Siilaanyo Xiligii SNM Marka ay Caqabadi Ka Hor Timaado Wuxuu U Carari Jiray London,Maantana Waxay ahayd In Uu Soo Xaliyo Khilaafka Xariirad,Tegi Taankiisa Oodweynana Waa Cudurka Kaa Gala Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo

0
Monday September 16, 2013 - 10:16:32 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo Xiligii SNM Marka ay Caqabadi Ka Hor Timaado Wuxuu U Carari Jiray London,Maantana Waxay ahayd In Uu Soo Xaliyo Khilaafka Xariirad,Tegi Taankiisa Oodweynana Waa Cudurka Kaa Gala Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo

    Qofkasta oo bini aadam ihi wuxuu leeyahay dabeecad ama hab uu isku dayo in uu ku maareeyo wixii dhibaao ah ee ka hor yimaada qofkaasi ha ahaado qof masuul ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkasta oo bini aadam ihi wuxuu leeyahay dabeecad ama hab uu isku dayo in uu ku maareeyo wixii dhibaao ah ee ka hor yimaada qofkaasi ha ahaado qof masuul ah,
Qofkasta oo bini aadam ihi wuxuu leeyahay dabeecad ama hab uu isku dayo in uu ku maareeyo wixii dhibaao ah ee ka hor yimaada qofkaasi ha ahaado qof masuul ah, oo umad xil u haya ama ha ahaado qof caadi ah,ragga soomaalida qaar kood waxay dabeecad u leeyihiin marka ay ka hor timado caqabad ku saabsan mustaq balkiisa nololeed in uu qaad ama jaad badan cuno ama uu maan dooriye kaleba isticmaalo si uu isku ilawsiiyo mushkilada hortiisa taala.
Waxaana hubaal ah in talaabadasi uu qofkaasi qaaday aanay dawo u ahayn dhibaataddii meesha taalay tusaalehana waxaan idinku soo qaaday qof kasta oo masuul ah, oo ay umadi xil u dhiibato marka ay caqabadi ka hor timaado hadii meeshii ay dhibaatadu ka taagneyd ee uu isagu madaxda u ahaa ka idnho qarsado oo uu u cararo dalka kale ama dalka uu madaxweynaha ka yahay marba meesha aysan wax dhibaato ahi ka jirin uu yidhaahdo waxaan ku tegayaa kormeer ninkaasi wuxuu la mid yahay ninkasi aynu soo sheegnay ee naftiisa ku raali gelinaya maandooriye uu isticmaalo si uu indhaha uga qarsada dhibaatada hortiisa taala ,ee isaga laga sugayo in uu wax ka qabto.
Hadaba saaxiibayaal maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda nimaad taqano waad la joogtaa siilaanyo wuxuu ahaan jiray gudoomiyihii SNM markasta oo ay caabadi ka hor timadadana wuxuu u carari jiray oo uu tegi jiray magaalada london ee cariga ingiriiska.
Tusaale ahaan bisahii march ee 1988-kii waxay labadii madaxweyne ee somaliya iyo itoobiya ku kale saxeexdeen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti heshiis saameyn xun ama taban ku yeesdhay jabhadii SNM ee uu gudoomiayaha ka ahaa siilaanyo, jabhadii SNM waxaa khasab ku nqotay inay mudo kooban kaga guurto ama kaga baxdo guud ahaanba dalka itoobiya oo dhan, albaabka kaliya ee markaa SNM u furnaana wuxuu ahaa in ciidamada SNM ay soo beegsadaan magaalooyinka waaweyn ee somaliland sida Burco,Hargeysa iyo BERBERA, iyagoo ku dhawaaqaya guul ama geeri ,iyadoo ciidmadii SNM ee burco soo galay 27/05/1988-kii uu hogaaminayay Mujaahid Axmed Mire Ciidamadii snm ee Hargeysa soo galay 31/05/1988-kii uu hogaaminayay Mujaahid Ibraahim dhagaweyne .
Hadaba akhristow maalintaa siilaanyo wuxuu ahaa gudoomiyihii SNM ee maalintaa ma noqday oday ciidmadii SNM la dhex joogay talo iyo tusaale ileyn isagu in uu xabad rido cidiba kama sugeyne, mise ciidamadii SNM wuu ka cararay markii ay xabadu qaraxday.
Maah maah soomalaiyeedbaa jirta oo tidhaahda dadku wuu dhintaa taariikhduna way hadha.Maal muhuna kala tilmaamane maalintaasi iyo maalmo badan oo ka horeeyey oo ay caqabado ka hor yimaadeen jabhadii SNM siilaanyo wuxuu u carary London, kan yar ee yidhaahda Kaaraa I jiidhayna meel uu taariikhda SNM kaga jiro lama hayo.
Taariikhdasi hore hadeynu halkaasi kaga soo gudubnana siilaanyo intii uu nqoday madaxweyneaha somaliland mar kasta oo ay caqabad siyaasadeed ka hor timaado wuxuu u carara oo uu yidhaahdaa fasax ayaan ku soo qaadanaya london tusale ahan kalshaale markii uu dagaalku ka bilaamay ,markii ay taagneyd mashaqadii ceel bardaale,magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaagna ay laba beelood badhtamaha magaalada ay isku adeegsadeen hubka waaaweyn noocyadiisa kale duwan,dhacdooyinkan oo xiliyo kala duwan dhacay siilaanyo mar walba marka ay mid ka mid ahi dhibnaatooyinka aynu soo sheegnay ay dhacdo sidii xiligii SNM ayuu dalka ka baxa,waxaanay ahayd hadii isagoo safar dibadeed ku maqan ay dhibaatooyinkaasi oo kale dhacan u uu booqashadiisa soo gaabiyo oo uu deg deg u soo laabto.
Inta badana booqashadan uu siilaanyo ku tago gobolada dalku maaha kuw macno badan xanbaarsan ama hore loo sii qorsheeyey tusaale ahaan habeenkii ay taariikhdu ahayd 30/09/2011-kii waxay ahayd habeenkii uu siilaanyo saqdii dhexe ka hadlay warbaahinta maxaliga ah iyo ta caalamiga ah labadaba ee uu yidhi UF UF UF ,arintaasi waxay sababatay in isal subaxnimadiiba galay socdaal ama safar aan hore loo sii qorsheyn oo uu ku tegay dhawr gobol ,iyadoo ujeedadii laga lahaana ay ahayd in fool xumadan siilaanyo afkiisa ka soo yeedhay dadweynaha lagaga mashquuliyo oo ay u hadal hayaan todobaadkaasi gudihiisa safarka madaxweyanaha waxaanu siilaanyo siilaanyo subaxaasi safarkiisa ka bilaabay magaalada baligubadle ,kadibana wuxuu soo maray magaalooyinka berbera,burco iyo oodweyne.
Hadaba safarkan uu siilaanyo ugu baxay gobolada bari maaha kuwo hore loo sii qorsheeyey ee waxaa sababay mushkilada siyaasadeed ee maanta hor taaala oo wax umada lagu qanciyo oo loo sheegi karaa aysan jirin hadii ay tahay shirkadii baadhista shidaalka ee general energy ee gobolada bari shidaalka ka baadhaysay ee dalka ka baxday iyo sababta shirkadaha dayuuradaha ee ay itoobiyaan Airline ka mid tahay ay u diideen inay isticmaalaan dhabaha dayuuradaha ee madaarka cigaal international airport ,ujeedada kaliya ee laga leeyahay safarkan uu hada siilaanyo ku tegay burco,berbera iyo oodweyne ay tahay in halkii dadweyanuhu ay ka hadal hayn lahaayeen dhibaatooyinka jira loogu bedelo hadal haynta safarka siilaanyo oo kaliya.
Siiyaad bare wuxuu booqasho ku tegi jiray magaalooyinka ay dhibaatooyinku ka jireen siilaanyna wuxuu booqashooyinkiisa ku eekeeyaa magaalooyin nabad ah, waxayna dadka intiisa badani ku doodayan siilaanyo wuxuu u haysta marka uu oodweyne tago in uu soo xaliyey khilaafkii XARIIRAD,marka la eego dadka an la dooran ee ay u gacan gashay talada dalku sida ay wax umaamulaana waxaa lagu macneyn kara Cudurka kaa gala fardaha hadii laag gubo dameer dawada lama gaadhayo qof go?ay iyo roob galbeed midkoodna haduu galbado gadaal uma soo noqdo.
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured