Qormadii 30-aad Xaq-darada hadheysey habka Xukuumadu u-qeybiso anfaca, agabka , adeega iyo deeqaha waxbarashada ee wadanka + facts and figures Abdirahman Mohamoud

0
Monday September 16, 2013 - 22:04:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormadii 30-aad Xaq-darada hadheysey habka Xukuumadu u-qeybiso anfaca, agabka , adeega iyo deeqaha waxbarashada ee wadanka + facts and figures Abdirahman Mohamoud

    ,scww, Bacda salaan walaal qormadan webka noo geli sidii caadiga inoo aheyd adiga oo aad iyo aad ugu mahadsan sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noola shaqeyso. Tusan iyoTixgelin. A/rahman Fidhinle London Xaq-darada ka jirta habkii loo qeybin lah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,scww, Bacda salaan walaal qormadan webka noo geli sidii caadiga inoo aheyd adiga oo aad iyo aad ugu mahadsan sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noola shaqeyso. Tusan iyoTixgelin. A/rahman Fidhinle London Xaq-darada ka jirta habkii loo qeybin lahaa gunada macalimiinta, ,scww, Bacda salaan walaal qormadan webka noo geli sidii caadiga inoo aheyd adiga oo aad iyo aad ugu mahadsan sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noola shaqeyso. Tusan iyoTixgelin. A/rahman Fidhinle London Xaq-darada ka jirta habkii loo qeybin lahaa gunada macalimiinta, anfaca, agabka ,deeqaha waxbarasho iyo mashaariicda kala duwan ee hoos-yimada wasaarada waxbarashada ee loogu deeqo waxbarashada kala duwan ee Somaliland ayaa hada ummadda u-cadaatey in lagu qeybsado oo lagu maamulo si silan oo baal-marsan sinaan iyo cadaalad waxaana aan bud-dhig la iigu garaabo aan uga dhigayaa qodobadan soo socda: 1- Deeqaha waxbarashada ee sanadahan laga helay wadanka debadiisa sida scholarshipka ayaa gaadhayey ilaa iyo 449 ardey , taas oo ay xukuumadu ku-fashilantey in ay u- qeybiso si cadaalad ah oo loo baahnaa in ay xeeriso gobolada bariga maadaama ay iyadu xukuumad ahaan ay hore u-dayacdey waxabarashadii dawliga aheyd ee Goboladaas taas oo keentey in ardeydii goboladaasi ay sanadkan dhaafi-waayeen gradekii ugu hooseeyey ee D- iyo D+ ee ay xukuumadu ula-baxdey gradeka Barakeysan. in kasta oo ay ardeydu u-gelayeen Imtixaano kala duwan schollarshipkaa oo ka kala yimi wadamo kala duwan sida Turkiga, Maleesiya, Suudaan, Yaman , Liibiya, Ethopia iyo wadamo kaleba, hadana markii loo kuur-galey ee laga waayey tiro macquul ah oo metesha ardeydii gobolada bariga iyo ardeyda laga tirada badan yahayba ayaa waxaa la isku raacey in ay xukuumdu u-maamushey oo u-qeybisey deeqahaa wax-barasho si silan oo baal-marsan sinaan iyo cadaalad.waxaana la-la yaabey markii la yidhi waxaaba ku-jiray ardeydii heshay Schollarshipka qaar Puntland ka soo Jeeda oo ka yimi." waa yaab-Alleh! " 2- Waxaa iyana af-kala qaad waalidiintii ku noqotey markii aan iyana deeqihii waxbarasho ee ka soo baxey Jaamacadaha Wadanka Gudihiisa oo iyaguna gaadhayey 448 oo ardey aan iyagana lagu fadhiisin merit, cadaalad iyo caqli caafimaad qaba, taas oo aan iyana la tixgelin ardeyda dan-yarta ah,ee gradeka hoose ku-baasey iyo kuwa aanu laxaad-koodu dhameyn,iyo kuwa laga tirada badan yahayba, taas oo la isku raacey in iyanagana loo qeybiyey si qariban oo qusum iyo qoon ah oo aan huwaneyn sharaftii iyo karaamadii dawladnimo, maa-daama aaney xukuumadii tixgelin dan-yartii da-daaleysey ee aaney awooda dhaqaale u-saamaxeyn in ay Jaamacadaha wadanka fiigooda iska bixiyaan. " Dan yareey- Dabkaa Be'. "!! 3- Waxa ay xukuumadu qaarna dib-u-habeyn ku-sameysey qaarna dhistey Iskuulo gaadhaya ilaa 166 iskuul oo hoose iyo dhexe u-badan 3-dii sandood ee la soo dhaafey ee hogaanka ay ummadda u-haysey iskuuladan tirada badan ee tiradoodu gaadheyso 166 iskuul ayaan xukuumadu 6- gobol ee Somaliland aaney ugu qeybin si cadaalad ah iyada oo tixgelineysa baahiyaha waxbarasho ee gobol-kasta ka jira, gaar ahaan waxaan xaqoodii aan la siin Gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil. waxaa xaqoodii aad loo duudsiyey gaar ahaan gobolka Sool oo tiradaa badan isagu ka helay 8 school oo keliya. Taasina waa Marag-ma-doonto! 4 -Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee lagu dhawaaqey bishan Sagaalaad 10-keedii waxaa galey ardey tiradoodu gaadheyso 19,452 oo isugu jira 12,142 ardey oo dugsi dhexe ah iyo 7310 dugsi sare ah. Taas oo laga dhexwaayey 100 kii ardey ee wadanka ugu sareeyey ardeydii Gobolada Sool, Saaxil iyo Sanaag gaar ahaan iskuulada dawlada ee xukuumada ay masuuliyadeedu saaran tahay.Guud ahaan dugsiyada sare ee dawlada wuxuu imtixaankani ahaa kii ay ugu grade hooseeyeen marka loo bar-bar-dhigo sanadihii la soo dhaafey. ardeyda ka baxdey dugsiyada sare ee dawladu waxa ay sanad kan la kulmeen lama filaan iyo niyad jab baahasan oo weliba ku-badan ardeyda gobolada bariga oo bankoodu ugu grade hooseeye guud ahaan wadanka sanadkan. Taas oo weliba la soo xaqiijiyey in ardeydii dugsiyada sare ee sadexdaa gobol ee Sool, Sanaag iyo Saaxil intixaanka shahaadiga ah ay ku baaseen sanadkan badabkoodu Grade ka dhacniinka ah ee ay Wasaarada Waxbarashadu ula bacdey D-da barakeysan ee ay u-qeybisey D- iyo D+ arintani waxay daaha ka qaadeysaa dayacaada ay xukuumadu dayacdey tayentii waxbarashadii dugsiyadii sare ee dawalada ee ay iyadu xukuumad ahaa ay ka masuuulka aheyd ee sadexdaa Gobol ee aan kor ku-xusey oo maanta ummaddu wada dareentey in waxbarashada ardeyda goboladaasi ay aad uga hooseeyaan kheyrkood oo ah ardeyda Gobolada kale ee Somaliland. kuwaas oo dhamaantood aan haweysaneyn in ay helaan sanadkan deeqaha waxbarasho (schollarships) ee debeda iyo ta wadanka gudihiisiba waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkani uu shacabkii Somaliland u-cadeey in 3232-kii macalin ee ay xukuumadu sheegtey in ay soo kordhisey in aaney iyagana si cadaalad ah aaney Gobolada dalka ugu qaybin in kasta oo ay Macalimiintu ay wada-noqdeen Waraabe-u-taag aan ardeydii waxba ku soo kordhin markii xukuumadii ku fashilantey in ay baahidooda daboosho oo ay Macalimiinta guneyso si ay ardeyda ugu hagar baxaa. Waxaa kale oo iyana waalidiintii caruurta dhigata dugsiyada sare ee dawalada ka yaabisey garaafka baaxada leh ee hoos-u-dhaca ah ee ku habsadey waxbarashadii D/sare ee dawlada, taas oo marka lays bar-bar dhigo gradekii ay sanadkii hore ardeydu heshay iyo ka sanadkan maanta ah ay heshey waxaa la isku wada raacey in uu sanadkani uu aad uga sii hooseeyo gradhyadii ardeydu heshey sanadkii hore." Waana arin Yaab iyo lama Filaan ah " oo u-baahan in baadhis lagu sameeyo si aaney arintani dib-ugu dhicin ardeyda dhigata dugsiyada dawlada, Waalidiintooda badan ee caruurtu u-dhigato dugsiyda dawladana uu wer-werka badani uga yaraado. Hadaba Su'aashu waxay tahay Xukuumadu maxey Dayacdey?? , Waase xagee meesha ay sartu-ka qudhuntey ?? Sowtii tidhi xukuumadu waxaanu soo kordhiney 3232 oo macalin oo hor leh! sowtii xukuumadu tidhi ,waxaanu helney deeqihii abid ugu badneyd ee soo marta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee S/land!, sowtii warbaahinta kaga hadaaqeysey korodhkii ardeyda iyo tayadii waxbarashaduba in ay kor u-kaceen 143% ! , Sowtii kal-hore cadeysey in ay deeqihii waxbarshadu u-bilaabmeen W. waxbarashada October 2012. xagee ayey wax ka qaldan yihiin?? Waxaa hadaba khaldamey arimahan hoose: - Xukuumadu waxay ka dhego adeygtey oo dhegeysan weydey baahiyihii Waxbarasho ee ay iyadu masuulka ka aheyd ee jirey Gobolada dalka - Xukuumadii Waxay Seegtey in ay kor-meerto oo ay iyadu cagaheeda ku tagto Dugsiya Bariga fog ee cabashooyinka iyo baahiyaha badani is-barkadeen. Xukuumadu waxay si cadaalad ah u-qeybin weydey agabkii,Gaadiidkii, mushaharkii iyo Gunadii macalimiinta,Taas oo Dugsiyadii sare ee dawladu qaar noqdeen xero geel ardeyda waqtiga lagaga lumiyo markii ay waayeen maareyn iyo maamul dawladeed oo la taaban karo iyo macalimiintii oo guno la'aan iyo niyad jab ku danbeeyey kadib markii la taba-bari-waayey,la-dhiiri-gelin waayey, la-dalacsiin-waayey ee la-guneyn-waayey ee loo xaq-soori-waayey - Xukuumadu waxay bilowdey sanadkii hore oo ay ku-guuleysatey in ardey badan oo dhacdey ay marxabeysiiso si aaney u-fashilmin oo ay qiiqa isugu qariso oo aan suu'lo looga weydiin adreydaa badan ee imtixaanada ku dhacey waxaana ay hir-gelisey in Gradekii ugu badnaa ee ardeydu heshey oo ahaa Grade kii D-da oo markii horeba hooseeyey oo dhacniin iska ahaa ayey laba u-sii qeybisey oo ay tidhi waanu barakeyneynaa oo waxaanu ka-dhigney D- iyo D+ oo labadunba noqonaayaa paas barakeysan. arintaa ay xukuumadu ay yoolka ka dhigatey waa mid-khalad ah oo dhiig-bax ah. in halkii lagaga fekeri-lahaa in ardeyga aqoontiisa kor loo qaado oo uu u-noqdo paaska ugu hooseeya ardeydu Grade C ayey Xukuumadii ay ardeydii Gradekii dhacniinka ahaa ay u-sii sariftey oo ay tidhi waanu isaga barakeyneynaa haatan " Arintan waa in xukuumada wax laga weydiiyaa oo lagala xisaab-tamaa " mana aha wax- Waalidiinta dan-yarta ah u-cuntamaaya oo u-dha-dhamaya. Hadaba Muwaadinow waxaan tusaale u yar u-soo qaadanayaa Xaq-darada ka jirta gobolka Saaxil iyo baahiyaha waxbarasho ee is-barkan ee ka taagan guud ahaan gobolada bariga Somaliland. bal-aynu is-yara dul-taagno Gobolka Saaxil inteynaan gaadhinba gobolada bariga fog . Gobolka Saaxil oo ah Gobolka ugu dhaqaalaha badan S/land, Gobolka Haba ee Mas-ruufa Xukuumada S/land, ayaa xukuumadani ay dheg-jalaq u-siinweydey baahiyaha is-barkan ee kajira waxbarashda gobolkaa oo ah Gobolka ugu cimilada kulul S/land oo ay macalimiintiisu xaq-u-lahaayeen in guno joogto ay ka helaan xukuumada laakiin ay macalimiintii ku-hungoobeen xukuumadii iyo wasaaradeedii waxbarashada. Gobolka Saaxil oo ah Gobol balaadhan oo ka kooban 6 degmo iyo 100 tuulo waxaa ku yaala 4 dugsi sare oo keliya halka ay Somaliland Guud ahaan ay ku yaalaan 80-Dugsi oo sare oo ah kuwa dawladu gacanta ku hayso.waxaa ku yaala, 4-out off 80 dugsi Sare- Taasina waxay cid-walaba oo leh maskax caafimaad qabta ay u-xaqiijineysaa oo u-cadeyneysaa Xaq-darada Gobolkaa Saaxil waxbarashadiisa ka jirta. Gobolkani isaga oo horeba u-xaqirnaa hadana xukuumada kulmiye kamuu helin xaqii uu kaga lahaa 166 iskuul ee dawladu ay sheegatey in ay dhistey sadexdii sanadood ee ina soo dhaafey, Waxaana ay Gobolkan Xukuumadu Dhagax dhigtey dhowr school oo aaney ilaa hada waxba ka soo naaso cadeyn oo noqonayaa "Qawda maqashii waxna haw-qaban".Nasiin Daro Gobolkii Saaxil wuxuu noqdey Gobolka sanadkasta ugu waxbarashada xun, Gobolka ugu dhacniinka badan hadii ay noqoto dugsi sare iyo mid dhexeba.Imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkana wuxuu ka mid yahay Gobolada ugu Grade hooseeya ee ugu liita marka la isku cel-celiyo Gradekii ay ardeydu ay kala heleen sanadkan.Arintani waxay Bar-madow iyo Weji-gabax ku tahay Xukuumada iyo Wasaaradeeda arintan uga masuulka ah. Bal-hadaba Muwaadinow hadii Gobolkii ugu dhaqaalaha badnaa S/land ay maanta Xukuumadii sidaa u-xaqirto maxaad u-maleyneysaa Gobolkii Sool-na ?? Waxaa Xukuumada iyo Wasaarada waxbarshada looga fadhiyaa sidii ay dib-ugu soo kasban lahayd Quluubtii iyo dareenkii ardeydii tirada badneyd ee Gradeyada hoose ee D- ah keeney imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan iyo waalidiintood oo aan filanyn in ay ku tacab khasaarayaan u-badkoodii ay ku soo tabceen mudada dheer ee ay ku aamineen iskuuladii dawlada iyo gacantii dawlada. Guntii iyo Geba-gebadii: Siyaasada guracan ee bar-baradka iyo is-bar-bar-yaaca ah ee Xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii, karaamadii iyo Quruxdii Dawladnimo.Waxay xukuumadini baa'biisey Masiirkii iyo Nidaamkii dawladnimo ee aynu jeexaney ee ku soo caano maalney.Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay Eexda, wax-isdaba marinta iyo musuq-maasuqa ka deyso aqoonta oo u-hiiliso da'yarta Saboolka ah ee dhigata iskuulada Dawlada ee Xukuumadu masuulka ka tahay.Waa in ay la timaadaa xukuumadu barnaamijyo lagu tayeeyo waxbarashada Dawlada si aaney ummaddu u-noqon laba dabaqadood oo aad u-kala dheereeyey ardeyda dugsiyada dawladuna ay schollarshipska uga qeyb-qaataan oo u-yeeshaan aqoontii ay ku-baasi lahaayeen imtixaanada Shahaadiga ah iyo kuwa schollarshipkaba. Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw) Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq Qalinkii A/rahman Fidhinle Intensive ED BD PA United Kingdom London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured