XASARADII LAGU MAAGAY XIRSI IYO XOGOGAALNIMADIISII Qaybtii: 1aad Qore:Abdirahmaan Hamud Omer Gubadle

0
Thursday August 29, 2013 - 12:06:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XASARADII LAGU MAAGAY XIRSI IYO XOGOGAALNIMADIISII Qaybtii: 1aad Qore:Abdirahmaan Hamud Omer Gubadle

    (Qof waliba waxa uu noqonayo, meesha uu tegayo iyo waxa uu cunayaba waa qadar Ilaahay. Sidaasi darteed qof walba nasiibkiisu waa wax qoran, aniguna ma qawadsani nasiibkayga).Waa hadalkii XIRSI CALI XAAJI XASSAN.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Qof waliba waxa uu noqonayo, meesha uu tegayo iyo waxa uu cunayaba waa qadar Ilaahay. Sidaasi darteed qof walba nasiibkiisu waa wax qoran, aniguna ma qawadsani nasiibkayga).Waa hadalkii XIRSI CALI XAAJI XASSAN. (Qof waliba waxa uu noqonayo, meesha uu tegayo iyo waxa uu cunayaba waa qadar Ilaahay. Sidaasi darteed qof walba nasiibkiisu waa wax qoran, aniguna ma qawadsani nasiibkayga).Waa hadalkii XIRSI CALI XAAJI XASSAN.

Sida malabka doocaan haddii la ii dudubinaayo
Doc aan uga wareegaba ficilo waan isku dayayaaye?
Deebaaq qadhaadh iyo anaa dacar magow siine?
Darandoori kay ugu dhacdoow dan iyo xeerkaaga

(Waa gabaygii Digniin ee Xirsi Cali)


Hordhac

Waxaa inta badan dhacda in Xirsi Cali la daba galo.dad badana la qaadsiiyey inuu yahay qof kibir badan, isla weyn, qabiil xil ku haya iyo inuu awood dheeriya leeyahay.

Anigayni waxaan ka mid ahaa dadka wararkaa qaatay laakiin markii aan cilmi baadhis sameeyey waxa ii cadaatay waxyaabo fara badan oo aad



kaga bogan doontaan qoraalkaygan.

Waxa aan inta badan soo qaatay cida uu yahay, shaqooyinkii uu soo qabtay, waxbarashadiisa iyo goortii uu siyaasada soo galay.Waxa kale oo aan qoraalkaygan kaga bogan doontaa xasaradihii kaga yimid masuuliyeen fara badan oo siyaasada iyo bulshadaba magac ku leh.

Qoraalkaygan waxa ku cad inta badan hadaladii Xirsi Cali iyo sidii uu u maareeyey xasaradihii lagu maagay.Oo aad in badan la kaashan doontaan maskaxdiina idinkoo is garabdhigaya ama qiimaynaya hadaladiisa.

Waxaan qoraalkaygan ku soo gunaanadi doonaa kalmadayda iyo maxaa ina haboon hadaynu nahay dhalinyarada inteena badan la khalday.

Hogaamin wanaagsan

Waa maxay hogaamin wanaagsan?

Dad badan ayaa aaminsan inay tahay hibo Eebe bixiyo, qaar kale ayaa aaminsan inay tahay xirfad la baran karo qaar kale ayaa aaminsan inay tahay u dhalasho.Laakiin xaqiiqdu waxay tahay Hagaamintu maaha u dhalasho ee waa la abuuri karaa.Sababtoo ah waa inaad samaysaa dadaal adag oo aad ku bixisaa wakhti, karti iyo caqli badan si aad u gaadho hadafka iyo ujeedada la doonayo.

Waxaana tusaale kuugu filan halyeeyadii madowga ahaa ee ay ka midka ahaayeen Nelson Mandela, Martin Luther King iyo Marxuun Cigaal AHUN Madaxweynihii hore ee Somaliland..



Hogaaminta wanaagsani waa xirfad awoodeed.Taasoo hogaamiyaha u saamaxda inuu dadkiisu heshiis kula galaan inay wax badan si tabaruc ah u qabsadaan.Iyaga oo ka raali noqda hogaamintiisa dhamaan qaybaha bulshadu.



Guulaha lagu gaadho hogaaminta wanaagsan waxa ugu mihiimsan kuwan:-

Awood aragtiyeed oo dheer.
Daacadnimo.
Go,aan adag.
Xukun wanaagsan.
Wax ka barashada Khaladkaaga.
Iimaan.
Qiimaynta soo jeedinta hadalkaaga.




Haddaba Mudane xirsi Cali x xassan waa wasiir dhalin yar oo sameeyey hogaamin fiican.Taa badalkeedana dad badan iyaga oo aan aqoon ayey kula coloobeen hogaamintiisa wanaagsan. Hadii ALLE inagu simo waxaan soo bandhigi doonaa hawl karkan la yimid maamul wanaag iyo sida uu u noqday qofka loogu hadal haynta badan yahay gayigeena Somaliland iyadoo ay joogaan siyaasiyiin 20kii sano ee ugu dambaysay caan ku ahaa arrimaha siyaasada.

Waxaynu isweydiin doonaa maxaa xirsi u saamaxay inuu halkan soo gaadho? Iyo su, aalo kale oo fara badan.



La soco qaybta labaad

abdirahmaanvip@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured