Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo Heshiis wada gaadhay

0
Saturday September 14, 2013 - 11:42:54 in Featured by Super Admin
  • Visits: 2368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo Heshiis wada gaadhay

    Hargeysa(xogreebnews.com- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe iyo Musharaxa jagada Madaxweynanimo ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo beryahanba Xisbigooda uu ka dhex ucidtaagnaa khilaaf ayaa la sheegay in ay si rasmi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe iyo Musharaxa jagada Madaxweynanimo ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo beryahanba Xisbigooda uu ka dhex ucidtaagnaa khilaaf ayaa la sheegay in ay si rasmi ah isaga Hargeysa(xogreebnews.com- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe iyo Musharaxa jagada Madaxweynanimo ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo beryahanba Xisbigooda uu ka dhex ucidtaagnaa khilaaf ayaa la sheegay in ay si rasmi ah isaga arkeen isla markaana Heshiis ka gaadheen qoddobadii sababay in laba Garab oo kala taageersani Warbaahinta iska weerareen.
Feysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ayaa la sheegay in labadii maalmood ee u danbeeyay la isaga dab qaadayay isla markaana lagu hawlanaa sidii la isku soo hor fadhiisiin lahaa, waxaanu dedaalkaasi ku dhamaaday markii danbe in si toos ah la isku soo hor fadhiisiiyo oo ay ka wadahadlaan khilaafkooda isla markaana Daweeyaan.

Si rasmi ah looma oga labada Siyaasi wixii ay isku hayeen waxa uu ahaa iyo waxa ay ku heshiiyeen toona balse waxa la sheegay in dad is-xil qaamay oo dhex dhexaadin ka galay labada Dhinac ay ku qanciyeen in ay soo af-jaraan khilaafkooda, kaasoo Waaheen Xogta ku heshay in ay isla qaateen waan waanta laga dhex sameeyay.
Khilaafka labada masuul ee ugu sareeya oo ku soo beegmay xilli Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu ku hayo Xukuumadda talada haysa ayaa dad badan shaki galisay, waxaanay u arkeen in arrintani daciifin doonto Xisbiga oo looga fadhiyay in uu ka soo kabto khilaafkii hore uga dhex dhacay Guddoomiyaha WADANI iyo Feysal Cali Waraabe kaasoo gaadhay Xukun Maxkamadeed, halka garabka UCID ee Jamaal mid ka mid ahi Warbaahinta mariyay hadal u eeg khilaafkaas hore oo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured