Wasiir Cukuse Door Intee le’eg Ayuu ku Lahaa Baahinta Warkii Faddeexada Madaarka

0
Saturday September 14, 2013 - 11:50:42 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Door Intee le’eg Ayuu ku Lahaa Baahinta Warkii Faddeexada Madaarka

    Hargeysa(xogreebnews.com-Warar iyo Xogo kala duwan oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyey kusoo dhacayey Shabakada Qarannews, ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu lug-weyn ku lahaa hindisaha iyo abaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Warar iyo Xogo kala duwan oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyey kusoo dhacayey Shabakada Qarannews, ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu lug-weyn ku lahaa hindisaha iyo abaabulka qorshaha war ka baxay Telefishanka Horn Cable TV, kaasoo lagu naqdiyayey dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa(xogreebnews.com-Warar iyo Xogo kala duwan oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyey kusoo dhacayey Shabakada Qarannews, ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu lug-weyn ku lahaa hindisaha iyo abaabulka qorshaha war ka baxay Telefishanka Horn Cable TV, kaasoo lagu naqdiyayey dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa iyo asbaabaha Ethiopian Airlines ku kelifay inay joojiyo duulimaadyadii Diyaaradaheedu ku iman jireen Garoomada Somaliland.

Xogaha ku saabsan ku lug lahaanshaha Wasiir Cukuse ee baahinta warkaas oo isugu jira kuwo laga helay dhinaca Isgaadhsiinta iyo Sawiro muujinaya kulamo gaar ah oo dhex-maray Weriyihii warka isku soo duba-riday [Maxamed-ilig) iyo Md. Cukuse, waxa kaloo weheliya warar tilmaamaya qorshaha iyo ujeedada dhabta ah ee laga lahaa faafinta warkaas Madaarka iyo Shirkada Ethiopian Airlines.
Sida ku cad xogaha iyo wararkaas, waxa fulinta qorshahaasu salka ku hayey sidii fadeexad iyo sumcad dilis loogu sameyn lahaa Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Cirka. Inkastoo qaybo ka mid ah xoguhu iftiimiyeen in hindisaha hawl-galkani aanu ahayn mid ku eg Wasiir Cukuse, hadana waxay xaqiijinayaan in Md. Cukuse uu fure u ahaa hirgelinta baahinta warkaas iyo isku duba-ridka dhismaha warka.
Waxa kaloo, wararka amuurtan la xidhiidha daaha-ka-rogeen in Wasiirka Warfaafintu markii warku baxay, kadib uu kulan Qado-sharaf ah Weriye ilig ugu sameeyey Casan-balac Hotel oo ku yaal nawaaxiga Hoteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Geesta kale, sida xogaha iyo wararka ka muuqata waxa Wasiirka Warfaafintu ka hawl-galay qorshe weji kale leh oo ku saabsan in jawaab laga bixiyo warkii la baahiyey. Sidaa awgeed, Wasiir Cukuse waxa uu mar labaad xidhiidh la sameeyey Weriyihii suurtageliyey baahinta warka hore, iyadoo sidoo kalena la tilmaamay in hirgelinta wejiga labaad uu Wasiir Cukuse ku bixiyey lacag dhan $5000(Shan Kun oo Doolar).
Dhanka kale, waxa wararku xuseen in baahinta habeenimadii Jimcaha 12/09/2013 ee TV-ga Horn Cable, gaar ahaan warkii 8-da lagu soo daray war kii hore lid ku ah oo ka hadlaya bilaw ilaa dhamaad hawlihii dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa, hakadka Ethiopian Airlines, hadal Wasiirka Warfaafintu ku difaacayey fadeexadaha arimahan iyo waraysi laga qaaday Duuliye waday mid ka mid ah Diyaaradaha Ethiopian Airlines. Warkan dambe ee laga baahiyey Horn Cable TV, waxa codeeyey Weriye caan ah oo ka tirsan Telefishanka Qaranka.
cource qarannews.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured