Master aan loo tabacin iyo dadka manta lagu maamuse..!!!!!

0
Monday September 16, 2013 - 19:30:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Master aan loo tabacin iyo dadka manta lagu maamuse..!!!!!

    Ku-xigeen dul-saar ihi hadduu, saha daweynaayo Siciid iyo Shan-diinlaan ogaa, siday ahaayeene; Istarliini socon waa wixii, suudhadh loo tolaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-xigeen dul-saar ihi hadduu, saha daweynaayo Siciid iyo Shan-diinlaan ogaa, siday ahaayeene; Istarliini socon waa wixii, suudhadh loo tolaye

Anna Cali samaan kagama helin, madax-salaaxiiye.( Abwaan Gaariye)

Waxaan qalinka u qaateye in aan ka hadalo dhaqan aad inoogu cusub oo imika loo isticmaalo sidii jaamacadda ah dalka sumcadda loogu sameyey lahaa oo dadka xilka haya manta xukuumadda manta taladda hayesa lagu dhiiri galinayo taas raga qaarkood marka inventions markaa loo geeyo lagu balan qaado in isagan sumacadda loo sameynayo jaamacadda ayey sumacadda u tahaye waxaan kaga hadli doona jaamacadihii bilaabey honorable degree iyo wax yaabaha ayey ku xulaan marka ayey bixinayaan shahaadda noocan oo kale ah.

Tartanka indho la,aanta ah ee ay ku jiraan jaamacaddaha dalku waxa uu gaadhaye meel biro ma geydo ah, meel sharaf iyo qiimo ugu fadhida aradyda jamacadda dhiganaya ka dibada ka jooga meel astaan u ah in lagu kala saaro faraska dheereyey iyo midka orodka gaabashey,wada garte ayaa filayaa halkan u han iyo dig leyahaye waa shahadda ama cadaynta aqooneedka la gudoonsinayoardayga si buuxda uga so baxay shuruudaha la jideeyey in shahadaasi lagu qaato

Caalamka waxa ka jirta nooc shahado oo la idhaahado shahaado sharafeed “honorable certificate” ama degree honoris cause” taas oo lagu talo galay in lagu maamuso xubno taariikh waxbarasho oo sugan leh.

Garo oo waa shahaadooyinka ay malmahan bixiyan qaar ka mid ah jamacadaha dalku ,hadaba waxaa isweydiin mudan shahaadada noocasi ah oo kale ah yaa bixiya? Gooram ayey bilaamatay ? sideese loo bixiya? Halkeese ayey lagu xusi karaa taariikhada qofka qaatey?

jamacada ku taal mareykanka ee HAVARD UNIVERSITY ayaa ahayd jaamacadii ibo furaha shahaada sharafeedka waxanay markii ugu horeysay tariikhada gudoonsiisaye Puritan Clergyman sanadku markuu ahaa 1652 sidoo kale, jamacada OXFERD UNIVERSITY ayaa iyaduna ku dooda in ay iyadu ahayd tii uguhoreysay ee bixisa shahada noocan oo kale ah sanadkii 1470kii iyadoo ay sidasi hadana shahadani anay mid u dhiganta shahadada la gudoonsiyo ardayga si toos ah u soo dhameysta waxbarashadisa sharciyen laguma xusi taariikhda qofka ‘personal cv” laguma soo dari karo tirade shahada aqooned ee u qofku haysto.

Madaama ay jamacadaha dalkeenu hada bilaaben waxa lama huraan ah in bulshada loo iftiimiyo dhacadooyinkii jamcadaha calamka ka soo maray shahadooyinka ay bixiyeen iyo samaynta ay ku yeelatey sumcada jaamcadahaasi.

Ka hore se aan dhawar line ku soo kobo cida loo cayimaye in shahaado sharafeedka la guddoonsiyo

Shahaadada waxaa qaadan kara qofka kasta oo bulshada ka tisan sida Aqoon yahane, jilaal ,ciyaartoye,siyaasi,dhaqan yaqaan iyo culimada diinta.

Isla markaan leh taariikh waxbarasho oo sugan waxaan ka mid ah shuruudaha qofka la siinayo shahaaadada waa in aanu ka jiren kiis maxkamadeed,in aanu ka qayb qaadan dagaalo sokeeye,cunsuriyadeed iyo dhac hanta umadeed.

Intaasi hadaye tahay qaar ka mid ah shuruudaha aasaasiga u ahaa ee lagu xidho qofks la gudoonsinayo shaahadada aan in yar ka duk istaago dhacadooyinkii caalamiga ah ee muranku ka dhashay April 2009 jamacada la idhaa ARIZONA UNIVERSITY ayaa diiday in ay shahaado sharafeed gudoonsiiso madaxweynaha meraykan ka Barrack Obama iyadoo ku sababayay in uu sugnayn sooyaalkii waxbarasho ee hore.

2001 jaamacada la idhaa YALE UNIVERSITY ayaa shahaado sharafeed gudoonsiisaye madaxweynihii hore ee mareykanka Geoge W Bush xagaas oo hore uga qaline jabiyey waxaase arinkaa sikeentay in kuliyado iyo aradey badan ay ku mudaharaadan jamacada isla markan ay mamunuucan ka qayb galka xafalada

Jamacada la idhaa EDINBURGH UNIVERSITY ayaa iyaduna gudoonsisaye madaxweynaha wadan Zimbabwe Robert Mugabe waxa se markii dambe la mamunacaye shahadadasi markii lagu soo eedayey in u geystey xasuuq ba,animo isl markaana u ka qayb qaatey dagaalkii sokeeye ee dalkaasi iyo waliba in dalku u galayey xalad dhaqaale xumo intuu dalka xukumayey tii ugu xumayad abdi.

Hadaba hadii xaalku sidaa yahay inaguna manta ku ayanu ka war hayeno hirdanka siyaasaded ee dalka iyo baratanka jaamcadaha ka dhexeeya ee doonay in ayey kasbadan dadka caanka ka ah Somaliland ,bulshada soomaliduna can ku tahay in ay kolaba wax sikaga daydaan, jaamacadaha is ereyan waxaa la gudboon in aaney eegan title-ka uu leeyahaye masulku ay shahadada siinayan balse eegan taariikhdiisi hore, mid dhaqan iyo diineed waayo waxaa suuro gala ah in ayey shahaado gudoonsiiyan nin imika masharaxa siyaasadda ku cusub oo aan waligii ri gees ka ridine, laakin shan sano ka hore wax kale ahaa ama aan la aqoon.

Arrinkan waa inuu noqodaa mid ka weyn qacinta iyo xoxodashada cida xafaladda idin kala so qayb galaysa ,wa in aydaan jidayn in siyaasiga loo geeyo warqadda casuumada “invitation card’ iyo shahado wada socoda oo la idhaa mudane anagana noo kaaley aan PHD ku siineee!!!!

Qalinkii: khadar maxamed cumar

Khadar_aar@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured