SHAQO LA,AANTA KU SOO KOR-DHAYSA, KIRISH BOOYADA/musacidiinta BAS BILAA KIRAASH BOOYA.

1
Wednesday September 11, 2013 - 20:46:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHAQO LA,AANTA KU SOO KOR-DHAYSA, KIRISH BOOYADA/musacidiinta BAS BILAA KIRAASH BOOYA.

    SHAQO LA,AANTA KU SOO KOR-DHAYSA, KIRISH BOOYADA/musacidiinta BAS BILAA KIRAASH BOOYA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHAQO LA,AANTA KU SOO KOR-DHAYSA, KIRISH BOOYADA/musacidiinta BAS BILAA KIRAASH BOOYA. Inankaasi waxa uu u adeegi jiray BASKA , waxaana la siin jiray lacag yare ,oo u dhiganta inta wuu maalintaa shaqadiisu tahay.
Waligaaa ma fuushay BUS BILAA KIRISH BOOYA?
Waa qaalib inta badan in aad fuushid BUS BILAA KIRISH BOOYA hadii aad hargeisa manta joogtid Waqtiyadii hore intabadan ama alaaba BUSASKA rakaab sada ee u kala dhex goosha magalooyinka dhex dooda , waxay ka xaysan jireen ama u shaqayn jiray oo lacagta rakaabka ka ururin jiray inan lagu magacaabo KIRISH BOOY ama MUSAACID.

Inankaasi waxa uu u adeegi jiray BASKA , waxaana la siin jiray lacag yare ,oo u dhiganta inta wuu maalintaa shaqadiisu tahay.
Shaqadiisu waxa ay u kala bixi jirtay dhawr qaybood oo ah .
1. mid in wuu daryeelo oo maydho ama wixii xumaada ka badalo baska
2. iyo in wuu lacagta ka uruuriyo rakaabka kolba soo fuula, si ayna u dhicin in lacagta lagala dago ama lagala baxsado.
3. Dhinaca kale waxa wuu u ahaa ilaaliye joogtaa ah , oo inta badan ninka baska iska leh waa uu iskaga tagaa oo waxa sii ilaaliya kirish booyga/musaacidka.
Waa wiil la socon jiray BASASKA oo dhan , isna waxa ay u ahaan jirtay shaqo abuur oo waxa wuu ka heli jiray inta wuu noloshiisa ku dabaraayo malintaas, waxaa laga yabaa in wuu malintaas uu qaato 15000sh/s.
Dakhliga wuu malintaas ka helo shaqadaas waxa uu ku dabari jiray badhna naftiisa inta kalena waxa wuu siin jiray qoyskiisa, madaama lagayaababa in uu reer dhan u shaqeeyo oo masuul ka yahay.
Laakiin su,aasha taagini waxa weeyi waligaa ma raacday BAS bilaa KIRISH BOOYA?
BASAS LAYAASHII waxa ay bilaabeen in ay iska dayaan KIRISH BOOYADII iyaga oo sabab uga dhigaaya shidaalkii ayaa naqu qaaliyoobay(more costly of fuel), oo suurta gal ma noqon karto in wuu kirish boy ka shaqeeyo baskii madaama ay xataa yaradeen intii fursadood ee la bixi jiray.
Ku darsoo, shicibkii raaci jiray BASASKA ayaa iyagana ku tageeray fikirkaa nimankii baslayaasha ahaa, waayo?
BASBAAD RAACAYSAA waxaa wuu odhanayaa ISKU SOO DARDARA?
Durtadiiba inanka ku ag fadhiyaa ama inanta ku ag fadhida ayaa ku odhanaysa walaal lacagtaadii keen adna waad u dhiibaysaa , safkiina oodhan ayaaba lacagtii isku daray ,safka ku xigaana wuu isku daray isna lacagtii ,ka ku xigaana sidaas, sidaas ,sidaas??????????????????.
haduu BAS CAASI yahay waxay odhanayaanaba waa 21000sh/s, waanay kuu dhantahay.
Haduu BASASKA waa wayn yahay ee loo yaqaan (SODONLE)., isna waxay o dhanayaan waa 45000sh/s waanay kuu dhantahay , HADALBA GAM.
Ma oga dadkani cidan ay shaqo tireen, ma oga dadkani in ay wiil yar oo kirish booy la odhan jiray meesha ka sareen oo ay soo kor dhiyeen shaqo la,aan AY GACANTOODA KU ABUUREEN (self-unemployment), ma oga in wiil yari ku soo ka lihi Jiray BASASKA oo intan shaqo iyo dakhli u ahaan jirtay.
AYAAN DARO SE, inankii yaraa ee KIRSH BOOYGA AHAA HALKUU MARAY, MAXAA U DANBAYN TALOW, MA XABAGTII IYO MUKHAADARAADKII AYUU KU DANBAYN, MA DIB JIR AYUU NOQON, MA GIDAARADA AYUU ISKA FADHIISAN MISE WAABA WUU TAHRIIBI.
ERAYGA ISKU SOO DAR-DARA DHIBAATADA WUU DHAQAALE AHAAN LEE YAHAY WAXA KA MIDA.
1. Dhibaatada kowaad waa shaqo la, aan ayuu soo kor dhiyay , aan u bixiyay (self-unemployment) madaama aynu inaku isku keenay.
2. Waxa wuu hoos u riday , heerkii dakhli ee dhalinta kirish booyada ( decreasing income of some teenage)
3. Eraygan isku soo dar-dara, waxa kaloo uu keenay, in dadkeenu abureen dhaqan taban, oo dhaawici kara ee heerkii shaqo iyo loo shaqeeye.
Dadkeenu waaa dad fiican oo dhaqan suuban leh, waa dad ay naxariistu ku badantahay, waa dad aminaadoodu ay tahay mid aad u saaraysa madaama wuu dhaqankoodii soo jireenka ahaa uu ahaa mid ku salaysan diintooda suuban iyo hido fiican.
Balse dhaqanada qaarkood ayaa dadkeena dib ugu noqda kuna yeesha saamayn taban.

Sida .
1. Isku soo dardara tana waxa ay keentay shaqo la,aan asiibtay musacidiintii gaadhiyaasha..
2. Baaqiga u soo noqda marka ay wax iib sanayaan, oo ay yidhaahdaan iska daa/hayso , taasna waxa ay dhaxal siisay in ganacsaduhu wuu sare u qaado qiimaha alaabtaas(price increase of commodity), joojiyayna baaqigii ka soo noqon jiray alaabooyinka qaarkood.
3. Waxa awl lagu baalashaysan jiray kabaha 200sh/s, hada lakiin BAALISHkii waxa uu marayaa 500sh/s, yaa gaadhsiiyay heerkaa?. Dadka ayaa sare u qaaday qiimaha baalashka, kadib markay diideen in ay qataan baaqiqi u soo noqon jiray.
Wiilkii BAALASHLAHA ahaana sare ayuu u qaaday qiimaha baalshka.
Sixir-bararka(inflation) qaarkii inaga ayaa isku keena, taasna waa MARAG MADOON.
M/M: SHAQO LA,AANTA HAYSATA KIRISH BOOYADA/MUSAACID.
W/Q: A/rahiim Mohamed Elmi(ina dhaga-dheere)
EAMIL: hirsi1994@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured