Sacad Muusow Samaale Waa Waraabe- utaaga By Abdi Haji Ahmed

0
Sunday September 01, 2013 - 16:17:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacad Muusow Samaale Waa Waraabe- utaaga By Abdi Haji Ahmed

    Waar Sacad Muusow waarabe- utaaga iska jira oo garta shaxda ka dambeysa. Sacad MUusow nin meel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waar Sacad Muusow waarabe- utaaga iska jira oo garta shaxda ka dambeysa. Sacad MUusow nin meel Waar Sacad Muusow waarabe- utaaga iska jira oo garta shaxda ka dambeysa. Sacad MUusow nin meel jooga laguma heshiiyo in laga qaado, waxa lagu heshiiya in leys barbar taago oo la taageero.

Waxa beryahan saldhigi waayey shir Sacad Muuse ka waday degmada Agabar oo kolka tolku talo keenaba la geenaayey Madaxtooyada oo habeen badhka lagu naaqisho. Waxa subaxii la keena lacag iyo arrin ka fog danta reerka oo is barkan. Waxa loo daadiyaa lacagta oo shuuruda ku xidhani tahay inay qaataan talada uu soo jaray nin aan reerka ahyn bal se adeegsanaaya cidda uu adduunka u soo dhiibay.


Wuu ogyahay ninka adduunka loo soo dhiibay inay taladu ka timid cida aan reerka ahyn. Wuu ogyahay oo isaga ayaa hore loo iibsaday. Wuu ogyahay oo dan gaar ah oon dhaafsanayn adduun lacageed iyo mansab hoosaad ayuu dhaafsanayaa danta guud ee reerka iyo sharaftiisa.
Samaale wuu ogyahay inaanu u sharxnayn Madaxweynanimo,wuu ogyahay cida u sharaxan, isagu waxuu rabaa inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga oo loo soo magacaabay loona sheegay in hantida ummadda loo isticmaali doono siduu taas ku gaadho.
Waxa kolka taas lagu guuleysto xigeysa in si toos ah loo galo cidda noqonaysa murashaxa Madaxweynaha oon marnaba ahyn Samaale. Waxa laga soo wariyey Samaalena laga dareemey in Xirsi uu Madaxweyne Siilanyo ka dalbi doono inuu mar labaad is sharaxo. Haddii Madaxweynahu ka cudur daartana uu Xirsi ahaan is sharxi doono. Waana shaxda uu ciyaaraayo Samaale oon hankiisu dhaafsanayn reerka kla jabi si Xirsi fursad u helo.
Samaale wuu ku qanacsan yahay arrintan oo heshiis ayuu kula yahay Xirsi, waana tan ay ka socon weyday Shirka beeshu. Haddaba ayaan darrada reerka heysaa waa tan oo waxaad mooda in magacii iyo sharafti reerka la siistay adduun iyo casuumad maalmeed. Waa masiib reerka ku habsatay. Waana mid ay u horseedayaan ayaayo xumo tabata dhammaan reer Soomaliland.
Qaran jabka soo socda ee Xirsi loogu cumaamadaayo Madaxweynanimo waxa ka mas’uul ah oon cidi la wadaagin beesha Sacad Muuse oo waxa taariikhda u geli inay cuneen ninkii ilaa soddemeeye sano siyaasada u soo halgamaayey kaabadana u soo saarnaa Madaxnimada qaranka, iyagoo siistay jaad iyo qado. Waxa taariikhda u geli doonta inay keeneyn nin Soomaliland Wasiirnimadiisa ay arkeen. Xirsi marna si xalaal ah Madaxweyne ku noqon maayo, laakiin ma rabo si xalaal ah oo hadduu musharaxnimo ku guuleysto wuu huba inuu isticmaali doono diiwaangelinta farsameysan. WAxuuna si hawl yar is leeyahay xad codoka, waxaana ka dhaln kara burburka Soomaliland.
Haddaba Sacad Muuse waxuu heysta fursad uu ku baajiyo arrintan khatarka ku ah Qaranka. Waa hadday caqli aan quud raadis lahayn la yimaadaan, waa haddii ay diidaan dhaameelka xinjirta leh ee Saamaale hor wado, waa hadday ka damqadaan burburkooda iyo kan qaranka.
Waar Sacad Muusow waarabe- utaaga iska jira oo garta shaxda ka dambeysa. Sacad MUusow nin meel jooga laguma heshiiyo in laga qaado, waxa lagu heshiiya in leys barbar taago oo la taageero.
Madaxweyne, waan kuu duceeya in Alle ku tuso abalka Sacad Muuse kugu leeyahay ood ka deyso burburintooda iyo inaad iska garato dabinka uu kuu dhigaayo Wasiir Xirsi, iyo kaalinta uu ku jiro Wasiir Samaale. Iska jir inaad cimrigaga siyaasadeed ku sagootido magac xumo iyo taariikh madow
Abdi Haji Ahmed
hargeysawi@ymail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured