Saxaafad Xor Sheegata iyo Xukuumadda Oo Isku Milmay: Maye Tafatirayaashii iyo gudoomiyayaashii Wargysaydii Jamhuuriya iyo Saxansaxo?

0
Saturday September 14, 2013 - 11:58:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafad Xor Sheegata iyo Xukuumadda Oo Isku Milmay: Maye Tafatirayaashii iyo gudoomiyayaashii Wargysaydii Jamhuuriya iyo Saxansaxo?

    Xukuumad kasta oo madmadawgeedu badan yahay ama leh iimo culus oo aan shacbiga ka qarsoomeyn, waxa caado u ah inay xoog dul dhigto sidii ay u aamusiin lahayd warbaahinta xorta ah, si aan ceebaheedu bannaanka ugu soo wada bixin, si intii karaankeeda a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumad kasta oo madmadawgeedu badan yahay ama leh iimo culus oo aan shacbiga ka qarsoomeyn, waxa caado u ah inay xoog dul dhigto sidii ay u aamusiin lahayd warbaahinta xorta ah, si aan ceebaheedu bannaanka ugu soo wada bixin, si intii karaankeeda ah ay u aas-aasto ceebaheeda. Ka hor Xukuumaddan waxa Somaliland ka jiray Saxaafad madaxbannaan oo ai kasta Xukuumad kasta oo madmadawgeedu badan yahay ama leh iimo culus oo aan shacbiga ka qarsoomeyn, waxa caado u ah inay xoog dul dhigto sidii ay u aamusiin lahayd warbaahinta xorta ah, si aan ceebaheedu bannaanka ugu soo wada bixin, si intii karaankeeda ah ay u aas-aasto ceebaheeda. Ka hor Xukuumaddan waxa Somaliland ka jiray Saxaafad madaxbannaan oo ai kasta oo ay isku dayaan Xukuumadihii tan ka horreeyey, in dabool adag ka saaraan dadweynaha fadaeexadahooda maamul iyo siyaasadeeba aanay u meel mari jirin siday rabaan, waayo waxa jiray Warbaahin ka xor ahayd faragelinta Xukuumadda, taasoo daba geli jirtay, isla markaana dibedda usoo saari jiray wixii laga qarinayey dadka oo xaq dastuuri ah u leh inay helaan war sugan, si ay ugu go’aan qaataan.

Haddaba maanta xaalku sidii hore dhinaca Warbaahinta iyo dhinacyo kaleba wax weyn ayaa iska beddelay, kadib markay Xukuumadda Axmad Siilaanyo xilal u magacawday mulkiilayaashii Saxaafadda xorta qaarkood, sidoo kalena kuwa kalena oo u furtay ilo dhaqaale oo ay ka gunnayso, kuwaas oo laf ahaantoodu si toos ah ugu xidhan Madaxtooyada, had iyo goorna u taagan difaaca ku dhisan danaha gaar ahaaneed, kana fog runta, isla markaana ka madhan xogo dhab ahaan loo aamini karo.
Si aan runta biyo kama dhibcaanka ah idiin taabsiino, waxanu marka hore idiin soo hormarinaynaa Mulkiilayaasha Warbaahintii madaxabannaaneed ee qaarkood xilalka loo magacaabay, waxana kow ka ah raggii lahaa Wargeyska ugu da’da weyn Wargeysyada, waa Wargeyska Jamhuuriya oo midna loo magacaabay Agaasime Guud [Faysal Cali Sheekh] kii kalena loo dhiibay jagada Xoghayaha Guud ee Xisbal Xaakinka Kulmiye oo ah Xasan Siciid Yuusuf. Wargeyska Saxansaxo oo uu leeyahay Cabdillaahi Maxamad Daahir[Cukuse] oo markii hore laga dhigay Wasiir ku-xigeen, ayaa dhawaan loo dallacsiiyey hanashada jagada Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka si uu tirade kooban ee weli ku dhegan madaxbannaanidooda uu usoo mustafeeyo, hadday ku gacan saydhaan mu’aamaraad kale kaga saaro saaxadda. Sidoo kale Wargeyska Foore oo uu lahaa Xasan Cabdi Madar, ayaa isna loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada. Waxa isna jira Wargeyska la yidhaa Waaheen oo isna si toos ah ugu xidhan Wasiirka Maaliyadda, kaasoo isagu qaabilsan inuu xasaradeeyo hadba ciddii kasoo horjeeda kooxda sida Maafiyada u shaqeysa ee afduubka ku haysta Maamulka dalka, ahna kuwa loo tiriyo qallooca galay nidaamkii maamul ee dalka. Intaa waxa soo raaca Wargeyska Haatuf oo isagu si toos ah ugu xidhan Madaxtooyada, kana mid ahaa Suxufiyiintii horseedka ka ahaa ee u ololaynayey in la laalo xeerka Saxaafadda ee uu hore u saxeexay Madaxweyne Rayaale, isla markaana ay ansixiyeen Baarlamanku, kaasoo ay doonayaan in lagu beddelo mid lagu xakameeyo Saxaafadda oo ay Xukuumadda Axmad Siilaanyo dabada ka riixaysay tan iyo markay la wareegeen talada dalka.
Wargeysyada inta soo hadhay oo aad ui tiro yari waxay noqdeen kuwa gacanta loola tagay oo loo adeegsaday rag hubeysan oo ka mid ah Booliska dalka si ay u khaarajiyaan Wargeysyada ay Madaxdooda sare ka dhego adeegaan nidaamka cusub ee dhinaca Warbaahinta ee ah ama na raac ama waad naga soo horjeedaa. Tusaale waxa innoogu filanWargeyska Huba oo markii Allaha weyni ka baajiyey falkii khaarajinta ahaa ee loo soo qorsheeyey 23kii Abriil,2013, haddana albaabada loo xidhay Wargeyskii,iyadoo aan wax garawshiiyo ah ama baadhis ah lagu sameyn weerarkii qaawanaa ee rag ka tirsan Ciidanka Boolisku kusoo qaadeen, iyagoo afka iyo indhahaba soo xidhay. Wargeyska Hubaal oo aan ilaa hadda kiiskii dilka ahaa ee laga galay la soo hadal qaadain, ayaa sida muuqata aan weli laga hadhin hadday ka faraha kala bixi waayaan soo bandhigga fadeexadaha baahsan ee hadheeyey Xukuumadda talada dalka hoggaamisa. Waxa isna cagajugleyn,cabsi gelin loo adeegsado dad gaar ah oo waxyeeleeya Mulkiilaha iyo xadhigba lagu hayaa Mulkiilaha Wargeyska YOOL. Dagaalka kale ee ku socda Wargeysyadan far ku tiriska ah ee diiday inay madiidin u noqdaan Xukuumadda, waxa kow ka ah ka dhinaca dhaqaalaha sida iibka iyo xayeysiiska oo Xukuumaddu dhinaceeda ka saartay xayiraad, marka laga reebo hay’ado kooban oo Madxtooyadu ka mid tahay. Waxa kale oo ay Xukuumaddani gaadhay heer ay xabsiga dhigto qof kasta oo ra’yigiisa si xor ah u cabbira, kuna soo bandhiga Warbaahinta kooban ee aan weli ku dhex milmin Xukuumadda, waxana tusaale innoogu filan aqoonyahan Jaamac oo loo jaray 4 sanno oo xadhig ah iyo milyan shillin Somaliland oo ganaax ah.
Xaaladda Warbaahineed markay heerkaa marayso, miyaan la odhan Karin waa tallaabo fajac iyo amkaag leh oo u baahan, in gurmad hor leh oo degdeg ah loo galo, si aan dalka iyo dadku u gaadhin heer uu sida dhulgariirka oo kale mar kaliya innagu qarxo ama sida lagu yaqaan ee ka dhacday dalalka Carabtaba uu sidoodii oo kale dusheena ka curto gu’goodii oo kale. Cabudhinta Saxaafadda waxa u sabab ah, gundhigna u ah hal shay oo iska muuqda oo la xidhiidha awoodda maamul ee hoggaaminta dalka oo ciiro gees walba ka qarisay, taasoo soo hadal qaadkeeda iyo falanqeynteeda laga hortagayo, si kastoo suurtagal ku noqonaysana looga ilaalinayo Warbaahinta iyadoo geesta kalena Golayaashii xaq u lahaa inay daaha ka rogaan fadaeexadan maamul, ayaa iyagana jeebka loogu ritay siyaabo kala geddisan oo ay ka mid yihiin muddo kordhin sharci darro ah oo Xukuumaddu u sameyso, iyaguna ansaxsadaan iyo dhaameelka oo si hagar la’aana loogu daadiyo mar kasta oo Xukuumaddu ka ansaxsanayso xeer ka hor imanaya Dastuurka Qaranka sida waxa lagu sheego xeerka nabadsugidda.
Waxa hadda la gaadhay waqtigii loo wada guntan lahaa sidii kooxda hororka ah ee aan lexjeclada ka lahayn dadka iyo dalka toona looga qaban lahaa, si markaa kadib aan u wada saxno wixii innaga wada khaldamay, iyadoo mar la raacayo waxa aan ku wada heshiinay ee uu dhigayo Dastuurka Qaranku.

Saalax Xuseen Xasan





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured