Qormadii 28-aad Waa tan Xukuumadeenii iyo intii aynu isla garaneyney ee shidhka ugu jirtey ee ehelka u-aheyd.

0
Wednesday August 28, 2013 - 16:34:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormadii 28-aad Waa tan Xukuumadeenii iyo intii aynu isla garaneyney ee shidhka ugu jirtey ee ehelka u-aheyd.

    Waa Qormooyinkeenii Dad-banaa ee Duur-xulka iyo Digniinta ahaa ee u-Quus-goynaayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qormooyinkeenii Dad-banaa ee Duur-xulka iyo Digniinta ahaa ee u-Quus-goynaayey Bilowgeenu Waa Bisinka Iyo Tabaariga- Waa Qormooyinkeenii taxanaha ahaa ee tusamada ahaa ee tusaaleynta ahaa ee turxaan-bixinta ahaa ee Dul-marka,iyo Duur-xulka ahaa ee Digniinta iyo Durniinka ahaa ee Qaawinaayey Xukuumadeena iyo hawl-wadeenkeeda qaarkood gaar-ahaan kuwa Qiyaameeyey Qaranka ee Qorsheystey Qandaraasyada Qarsoon iyo Qaabkii ay ku Qaadan lahaayeen ee ay ku Qeybsan lahaayeen Mancafacii, Maalkii, Moodkii, Magantii iyo Mooradii ummadda oo dhan ka dhaxeeyey.Waa Qormooyinkeenii Qeexaayey ee Qiraayey kuwa loo xan-baariyey xilalka aaney qaadi-kareyn ee aaney xaqa iyo xeerka u-laheyn ee aan hadana laheyn Hadafka cad,Hiyiga iyo Hilaada durugsan,Sahanka iyo Saadaasha dheer, Odoroska iyo Aragtida fog, ee

dawladnimada u-yaqaana Daas-nin leeyahay, kuwa findhicilka ah ee dabo-ka-nuuga ah ee dulinka ah ee mansabka ku shaqeysta ee ku-xoogsada ee u-soo tafaxaytey in ay wadanka ka dhaansadaan dhiilahooda gorofta ah ee aan laheyn car-tirka iyo cidaadka ee goostey in aaney ummadda u-dheelman,u-dhurin, u-dhididin u-dhafrin una-dhaamin.Waa Qormooyinkeenii Qalaxaayey ee Qoofalaayey kuwa kursiga ku-ugaadhsada ee shebekadaha iyo dabinada daadsadey baddaha ilaa beriga, D/hoose ilaa Howlaha Guud, Madaxtooyada ilaa iyo Dekeda, kuwaas oo wada noqdey dabo-kanaax dus-duska iyo luf-lufka ku naaxey oo ay ka go´an tahay in ay dha-dhamo dheecaan siistaan maa-daama ay dalqada indho-ku-leeyihiin xubnihii Xukuumada ee dabri lahaana ay lafo-toobin ku hayaan oo ay gacan wadaag togan la-leeyihiin

Waa Qormooyinkeenii Dad-banaa ee Duur-xulka iyo Digniinta ahaa ee u-Quus-goynaayey kuwa noqdey dha-dhan raaca iyo dhuuni raaca ee hadana noqdey hayb-raaca iyo isir-raaca ee dayacey hawlihii loo dhaariyey ee ay ummadda wakiilka uga ahaayeen.Waa qormooyinkeenii Qaawinaayey ee Duraayey kuwa Miliqsanaaya ee Miciyaha lisanaaya ee macal-cune-yaasha ah ee hadana Qal-dhabaaya ee Qaw-dhamaaya ee Madaxtooyada ku-Qamaa-maaya ee ku-weyraxaaya ee u-gadoodaaya sidii ay xoolihii ummadda ugu-sameysan lahaayeen xidaaro badan iyo xeedhooyin gunta´la. Waa qormooyinkeenii u-quus-goynaayey kuwa soo toshey kiishka dheer ee afkiisu taxan-yahay Dekeda Berbera dabadiisuna ku-taalo Xeyndaabka Madaxtooyada ilaa Xawaaladaha London "bal-waa yaabe, talow yaa buuxin karaaya! " Waa Qormooyinkeenii u-duur-xulaayey kuwa Halaan-halka nafta moodey markii Miisaaniyadii ay odoroseen ay yeelan weydey Tashiil, Taxliil iyo Turuq ee dhexroorkii, Dhextaalkii iyo Miisaankiiba ka lumey ee laga waayey Xaq-soor, Xishmad iyo Xisaabtan.Waa qormooyinkeenii qawla-leynaayey kuwa ku hadra hadalka turxaanta iyo tumaatida badan, hawraarta iyo tiraabta naxliga leh iyo kuwa ka haajirey hidihii iyo dhaqankeenii suubanaa ee warbaahinta kaga hugma ee kaga hadaaqa hadalada aan hilaabneyn ee aan hano qaadka aheyn ee aan marriimneyn ee aan murtida badan laheyn, kuwaas oo u-badan Caqli-gaabyo Cawaaniin iyo Caado qaateen wada ah oo sheegta Caaqilo laakiin hada Caagle-yaal la magac-baxey.Waa Qormoyinkeenii u-diraayey Digniinta Damiiniinta-Damiirlaawe-yaasha- Dulugle-yaasha ah ee Dilaaliinta ah ee Qalbiga ka lingaxan ee u- fududeeyey Qawleysatada in Qusum iyo Qoon lagu Qaybsado Hantidii Ma-guuraanka aheyd ee Ummadda u-dhaxeysey kuwaas oo iyaguna ku ma-may futeynta, fagista, fiiqsiga, fadhateysiga iyo ku-tagri-falka hantidii iyo asadkii ummaddan baahan ee debed-yaalka u-ah danta iyo dac-darada dabeecada aan saadaasha fiican laheyn.
Waxay xukuumadeenu noqotey xukuumad aan xaq-dhowr iyo xishood laheyn taas oo dugsi moodey xildhibaan, xeer-dejin iyo xeer-beegti is xan-baar ah oo xisbi-wada ah kuwaas oo xilalkii loo dhaariyey gudan-waayey oo xilguda-shadoodi isku xisaabin waayey oo isku kor-meeri waayey ileyn waa isku tiime. Waxaa Xukuumadeenu ay sii naaxisey oo ehel-u-noqdey qaybyaalad muruqeysatey oo miyigii lagu u-ogaa ay ka soo gudbisey oo magaalo soo gashey oo si-xun oo duluca furatey loo isticmaaley oo tusbax-furmey noqotey oo wadanka hafisey oo ku-fidey oo ku faaftey oo ilaa iyo sibirta/jifada hoose socotey.Waxaa Xukuumadeenu ku-fashilantey oo ay dayacdey xeerar wada qabyo ah oo aan la kabin, la bishlin, la-falkinin,la naaxin oo aan la dhameystirin ku waas oo lagu sii daayey oo looga faa´ideeyey gal-dalooladii xeerarkaa qabyada wada ahaa shaqsiyaad shirkado sheeganaaya iyo shirkado yar-yar oo gacan-ku-rimis ah oo aan bireysneyn maadaana aaney soo xalaaleyn kontaratyadooda hayadihii shaqada ku-lahaa oo baarlamaanku uu ugu horeeyo. Waxaa xeerarka sida xun loo baal-marey ka mid ah. Xeerka tamarta, Xeerarka Patrolka , Xeerarka Maal-gashiga iyo xeerarka kontaratyada shirkadaha Ajenebiga ah kuwaas oo wada qabyo ah oo loo baahnaa in kaabis iyo wax-ka-bedelis lagu wada sameeyo oo la dhameystiro intaan shirkadahaa aan hada bireysneyn aan la siin Qandaraasyadaa baaxada weyn leh.
Waxaa wax laga yaq-yaq-siyooda ah in markii ummaddu wara-dareentey Musuq-maasuqa iyo ku-tagri-falka Hantidii Maguuraanka aheyd ee ummadda u-dhaxeysey gaar ahaa sahaminta shidaalka oo si cadaan loogu fududeeyey oo loogu sadqeeyey shirkado gaar ah iyo shaqsiyaad shirkado sheeganaaya oo aan bireysneyn oo aan soo marin shuruucdii wadanka u-yaaley iyo baarlamaankii taas oo xubno fulinta xukuumada ka mid ahi ay fududeeyeen hawashan oo ay lunsadeen oo eegteen uun lacagta Dilaalnimada ah ee buuran ee iyaga gaar ahaan ugu jirta ayaa hantidii ummaddan baahan iyo shuruucdii yaraa ee inoo yaaley sidii la doono ay ka yeeshay Gacantii Xukuumada ee lagu aaminey ee loo dhaariyey waxaana tusaale kuugu filan musuq-maasuqaa cadaanka ah ee ummaddu wada aragtey lacagtii is-khilaafeysey ee ay war-baahinta la iska arko ay ka mariyeen dhawaan Wasiirka tamarta iyo Gudidii Golaha Wakiilada u-qaabilsanaa kheyraadka dabiiciga ah kuwaas oo iyaguna bishan bilowgeedii booqdey xafiiska Wasarada Tamarta ee Burco iyo Xafiiska Shirkadaha shidaalka ee Gobolka Tog-dheer.kuwaas oo iyana shaaciyey hadal iyo hawraar ku-fool-dhaqasho ah iyo xisaab mugdi iyo mad-madow badan huwan.Xukuumada Siilaanyo Waa mid ka aradey xaq-soorkii iyo Caadaaladii ay wax-ugu qaybin laheyd shacabkii soo doortey ee dirtey ee kursiga saarey ee ay Kitaabka Quraanka ah ugu dhaaratey. Sub-xaan Allah!





Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq

Qalinkii A/rahman Fidhinle

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured