Horomarka Ka Iftiimaya Madaarada Dalka iyo Dadaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxay Fariin Cad u tahay Dadka Neceb Horomarka Somaliland

0
Tuesday September 03, 2013 - 20:28:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horomarka Ka Iftiimaya Madaarada Dalka iyo Dadaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxay Fariin Cad u tahay Dadka Neceb Horomarka Somaliland

    Horomarka Ka Iftiimaya Madaarada Dalka iyo Dadaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxay Fariin Cad u tahay Dadka Neceb Horomarka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horomarka Ka Iftiimaya Madaarada Dalka iyo Dadaalka Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxay Fariin Cad u tahay Dadka Neceb Horomarka Somaliland Anigoo ah axmed carab waxaan halkan hambalayo uga dirayaa wasiir maxamuud xaashi cabdi wasiirka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka, oo 17 bishan ka jaray xadhiga madaarka caalamiga ah ee cigaal international airport, nina kama qarsoona in madaarka hargaysa sida wasiir maxamuud xaashi cabdi uga shaqeeyey inaan marnaba looga shaqayn, waxaa wasiir maxamuud xaashi u suurta galiyey inuu qabto waxaas oo horomar ah kartadiisa, dadaalkiisa iyo daacadnimadiisa,.


Waxyaalaha wasiir maxamuud xaashi cabdi lagu xasuusan doono oo uu wax ka qabtay bogiisa taarkheedna u gali doonta waxa ka mida 1) Runwayga madaarka hargaysa oo muddo 59 sano ah aan wax laga qabtay aanay jirin in maanta uu ka dhigay mid la tartama madaarada gobolka. 2) wasiir maxamud xaashi waxa uu sidoo kale wax wayn ka qabtay bilicada madaarada hargaysa iyo Barbara taas oo qofkii ka dhoofay ama ka soo dagay saddex sano ka hor maanta ay ishiisu macalin u noqonayso. 3) aminga madaaradu waxay ka mid yihiin meelaha laga qiimeeyo madaar caalami ah wasiir maxamuud wuxuu markii ugu horaysay keenay madaarada hargaysa iyo Barbara qalab casriya oo lagu baadho shandaha iyo dadka ka dhoofa madaarada iyo waliba shaqaalaha madaarada iyo cid kasta oo soo gasha madaarka waxay doonto ha u socotee. 4) waxaa kale oo wasiir maxamuud xaashi u suurta gashay in markii ugu horaysay madaarada dalka lagu rikibay camerado casriya oo ilaa laba kilometer wax ka arakay oo duubaya, kamaradahani waxay soo kordhiyeen oo ay kor u qaadeen heerka aminga iyo sumacada madaarada dalka taas oo keentay in ay soo jeetaan indhaha dadka horomarka jecel. 5) in la helo dab ku filan madaaradu waxay noqotay mid uu maxamuud xaashi ku guulaysto kana mid noqota horomarka maalinba maalinta ka danbaysa ku

soo kordhaya madaarada dalka, waxaa markii ugu horaysay laga hir galiyey madaarada hargaysa iyo Barbara dab dhaliyaal ku shaqaynaya hawada, taas oo lagaga kaaftoomay dabkii lacagta badan lagu bixin jiray ee marmarka qaarna go’i jiray taas oo lagaga raystay intii la hirgaliyey dab dhaliyahan. 6) ka hor taga tahariibta iyo shaqaalaysiinta dhalinyaradu waa mid wasiir maxamuud xaashi mar walba maskaxdiisa ka guuxaysa, wasiir maxamuud intii uu wasiirka ka ahaa wasaarada duulista hawada iyo gaadhiidka cirka waxa uu ku suntamay wasiirka ugu shaqaalaysiinta badan dhalinyarada isagoo mar walba u eega aqoontooda iyo kartidooda, taas oo keentay horomar aad u balaadhan.

Isku soo wada duuboo wasiir maxamuud wuxuu muujiyey dadaal iyo karti.

Dadka neceb horomarka waxaan leeyahay waxaa jawaab idiinku filan waxqabadka wasiirka ee ka dhex muuqda golaha wasiirada Somaliland.

By Axmed carab

Hargeisa Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured