Canbareyn ku socota shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline

0
Friday September 13, 2013 - 19:00:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canbareyn ku socota shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline

    Canbareyn ku socota shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Canbareyn ku socota shirkada dayuuradaha ee Itoobiyan Airline Aniga oo ku hadlaya afka gudida qurbojooga ee ictiraaf raadinta soomaliland (GQIS) inaanu hawada u soo marinayno canbareeyn
Aad u culus shirkada diyaarada ee Itoobiyan airline sida foosha
Xun ee ay ula dhaqan tay macmiisheeda reer soomaliland, iyadoo
Aan wax war galin ah siinin dadkii ku qorna diyarada oo ka war helay uun markii ay yimadeen Hargeysa airport in diyaaradii jirin
Taas oo ku noqotay amakaag rakaabkii ay itoobiya airline keentay
Dalka xaqna logu le yahay in ay qaado oo ay celiso.

Dalka soomaliland haddii amaan daro ka jiri lahayd wa halkeeda lakiin waxaad mooda in arimo kale oo siyaasadeed ka danbeysay
Joojinta ay joojisay duulimadadii ay itoobiya airline ku imanaysay soomaliland.
Hadaba sida xeerarka internationalki qaban wa in rakaabkaas bila sababta u waayey diyaaradii ay raaci wayeen waxa masuul ka ah shirkada itoobiya airline in ila inta ay dib u bilaabayso ay siisa magdhow qof kasta oo haystay tigidhkiisi soo noqodka ahaa
Qofkasta wuxu xaq ugu le yahay in ay shirkadu ka bixiso hotel jiif iyo cuntadiisa.
In dadkii diyaradaha kale ee America soo aadayey ee connectionka ka lumisay ay magdhow siiso.
Xukumada somalilanda gaar ahaan wasarada duulista waxa ku dhalecenayaa in ay ka seexatay wajibadkii ka saarna dhoofayaasha, wasarada oo ka gabisay inay war saxsan dadka u so gudbiso,wasarada oo aan cadeyn waxa ay ka yeeli doonto shirkada itoobiya airline khasaaraha iyo sumcad xumada ay dalka soo gadhsiisay. Waxan so jeedin laha in wasiirka wasarada duulista iyo hawada xilka laga xayuubiyo madama uu ku fashilmay hawlo badan oo qaranku u igmaday oo ay ka mid ahayd
Airportka dhismihiisi oo kharashka ku baxay iyo hadalada iska kala hor imanaya ee uu saxafada u gudbiyey tan iyo intii u bilowday dib u dhiska airportka Hargeysa.
Xukumadana waxan ka codsanaya in aanay u adeegsan muwadiniinta bananbaxaya ee xaqooda raadsanaya ciidamada RRu ee logu talo galay shaqooyinka gaarka ah.
Asalamu calaykum
Gudomiya gudida qurbojooga ee ictiraafradinta
Cabdirizaq afqaraf
Abdi1988@hotmail.com
Copenhagen,denmark





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured