Xeebeeda Gobolka Saaxil oo ah Magaalo ay ka soo baxdo Maaliyad aad u xadi badan oo lagu qiyaaso Seddex Meelood, Meel ahaan (2/3) waxa ay Lacagtani ka soo xarootaa Dekeda Wayn ee Magaaladaasi, waxa ka soo daga dhammaan Badeecadaha kala duwan iyo Xoolaha tirada badan ee Sanad walba xiligan oo kale Xajka ka dhoofa. Hadaba, Waqti xaadirkan ayaa ah mid ay Dekeda Berbera ay Albaabadu u xidhmeen. Maxaa yeelay waxa la kordhiyay dhammaan Tacriifadihii oo laga dhigay Mid laban laab ah oo aanay iska bixin karin tijaarteenu. Taasoo kaliftay in ay u guuraan Dekedaha jaarkeena ah sida, Dekeda Jabuuti, Puntland iyo Soomaaliya oo ay Tijaarteenu ku xidhmeen, ka dib markii ay ka biyo diideen Cashuurahan Ganacsatada Wadaniga ah lagu dhiig miiranayo. Waxa hadaba is waydiin mudan, yaa ka dambeeya kordhintan ay ka dideen Ganacsatadu? Aniga waxay ila tahay, waxa ka dambeeya Masuuliyiinta Xukuumada Madaxwayne siilaanyo ugu tunka wayn oo uu ugu horeeyey Baarqabka Golaha Wasiirada ka dhex doobya, laguna Magacaabo “ Xirsi “ mar waa Wasiirka, Wasiirada, Marna waa Madaxwaynaha Jiifa ee ka arimiya Wadanka oo dhan. Waayo, waxa aad ku garanaysaa in uu Wadanka oo idil ka arimiyo, Khudbadii koobnasanaysay dhammaan Waxqabadyadii Xukuumada ee uu degta u ritay kuna faanay hirgalintooda. Waxa sidoo kale qayb ka ah in Dekeda laga guuro, Maareeyaha aan dhicin ee Cali Xoor Xoor. Kaasi oo noqday mid ay isaga la wayn tahay in uu Meesha sii fadhiyo. Waxa uu ragaadiyay ishii Dhaqaale ee Qaranka isaga oo ka dhigay Dakhligii Dekeda in Madaxtooyada kiish loogu walwaalo, iyo in uu ku Maslaxdo Koofiyad baclayaal ku ilaaliya Kursiga oo gar iyo gardaba ugu Nacamleeya. Waxa ugu dambaysay tii uu ku kordhiyay Koontiinarada Bagaashka iyo Bucsharadaha lagu soo raro oo uu Maareeyuhu saaray Cashuur aad u badan oo ay ka saseen Ganacsatada yar yar ee Allaabta ka soo rarata Dubay iyo Yaman. Waxa uu Cali Xoor Xoor kaga sii darane Marag uga dhigtay Xirsi taasina waxa ay ku tusaysaa in Meeshu tahay Shabakad taxan, oo loogu heshiiyay in lagu wiiqo danta danyarta ah ee marka ganacsadaha la dul saaro waxa uu isna dul fuulayaa Miskiinkii danyarta ahaa ee uu wax ka sii iibinayay. Arintan ayaa ay indhaha Dadku ay u qabteen si foojigan oo fiiro badan. Waxa ay Dad badani ka bixiyeen Fikiro kala gedisan. Qaar ayaa Dadkan ku sifeeyey in ay tahay mid Hantida Dadka lagu urursanayo, Maadaama oo lagu jiro labadii Sanno ee u dambeeyey Muddo Xileedka Xukuumadan (Mandate) waxaana uu halku dhegeedu yahay “ Carar yee Cado ka reeb” halka ay kuwo kalena ku Macneeyaan in ay shaambad uga dhigayaan Odayga Maaliyada Horjoogaha ka ah, ee ay Maqaar-saarka Xisbiga Kulmiye u wataan. Waxa iyaduna soo if baxaysa baryahan u dambeeyey shaqaalaysiin aan Xuduud lahayn oo lagu khasbayo Masuuliyiinta Hay’adaha kala duwan ee Dawlada, iyada oo shaqaalahaa lagu qaybsaday Hab Qabiil. Hay’adahaasi sida wayn loo dhoobay waxa ka mid ah: Dekeda Berbera, Madaarka Hargeysa, Madaarka Berbera, Kastamka kala baydh iyo Haamaha Shidaalka Berbera. Amarada shaqaalaysiinta waxa intooda badan soo amra Wasiir Xirsi, si uu ugu kasbado Odayaal iyo Cuqaal uu dano badan ka leeyahay. Waxa iyaguna Shaqaalahan wax is dhaafiska ah si wayn uga qayb qaatay, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor. Labadan Masuul ayaa si aan kala go’ lahayn u buux dhaafiyay Madaarka, Wasaarada Duulista iyo Dekeda. Ha ugu darnaadaan Madaarada, kuwaasi oo ay dhawaan Wasiirka iyo Oday Dhaqameedyo isku faro saari gaadheen Saami qaybsigeeda Shaqaale. Guntii iyo gabagabadii waxa aynu wada Ognahay in ay Fooda inagu soo hayso Xiligii Carafada ee ay Xoolaheenu sida wayn uga dhoofi jireen Dekeda Berbera. Taa badalkeeda waxa ayaan daro ah in Dekeda Berberi ay noqotay Gego laga hayaamay oo aanay lahayn diyaar garawgii iyo dedaalkii xiligan oo kale looga bartay. Wakhtigan xaadirka ah waxa ay Albaabadu u xidhmeen Dekeda, waxaanay ku heesaysaa “ Maba lulatee, Maxay leeftaa.” Rashiid Nuur Wacays Hargeysa / Somaliland Leave a comment |
|
Karis Xun, Ku Wax la’:
Berberina waxay ku dambayn sida bullaxaar WQ. Rashiid Nuur Wacays