Yurub Buu Ka Yimi! W/ Q:Nada Yuusuf Cumar.

0
Tuesday September 17, 2013 - 19:33:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yurub Buu Ka Yimi! W/ Q:Nada Yuusuf Cumar.

    Maalinkay dhalatay ee ay dhawaaqday waxa dhinac dhammi qaboobay dhaayo urroon hooyadeed iyo dhammaysane aabaheed. Waa gabadh lagu dhalay nasiib iyo ayaan, inbadanna waalidkii dhalay ugu mahad naqeen Illaahay nimcada uu siiyay, markay dhaayahooda saar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinkay dhalatay ee ay dhawaaqday waxa dhinac dhammi qaboobay dhaayo urroon hooyadeed iyo dhammaysane aabaheed. Waa gabadh lagu dhalay nasiib iyo ayaan, inbadanna waalidkii dhalay ugu mahad naqeen Illaahay nimcada uu siiyay, markay dhaayahooda saareen Maalinkay dhalatay ee ay dhawaaqday waxa dhinac dhammi qaboobay dhaayo urroon hooyadeed iyo dhammaysane aabaheed. Waa gabadh lagu dhalay nasiib iyo ayaan, inbadanna waalidkii dhalay ugu mahad naqeen Illaahay nimcada uu siiyay
Maalinkay dhalatay ee ay dhawaaqday waxa dhinac dhammi qaboobay dhaayo urroon hooyadeed iyo dhammaysane aabaheed. Waa gabadh lagu dhalay nasiib iyo ayaan, inbadanna waalidkii dhalay ugu mahad naqeen Illaahay nimcada uu siiyay, markay dhaayahooda saareen dhalaantay dhaleen oo dhooboda walaqanaysa hadaaaqna u dheeryahay. Waxay uguntadeen sidii ay u dhaafin lahaayeen faceeda iyo fac xigaheedba. Waxay u hureen naftooda,waxay u hibeeyeen maankooda wixii ku jiray,waxay ku baxsheen hanta waxay la haayeen. Kortay oo guulle ugu gar gaar inay noqoto qaan gaadh kala saarta samaha iyo wanaagga. Inkasta oo ay leeday waalid iyo walaal

u huraaya naftooda u hibaynaaya waxay dalbato, haddana wax baa ka dhimman oo dhamays maaha nolosheedu. Waxay tabaysaa tamar ka maqan oo ay is leedahay haddaad hesho waad tamarin layd in ka badan tamarta aad ku taagantahay hadda. Waxaay hadh iyo habeen ku talamaysaa tashigeeduna uu yahay inay dhoofto oo ay yurub cagaha dhigto mar uun intay nooshay. Waaliidkeed uma ogola inay inantoodu dhoofto laakin iyada waa hammigeeda koowaad ee nolosha. Sidii caadada u ahayd waxay ka soo baxday goor galaba gurigooda iyada oo u socota gabadh ay saaxib yihiin iskuna dhawyihiin oo anay waxbadan sii kala fogayn, salaan iyo bariido diiran ka dib waa la is xoogagaal waraystay. Gobaad iska waran saaxiib bar yahan kumaan arage xagaaad manta ka timi? Saxiib qadaneey wan wanaagsanay, waxaan ka imid gurigi ee iwaran adigu? goobaad waxay waxan oo madaw ah ee kusaaran ? bisinka! oo xataa waad caatawdee maxaa ku helay maad xanuun satay saxib? Qadaneey saxiib miyaad idareentay, oo waxan islahaa adiga uun baa uun qalbigaaga kaa dareemaya waxa ku haystee miyay iga muuqataa? Haa!haa! saxiib ee siday wax u jiraan ii waran oo? Saaxiib qadan dhib wayni majirto ee aniga nafsadayda ayay wax I haystaan !waxaan nacay waddanka waxaan rabba inaan dhoofo. Masha allah saaxiib waaba arrin wanaagsane ma khadbaad heshay dee sidaad u tagaysaa? Maya qadaneey ee waxaan is leeyay aad iska tahriibtid haddad wax wayday. Illayn imika yurub lugbaa lagu wada galaye. Alla bisinka! Saaxiib waxaa haku fikirin iska joog miyaad ilawday inaad tahay gabadh oo aad tahay cad bisil, miyaad ogayn in dad hablaha kufsada oo xidhaa jiraan. Saaxiib tahriib haddaan daayo dhoof daynmaayee bal ii soo ducee. Ayaamo kadib gobaad oo iska fadhida gurigooda niyadduna maqantay ayuunbuu ciyay xidhiidhiyihii gacantu(mobilki) tiradii sii ayuunbay eegtay, waa tiro(lanbar)ka bilaabmaaaya 44 oo ka mid ah ku wii Hargaysa, laakiin uguma diwaan gashana mobilkeeda oo ma taqanno yaab!?.yaab!. aan iskala hadlo cid uunbay noqonne. Hellow waa tuma? Adigu yaad doonaysay? Walaal waxaan doo naayay inan la yidhaa Muxubbo. Walaal waan ka xumay aniga maaha Muxubbo,lanbarkaa kaa khaldan. Oh! Waan ka xumay walaal. Inan wanaagsan baad tahay waad mahad santay dhib male walaal hadduu lanbarku kaa qaldamay adigaa mudan. Haye walaal adiga oo raaliya magacaaga ma iisheegi kartaa? Inkasta oo aanan jeclayn haddana waan kuu shegi haddad iga codsatay waxa lay yidhaa Gobaad. Thanks walaal anigana waa Mawliid, ee barasho wanaagsan haye walaal barasho lamida waynu isla soo hadli donna walaal ok! Ok! Waxa lagu kala tagay waynu isla soo hadli waxii intaa kadanbeeya. Laba dharaarood (2)kadib goor ay ku dhawayd 5:45pm galabnimo salaasa ah,aniga iyo gobaad oo wada fadhina ayuunbuu mobilkii ku soo dhacay. Way qabatay, Hellow haa walaal Mawliid ayuunbaa dhagta igagasoo dushay. Ma maqlaayo isaga laakin anigu iyada ayuunbaan hadaladeeda wax ka maq maqlayaa iyada oo kolba sidii qosol yaroo xishood ku jiro u qoslaysa marna hadallo naxariisi iyo dibic sanaani ka muqato ku hadlaysa. Kolay sidaan qabay isna la mid uun buu ahaa oo hawsha isagaaba waday iyana way la qaada dhigaysay uun. Ilayn waa tii hore loogu maah mahay(ragna waa arin keen dumarna waa aqbal keene) anigu sheekada hore ula masocon laakiin waan arkayaa inay hawshu meel sare marayso. Markii lawada hadlaayay in ku dhow 40 ilbidhhiqsi ayaan iska kacay oo aan dano iga dhul yaalay doontay. Inku dhaw saacad daqiiqado dhiman ayaan maqnaa, waan soo laabtay mise wali waa had laysaa! Waxaan arkay in hawshani hawl loo kala faaruqaayo ahayn dabadeedna intaan aniga oo yaban eegay ayaan idhi ?naa gobaad ma siidii baad wali u hadlaysa. siina raaciyay gurigii igaga daba kaalay ka dibna wan iskaga tagay.Habeen kii goor ay ku dhawayd Sagaaladii ayay albaab kii soo garcaday. Qofki ka furay ayay waydisay Nadi ma joogtaa? Haa way joogta inta la yidhi ayaay iigu timid qolkii aan fadhiyay oo aan casharo subaxaa layga doo nayay aan ku akhrinaayay. Intii hore maan eegin oo mabaan garanayn.markay hadashay ayuunban qaalinkii iyo buugi is dul dhigay Naa Gobaad ma adigiiba xiligan xagaad ka timid oo masidii ayaad u hadlaysay?ayaan mar qudha isku wada raaciyay. Intay qososhay qosol farxadi ka muuqato ayay igu tidhi HAA nadaay intaa an ku gu soo socday ayuunban kala maqnayn. Intuu yaab kale ii kordhay ! ayaan idhi: gobaad iiga warran yarkan ku maanqaday ee qalbigaagi kala miir dilaacshay waaban u bogaye. Saaxiib nadaay waa wiil barakaysan, wali isaga oo kale maan arag,maan maqal,manaan dareemin, maankana igagama soo dhicin wiilkan oo kale ayaa adduunka ku nool oo aad arki, amma maqli, iskaba daa xataaye aydun mustaqbal kawada hadli doontaan. Maasha allah intaan idhi ayaa aniga oo hinaasena igalay idhi oo waa wiil sideeya? Waa wiil dhaayihii arkaa meel kale jalleecayn, dhagihii maqlaa dhawaq kale danaynayn, hubqaad iyo hannaaan wanaagna haybad looga dhigay. Laygu sii korodh anna. Haye sidee iska u barateen? Waxaanu isku baranay??.waatan hore idinku sheegay sidii barashadu ku bilabantay oo ku noqod male. Saaxiib waa maasha allah laakiin aqoon maleeyay ayaan waydiiyay ninba waa halka udarane. Miyaad waalantay?wuxuu ka yimid yurub! Baasaaboorna uu wataa. Ma aqoonbaa udhimman. Oo heedhe saaxiib taa mabaan ogayne qofka Yurub ka yimaadaa aqoon uma baahna miyaa? Mise waaba cunta dooda oo sida caydha loo siyo ayaa aqoontana loo siyaa? Saaxiib waad ka dhacsantay qofku marhadduu Yurub ka yimaado noloshiisa wax udhimman male heer sare ayuu gaadhay sida lagu helaana way adagtay. Wayay saaxiib waa tu iga dhinnayd, dee saaxiibkii mala socdaa ayaan waydiiyay ilayn waxbaa la ii sheegoo fadhi ii mayaalee. Haa ee igu halle intay itidhi ayay iga tagtay. Anigu hadda sidydii hore ma ihi oo fikir cusub ayaa igalay,oo aan hore iigu jirin waxaan leeyay ?shaw haddaad yurub tagi layd bila tacabbaad tamash layn lahaydoo danahaaguna taam wada ahaan lahaayen? shaydaankan iska naaray,oo inta aan iska laalabay buugti ayaan iska seexday. Saaxiibaday gobaad maan arag dhawr dharaarood warkeedana ma hayo. Subax arbaca ah aniga o kusii ordayaa xiisad ayuunbay si lama filaan ah iiga soo hor baxday isku boodnay alla waa gobaad! Alla walal Nada ii waran? Anigoo dag dagsan ayaan idhi ?walaal wan nabde ii waran oo arrinkii halkuu ku danbeyay?. Waxay si farxadle igu tidhi alle mahaddi arrinki uu dhammaaday sabtida ayaa layso doonayaa salaasadana waan anba baxayna oo wan is raacaynaa. Maasha alah mabruuk ayan idhi aniga oo aan iskala garanayn oo marna faraxsan marna xanaaqsan.waa inoo iyo sabtida ayaanu ku kala tagnay, cashar kaygii iska dontay, anigu cashar uma jeedo oo xanuun baa hadda igalay day day ayaaban anna ku jiraa! haddana casharka iyo waxbarashada kama tagi karo oo naftaa donaysa. Sabtidii aniga iyo dhawr kale oo aanu saaxiib nahay ayaa is raacay waxanu abbarnay goobti gabbaatiga lagu qaybsanaayay ilayn waati hore loo yidhi ?gabbaati waa goob jeege? shabaddihii habalhaa ahaa ee madasha isku gu yimid hal hayska maalintaasi waxa uu ahaa ?walle anna sidaa Gobaad waa in aan ninkaas oo kale guursadaa manta laga bilaabo nin dabada ka yimid mooye ku kale oo wadanka jooga warkii xidhay?. Gobaad iyadu damaashaad iyo dareen farxadeed ayay ku jirtaa . Laba cisho dharaartii lameheriyay ka dib waxay u diyaar garawday safar aan ka soo noqosho lahayn. Waxay anba bax u tahay kiiniya oo uu u sheegay ninkeedu inay joogayaan inta uu hawsha ka xaynta u dhamaynaayo. Subixii salaasada 7:50 daqiiqo waxay ka anba baxday hoy goodi waxa sii sagootiyay,eheladeeda intay u jeclayd iyo saaxiib intii ugu dhawayd oo dhunkasho iyo salaam garbaha dhabanada iyo gacmahaba kala daalay. Saygeedi mawliiid ee ay rag ka xulatayna uu la socdaa oo way is daa dahaysanayaan, iyaga oo farxad is ku muu jinaaya. Waxay ka duushay oo ay sii nabad gal yaysay hawada Hargaysa iyo hoygii macaana 10:15 daqiiqo. Safarka maxaa ka danbeeyay? Gobaad iyo mawliid waxay ka dageen garoonkii diyaaradaha ee nayroobi, waxay ka xaysteen taksi geeya guri uu ugu talo galay mawliid gobaad. Iyadu waligeed maqal mooyo dhaayo may sarin magaladan ay timid. Gurigii aya la keenay waa noocee haddaba gurigu? Waa guri aan aakhira daayo addun la is odhan uu ku yaalaa, waa guri ka samaysan dhagaxaan culayska iyo adkanta ay leyiin caqli fayaw cabbiri Karin ku caqli daranna haddlkiiba daa, waa guri aan lahayn daaqad, famalaydh iyo xata dalool yar oo laga neef sadana. Kasii daranne waxa ku dhex yaal god dheer oo dharerka hoos looqoday gaadhaayo 6mt baladh kiisuna wa 1.5mt Godka waxa lagu sii dhex sameeyay qori adag oo ay ku xidhantay sil silada nolee daaye naf laawena aan loo quudhi Karin. Nal male neecaw male, habeen iyo malinna lagu makala ogaa. Gobaad bilawgii nolosheedu wuxuu ka bilaamay halkaa. Maalintii halkaas ayuu kaga tagaa habeenkiina waxa usoo shaqo tago rag ka kooban 5-ilaa 15nin oo nin waliba quwadda iyo qarada uu leeyay aan la qiyaasi Karin. Way kiraysan tahay oo lacag ayaa laga qaada nin walba oo hawl ka guta. Waxa intaba u dheer oo iyana noqotay musiibo af iyo adin ba ka wayn in maalinakii u heerayay ee guriga la keenay lagu muday irbaddo sunna oo loogu talo galay inaanay damqan waxna dareemin. Waxay ku jirtay oo ay ku noolayd nolashaa qadhaadh iyo madawgga iskugu jirta muddo lagu qiyaasay 2 bilood, ehelkeedi ma dareemin waxa ku dhacay gabadhoda oo maba oga, intii hore waxay is lahaayeen way iska dalan yiin ee markay dagaan ayay idin la soo hadli intii danbana isaga la hadla wuxuu u sheega inay wacantay laakin ay yara xanuun sanayso. Kala war la?aa fool iyo lulmo reerkoodu waxay moodayaan inay u bugto sidii dumar nimo oo ay tahay (wareer uurlay) iyana xaalkedu waa ka nocan ah oo alla og. Waxba hadalka yaan badine laba bilood iyo badh kadib waxa uu la soo hadlay ehelkii inanta dhalay waxa uu ushegay in khadkii xooga adkaday iyana ay bukto marka uu rabo inuu Hargeisa ku soo celiyo intay hawshu dhammaanayso. Waa laysla qaatay oo reerkii waxay u diyar garoobeen soo dhawynteeda. Subax ka duwan kii hore ee sagootinta waxa ka soo dagtay madarka caalamiga ah ee Hargeysa Gobaad oo diyaaraddii lagaga soo dajiyay sariir. Wali lama garan oo ehelkii iyo asxaabtii waxay sugayaan gobaaddii ay yaqaaneen. Naxdin afkala qaad murugo iyo oohin ka dib waxa loo qaday dhinicii dhakhtarka, waxay taalay 12 cisho maalintii 13aad aniga iyo dhawr hablood oo ka mida dhallinyaradii ay is ku dheerayeen ayaa dul joogna, waa lagu sii kordhay xanuun aada ayaa qabtay, kadib si lama filaan ah ayay laba goor u neef satay oo ay naftii kagaba baxday INAALILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN. weedhii ugu danbaysay ee ay ku hadashaana waxa uu ahaa anigu dhintaye hayla dhimanina habloow! W/Q: Nada Yuusuf Cumar Umuayuub2011@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured