Genel Energy waxay Dalka uga baxaday Amni Daro!!!!!!!! By Maxamuud Askar

0
Wednesday September 11, 2013 - 20:57:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Genel Energy waxay Dalka uga baxaday Amni Daro!!!!!!!! By Maxamuud Askar

    Waxaa labbadii maalmood ee la soo dhaafey aad uga dhex guuxayey ra`ayi caamka bulshaweynta reer Somaliland ,maqaaxiyaha iyo goobaha lagu kulmana ka socdey dooda shirkda shiidalka ee dalka ka baxdey ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa labbadii maalmood ee la soo dhaafey aad uga dhex guuxayey ra`ayi caamka bulshaweynta reer Somaliland ,maqaaxiyaha iyo goobaha lagu kulmana ka socdey dooda shirkda shiidalka ee dalka ka baxdey , Shirkadan oo waday sahaminta shiidalka deeganada barriga Somaliland oo ka baxaday dalka ,iyo is waydiinta sababaha keenaya iney joojiso shaqaddi sahaminta shidaalka taaso u muuqata mid gabi ahaanba ka laabtey dalka , iyadoo aan dawladuna wax jawaaba ka bixin kabixida shirkada genel energy,shirkada genel energy ayaa markii u horeesay shaacisay in sababo amni daro awgeeda shaqdii u joojiyeen sahaminta Shidaal-baadhista ee ay ka waday deegannada gobalada barigga dalka Jamhuurayadda somaliland.

Genel Energy : Shirrkada genel energy waxay ka hawul gasha wadamo faro badan oo caaalmka ku yaala sida Somaliland ,Ethiopia, morocco,gobalka Kurdida Ciraaq oo ah meesha ugu balaadhan ee ay ka shaqeyso ,turkiya ,Malta , C?te d´Ivoire(efrikoos).
Shirkada Genel Energy ayaa heeshiis la gashay xukuumada Somaliland august 2012 ,waxaaney shaqada bilowday November 2012 .
Shirkadan maaha ta qudhe ee maalgalineysa mashruuca sahaminta shidaalka balse waxaa jira shirkaddo la wadaaga maalgashiga ,mashruuca sahminta Oodweyne genel energy waxay leedahay 50% ,Jacka Resources 30%,Petrosoma 20%.waxaaney baadhis iyo sahmin ku sameynayaa dhul masaafadiisu tahay 22,000 square Km .
Dhinaca gobalka togdheer shirkaddan waxaa la wadaaga mashruuca baadhista shiidalka 25% shirkadda (East Africa Resource Group)halka genel energy leedahay 75% ,hawlaha shidaal baadhista waxaa togdheer laga sahminaya dhul dhan 18,300 square km.waxaa intaa u raaca iney u madax banaantey qeybta shaqaalaha .
Intaa aan kaga soo laabano Maalgashiga shirrkada genel energy oo si wada jira uga diwaangashan dalalka Ingriiska iyo Turkiga ,eeynu diirada saarno dhanka Xukuumada Somaliland ee heeshiska la gashey shirkadan ,suaalo na aynbu iska waydiino,Maxaa shirrkada sahaminta dhul lagu qiyaasey 40,300 square km ka wadey Hawlaha sahaminta shidaal-baadhistu u joojisay shaqaadeedi ?Maxaa Keenay In si dhibyar lagu soo galo dalka Hadana Looga Baxo ?Masuuliyada yey saarantahay haddi-ba mashruucani fadhiid noqodo?
Su`aalahas iyo kuwa kale ba waxey kadhex guuxayaan Masakaxada Muwaadinka U Haqanaqal taageyay hir-galka hawshan iyo mustqabalka shaqe ee ka soo baxayey mashruucan ,Ididiilada dhalinyarta aqoonyahanka iyo cidkastoo danaysa Horumarka iyo Kobaca dhaqaale dalkan.
Balse aynu si fudud uga jawaabno ,waa ta kowaadde xukuumadda Somaliland maalintii ay heshiiska la gashay shirkadan hawalaha shidaalka sahankiisa u tafaxaydatey ee genel energy waxaa sidda saxaafada ku warqabto heshiis la saxeexday wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland kaaso heshiiskaasi ka qabsoomey Xurnta shirkada ee London ,waxaa sidoo kale markale shirrkadan booqday xafiiskeeda magaalada Ankara Madaxweyne siilanyo safarkiisi kowaad ee ku tagay dalaka turkiga .shirkadii iyada oon heshiiskeedi la horgeyn Golaha wakiilada ,sharci iyo xeer mid toona loo sameyn ayey si yaroo fudud u so gashey dalka hawleheedina hore ?ka bilaabatey taasina waxey keenta iska horimaad dhanka bulshada deeganka ku nooleyd ,kuwaaso ku andacoonayey iney waayeen saamigi shaqaalaha ay ku laahaayen ka deegan ahaan
Waa ta labbad xukuumaddu waxay ka adkaan kari weyday sugida amniga soodaha laga wado sahminta taaso shirkada genel energy sheegtay in amni daro uga baxaday dalka islamarkaan si kadis ah u joojisay shaqadii ay ka waday gobaladda Barigga Somaliland iyadoon sheegin mudada ay shaqada ka maq-naanayso halka u wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade axadii golaha wakiilada u sheegay inaaney jirin sababo amni daro oo ay shirkadaasi wadanka uga baxdey .
balse Taasi maaha is difaacid wasiire mar haddi shirkadii sheegtay iney xukuumadu maareyn kari waydey dadka deeganka ee raba Qeybtii ay ku lahaayen shaqaalaha sahaminta ,mana aha Cudurdaar iyo Afmiisharnimo waayo Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Ka Macadanta iyo Biyuhu waxay Safar ugu baxeen sidii shirkada ay ula kulmi lahaayen xafiiskeeda London .
Maxaa Xala ?
Arrimaha noocan oo kala ah markey dhacaan waxaa lamahuraan ah in tallo laga gaadho sidii aaney tano kale dib u dhici laheyn waxaan ugu muhiimsan in la yidhaa waar nimanyahow maxaa inagga qaldamey maxeyn kaga hortagi karnaa ,sideen wax u fullin karnaa ,xukuumada waxaa la gudboon in la baro Muwaadinka waxey tahey Wadaniyadu Waana ta lagaga gudbi karo Qabiilaysiga iyo Maxaa Iga caba hadaan naheyn reer hebel ,oo la tuso la tilmaamo la garab istaago sidii ay bulshadu u qaadan laheyn Mabda Wadaniyadda iyo sharcigga iyo kala danbeynta ,Tusaala ahaan Haddi Qof keeno dhower kun oo geed oo la yidha aynu iskaga beerno dhincayada wadooyinka ka baxa magaaloyinka ,judhii-ba waxa budka iyo hangoolka la soo boodaya waardiyaasha dhulka iyo inta ka dhow wadaada ,,,,Kuye ?Maxaa igu jirra Geedahan ?.
Si aynu u noqono qaran ugana gudubno qabiil waa in xukuumada qorshe cad la timaado oo ay si cadaalad ah ugu qeybiso wixii kheyraad ah ee dalku leeyahey kana fogaato eexda ,garabiysiga iyo qaraabo kiilka .
Ugu danbeyntii waxaan qoraalkeyega ku soo afmeeraya ummadi waxay horumar ku gaadha ka fogaanshaha Maamul xumada iyo ajanda la`aanta kala xadeynta waxaa u xaq u leeyahey muwaadinku iyo waxaa xaq loogu leeyahey isaga, taasina waa ta kaliye ee dalkan iyo dadkan lagu kala maareyn karo haddii intaa ay garan weydu waa ayaandaro iyo wajgabax aan laga gudbi Karin.
Maxamuud Askar
Moaskar@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured