Sheekh Maxamuud Geelle May Ahayn In Loo Xidho Wasiir Xanaaqey Balse….! –

0
Tuesday April 02, 2013 - 08:18:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Maxamuud Geelle May Ahayn In Loo Xidho Wasiir Xanaaqey Balse….! –

    By Tahir hussein.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Tahir hussein.
Sheekh Maxamuud Geelle May Ahayn In Loo Xidho Wasiir Xanaaqey Balse….! –
bismillahi raxmaani raxiim, wa salaama caleyku wa raxmatullahi wa barkaatuWaxaan doonayaa in aan halkan fariin ugu gudbiyo, maxkamada iyo bahda garsoorka ood moodo in ay qofka xaquuqdiisa meel kaga dhacayaan ama ku xad gudbayaan, fariintaasi oo ah xadhiga Sheekh maxamuud geelle oo maxkamadu ku xukuntay xadhig aan sharci aheyn aanu’na mutaysan sababtoo ah waxa uu sheekhu sheegey waa in la baadhaa waayo waa laga yaabaa wasiirada hantidii ummada si xaaraana u cunaaya ee casuumadaha ku bixinaya, haduu yidhi xoolaha ummada yaan hudheelada, lagu faraqin ee dadka baahan ee muwaadaniinta ah ha la siiyo ma hadal xunbaa?,haduuse yidhi waxaa jira wasiiro xukumada ka tirsan oo ururo diimeedyo ka tirsan maxaa looga xanaaqey ileyn waa kii wasiir samaale lahaa waan ku faanaaye , ama waan ku dhaartaaye.


Waxaan fariinteyda u gudbinayaa Madaxweynaha somaliland iyo waliba gudoomiyaha maxkamda sare oon leeyahey maahan in aad shacabka u xidhaan wasiiro shaqadii loo direy ku fashilmey oo walibiyagu danbi , lunsi hanti dadweyne ku dhex jira una baahan in laftooda la baadho o la daba galo meesha ay xoolaha ummada ee hudheelada dadka bilaashka looga dhigaayo ka keeneen.

Waxanan leeyahey xukumada uu madaxweyne siilaanyo hogaamiyo laguuma dooran in wasiiro ama wasiir,cadhoodey oo waliba shaqadii loo diray garanwaayey maahan in aad culumada u xidhxidho ee waa in aad si dhaqso ah wadadka xoriyadiisa ugu soo celisaa/
Waad mahadsantahiin.
By Tahir hussein.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured