Mayor ka Magaalada Berbera oo Somliland uga Qayb galaya Shir Caalami ah ka Furmay Caasimada Kigali-RWANDA

0
Wednesday September 04, 2013 - 16:06:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayor ka Magaalada Berbera oo Somliland uga Qayb galaya Shir Caalami ah ka Furmay Caasimada Kigali-RWANDA

    Waxa shirkan marti galiyay wadanka Rwanda waxaana si wada jir ah u soo agaasimay European Commission

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa shirkan marti galiyay wadanka Rwanda waxaana si wada jir ah u soo agaasimay European Commission Duqa Magaalada Berbera CABDISHAKUUR MAXAMUD XASSAN ayaa ka qayb galaya shir caalami ah oo lagaga hadlaayo horumarinta magaalooyinka waawayn gaar ahaan sidii loo hurumarin lahaa qaybaha xaafadaha isku raranta ah. Shirkaas oo ka qabsoomaya caasimada Kigali ee Rwanda kana soo qayb galayaan ku dhawaad 80 wadan oo ku kala yaal qaaradaha adduunka. Shirkan ayaa looga dhigay hal-kudhigiisa (Horumarinta xaafadaha isku raranta ah iyo kor u qaadista adeegyada Bulshada).
Waxa shirkan marti galiyay wadanka Rwanda waxaana si wada jir ah u soo agaasimay

European Commission iyo ACP (African, Caribbean Pacific Group) waxaana shirkan laga filayaa in lagu lafo guro sidii loo horumarin lahaa dadka ku nool maagooliyinka si loo gaadho himilooyinka caalamku hiigsanayo ee loo yaqaan (Millennium Development Goals). Gaar ahaan qodobka 7aad Ensure environmental sustainability kaas oo ku aadan sidii loo heli lahaa Deegaan ku haboon nolosha Dadka hada adduunka ku dhaqan dhibna aan ku keenayn Jiillalka dambe.
Shikan waxa sidoo kale kaalin laxaad leh ka qaatay hay?adda UN-Habitat iyo wasaarada Kaabayaasha Assaasiga ah ee wadanka Rwanda, waxaana lagu qabtay Hotelka caanka ah ee SERENA HOTEL. Shirkani waxa uu daba socdaa kii 1aad ee ka horeeyay oo lagu qabtay Nairobi 2009. Waxaanu sidoo kale shirkani ii hirgalinayaa talo bixintii ka soo baxday Shirkii kal hore lagu qabtay Marocco kaas oo lagu tashaday in Baahida (Poverty) laga dhigo mid taariikh-da laga sheekaysto in ay jirtay (la cidhib-tiro) sannadka 2020. Shirka waxa ka soo qayb galaya ku dhawaad half madaxda caasimadaha wadamada African, Caribbean Pacific.
ABDIKADIR ABDILLAHI MIRE (NAJAX)
Kigali-RWANDA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured