Lacagtuu baan u joogsadaa!!! W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Monday September 02, 2013 - 10:38:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagtuu baan u joogsadaa!!! W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Waxa isu-eeg wejigiisa iyo shookaanta baabuurta uu wato madow awgii. Waxa isugu darsamay cibaado la’aan, balwad iyo maydhasho la’aan. Waana ta keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa isu-eeg wejigiisa iyo shookaanta baabuurta uu wato madow awgii. Waxa isugu darsamay cibaado la’aan, balwad iyo maydhasho la’aan. Waana ta keentay Waxa isu-eeg wejigiisa iyo shookaanta baabuurta uu wato madow awgii. Waxa isugu darsamay cibaado la’aan, balwad iyo maydhasho la’aan. Waana ta keentay in wejigiisa hadh ka sokeeyo. Labada indhood waa dhiig aad moodo neef la qalay. Nin agtiisa fadhiyey siduu u eegayey ayuu ku indho go’ay. Cod aad u sareeya ayaa xaga dambe ka yidhi” halkaa jooji”. Wuu iska socday, mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dheceen ayuu yidhi” yaa, ma cid baa degaysa?”


Ka dib qofkii oo xanaaqsan ayaa ku yidhi” waar maad dhego la’ dahay, imisa jeer ayaan kula hadlay”. Wuxuu ugu af-celiyey “ wakhtigan hadalka ma maqalo”. Muddo ka dib baabuurkii ayaa buuxsamay, ka dib markuu arkay inuu buuxsamay ayuu cod-dheer ku yidhi” lacagta isku soo dar-dara”. Dad daacad ah, oo is-xilqaamay ayaa iska soo ururiyey lacagtii baska.

Oo muxuu kiriskboy u soo kaxaysan waayey? Malaha duruufta ayaan u saamaxayn, mise wuxuu doonayaa inay lacagtu u kaydsanto? Maya, ma miskiinkan baska qoroqorada ah wata ayaa lacag kaydsan kara? Ileyn xaas iyo kiro ayuu ku jiraa markaa ma jirto lacag u kaydsani. Oo muxuu salaada u tukan waayey? Baslayaasha intooda badani ma tukadaan, oo maxay u tukan waayeen? Diinta, ilaahay iyo nebiga ayey caayaan oo weliba shaaga baska ayey ku kaadshaan. Markaa kuwaasi ayuu ka mid yahay.

Waan gartay laakiin muxuu u maydhan waayey? Ma haleelo, inta badan baska ayuu ka shaqeeyaa. Dhammaan hadaladaasi waxay ka mid ahaayeen qaar ka dhexguuxaya maanka dadka baska saaran. Markii baskii meel dhexe marayo ayuu u joogsaday saddex dhalinyaro ah, waanay istaageen, ileyn basku wuu buu buuxaaye. Markaasu yidhi” intiina taagan lacagta keena.” Mid ka mid ah ayaa ugu af-celiyey” markaanu fadhiisano, ayaanu bixin”. Hadana wuu istaagay, oo laba dumar ah ayuu u joogsaday inay baska soo fuulaan, isago saddex nin taagan yahay.Kuwii taagnaa ayaa ku qayliyey oo yidhi” waar soco saddex ayaa taagan”. Ka dib wuxuu ugu af-celiyey “ dumarka ha looga kaco”. Hadalkani naxariis kama aha, laakiin waa lacag badsi. Baska dhexdiisa waxa ka dhacay dood. Qaar ayaa yidhi” waa in looga kaco, oo weliba raggu uga kacaan”. Halka qaarna ay ku doodeen” maaha in looga kaco.

Waayo waa dhib waxa fiican inay baska dambe soo raacaan”. Halkaa iyadoo sheekadu marayso, ayey baladii dumarka ahaa ee basku u joogsaday tanaasuleen, oo yidhaaheen” iska soco”. Wadihii baska oo xanaaqsan ayaa yidhi” waar waa maxay dadkan dawakhsan ee dumarka diiday” nin ag-fadhiyey ayaa afka kaga booday oo yidhi” waar soco waad iimaan beeshee”.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured