Heerka Fashilka Xukuumada Siilaanyo Wuxuu Gaadhay Inay Shirkadihii Shidaalku Amni Daro Awgeed Ka Baxaan Dalka,In Madaarkii 2 sanno Xidhnaa Diyaaradihii Soo Fadhiisan Waayaan iyo Xirsi Oo Cashuurtii Kordhiyey.

0
Wednesday September 11, 2013 - 20:50:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heerka Fashilka Xukuumada Siilaanyo Wuxuu Gaadhay Inay Shirkadihii Shidaalku Amni Daro Awgeed Ka Baxaan Dalka,In Madaarkii 2 sanno Xidhnaa Diyaaradihii Soo Fadhiisan Waayaan iyo Xirsi Oo Cashuurtii Kordhiyey.

    Qormadii 1 aad: xukuumad kasta oo la doortaa waxay ku fashilnantaa ama ku guuleysataa hadba sida ay dalka u hogaamiso ee ay shacabkeeda u hagto , hadaba iyadoo mudadii la doortay xukuumada siilaanyo ay ka hadhsan tahay hal sanno iyo badh ayaa waxaa m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1 aad: xukuumad kasta oo la doortaa waxay ku fashilnantaa ama ku guuleysataa hadba sida ay dalka u hogaamiso ee ay shacabkeeda u hagto , hadaba iyadoo mudadii la doortay xukuumada siilaanyo ay ka hadhsan tahay hal sanno iyo badh ayaa waxaa muuqta in fashil weynu ku dhacay hogaamintii madaxweyne siilaanyo mudadaasi uu xilka hayay, hadaba iyadoo aan la soo koobi karin fashilka xukuumada siilaanyo ayaynu ka soo qaadan karnaa qodobadan hoos ku xusan.
1: mudado ayay shacabka reer somaliland ka dhul sugayeen in mar uu la soo saari doono shidaalka la sheegay in uu somaliland ku jiro, iyadoo wasaarada macdanta iyo tamartu keentay dhawr shirkadood oo ay heshiis qarsoodi ah la gashay oo aysan golaha wakiilada waxba kala socon nooca heshiiska uu wasiirka macdanta iyo taamrtu la galay shirkadahaasi,hadaba mushkilada ugu weyn ayaa ah musuq -maasuq weyn oo uu ku talaabsaday wasiirka macdanta iyo tamarta oo al sheegay in uu xafiisyo qarsoodi ah ka furtay dalka ustareeliya halkaasi oo uu ku dilaalo soo saarista macdanta iyo tamarta somaliland ,iyadoo uusan wasiirkaasi cidna waxba iskaga tirinay, waxase ka sii daran markii uu wasiirku sifo qabyaaladeed shirkadii shidaalka soo saaraysay u geeyey deegaanada uu ka soo jeedo ayay taasi sababtay in dadkaasi oo markay shacabka reer somaliland iskugu faanayaan dawlad yaqanka ku tilmaamaan dad dhawaan soo galay dawlada ama dhawaan barad ah dawlada oo weli wax ka dhiman yihiin fahamka dawlada markaa loo baahan yahay in shidaalka laga qodo gobolada Awdal.Maroodi jeex,Saaxil iyo galbeedka burco, iyadoo aad moodo in kaftankaasi rumoobay markii fariimo digniin ah ugu hannabeen dadka deegaanadaasi shidaalka laga soo saarayay ee bariga burco shaqaalihii iyo madaxdii shiradaha shidaalka taasina ay khasabtay in si deg deg ah dalka uga baxaan shirkadahaasi.

2: madaarka hargeysa oo mudo 3 sanno ah xidhnaa ayaa dadka lagu maaweelin jiray in la balaadhiyey garoonak diyaaradaha ee magaalada hargeysa oo wixii ka danbeeya furitaanka madaarka ay diyaaradaha waaweyn ay soo fadhiisanayaan sida diyaarada caalamiga ah ee Ethoipian Airline, iyadoo ay cadaatay inay arintaasi been ahayd oo aysan waxba ka jirin warka beenta ah ee shacabka loo sheegay, waxana dhacday in diyaaradii Ethoipian airline sheegtay in aysan diyaaradoodu soo fashiisan kari oo taayirada diyaaradu dhaawac soo gaadhayo hadii ku sii soocto soo fadhiisiga madaarka hargeysa, waxaana dhacday in saaka wasiirka duulista la raaciyay wasiirka arimaha gudaha oo loo diray itoobiya si loo soo ladqabeeyo diyaarada Ethoipian Airline, inkasta oo la filayo inay ku soo guuldaraystaa madaama oo markii hore wiixi loo sheegay uu ahaa been aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna dadka ka faalooda arimaha madaraadu sheegayaan in wasiirka duulistu sida uu doono ka yeelay 13 milyan oo doolar oo dawlada kuweyd ku bixisay dhisida madaarka hargeysa ,oo hadana aan waxba lagu darin halka waxoogaa la dhal dhalaaliyay madaarka, arintaasina waxay waji gabax ku tahay balanqaadkii umada loo sheegay.
3: shalay ayay ahayd markii wasiirka madaxtooyadu golaha wakiilada ku war geliyey inay uu cashuurta ku kordhiyay xoolaha laga dhoofiyo dekeda berbera iyo wixii ganacsatadu kala soo degayso dekeda berbera, waxayan dadkii warkaasi dhegeystay la yaabeen wasiirka madaxtooyada ee arin kasta oo ka jirta dalka isagu ka hadlaayo hadii ay tahay ciidamada,waxbarashada,caafimaadka,beeraha,gaancsiga,biyaha,kaluumasyiga iyo wax kasta oo ku saabsan arimaha dawlada.
hadaba isku soo wada duuduboo waxay umada somaliland la yaaban yihiin madaxweynihii la doortay oo wax qabadkiisu soo faadhi laayahay shahaado gudoonsiin Ardayda ka qalin jabisa Jaamacadaha,dhagax dhiga xarumaha wasaaradaha loo dhisayo, waxayna dad badan oo reer somaliland ahi aaminsan yihiin in siilaanyo waqtigan la joogo noqday oday aan waxba qaban karin oo isagu u baahan xanaano, madaaba oo tan iyo markii la doortay umada somaliland uusan ka qancin waxqabadkii laga doonayay waxana jirta in uusan siilaanyo maalin kaliya uusan qaban shir jaraa´id oo ay wariyayaashu su´aalo ku weydiiyaan, waxana jirta in siilaanyo laga ilaaliyo inay wariyayaashu su´aalo weydiiyaan sababta oo ah wuu isku dhex yaacayaa oo waxaa la sheegay in uusan waxba kala socon marxalada uu dalku marayo sidaasi awgeedna looga ilaaliyo su´aalaah wariyayaasha madaama oo laga baqayo in uu umada horteeda ku fashilmo.
shacabka reer somaliland ayaa la rumaysan yahay inay tixgelinayaa mudada uu sharciga iyo dastuurka somaliland u jideeyey in uu dalka hogaamiyo waayo hadii kale waxaa dhacaysa in la yidhaahdo kol hadii uusan talin karin siilaanyo waa xil lagu soo rogaa waxa loo yaqaabo (impeachment) oo ah maamuus ka xayuubin, basle waxaa laga shakisan yahay in qoladan madasha wada tashigu doonayaan inay ka doodaan umada horteeda xaalada uu ku sugan yahay siilaanyo iyo in uu sii wadi karo talada dalka iyo in loo baahan yahay in xilka laga qaado madaama oo uusan wadi karin hogaaminta dalka.
la soco
Qore: Faadumo Axmed Nuur
Email:faadumo324@gmail.com
Hargeysa/Somalilan
d


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured