Golaha wada tashiga iyo Siilaanyo:

0
Sunday August 25, 2013 - 07:51:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha wada tashiga iyo Siilaanyo:

    waxa mahad iska leh allaq2ha ii suurta gashay inaan wax yar oo kooban ka qoro arrin kusoo kordhay siyaasada Somaliland iyo guud ahaanba shacabka ku nool Somaliland taasi oo yar iyo weyn siyaasi iyo sheekh ay dhammaan afkooda ku hayaan iyaga oo markaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa mahad iska leh allaq2ha ii suurta gashay inaan wax yar oo kooban ka qoro arrin kusoo kordhay siyaasada Somaliland iyo guud ahaanba shacabka ku nool Somaliland taasi oo yar iyo weyn siyaasi iyo sheekh ay dhammaan afkooda ku hayaan iyaga oo markaa ka falanqoonaya arrinkan kusoo waxa mahad iska leh allaq2ha ii suurta gashay inaan wax yar oo kooban ka qoro arrin kusoo kordhay siyaasada Somaliland iyo guud ahaanba shacabka ku nool Somaliland taasi oo yar iyo weyn siyaasi iyo sheekh ay dhammaan afkooda ku hayaan iyaga oo markaa ka falanqoonaya arrinkan kusoo kordhay Somaliland, dhinacyo fara badana ka eegaya arrinkan kusoo kordhay Somaliland, dhinacyada ay ka eegayaan waxa kamid ah oo ugu weyn sharciyadda uu ku fadhiyo golahani.
Haddaynu dib uyara jileecno Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo leh saddex gole qaran oo lasoo doortay kuwaasi oo ay dadweynuhu ay kusoo doorteen codkooda.

Dhinaca kale haddaynu ka istaagno dadka somalilad waa dad kusoo caano maalay kala danbayn iyo u hogaansamid dhinaca sharciga ah, waxa ayna rumaysan yihiin in qofkii sharciga ka talaabsadaa uu yahay nin aan haba yaraatee aan dan ka lahayn dadkan iyo dalka ay ku nool yihiinba.
Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana Somaliland waxa had iyo jeer waxa ka dhaca weeraro dhinaca afka ah kuwaasi oo badanaa u dhaxeeya xisbiyada mucaaridka ah iyo shakhsiyaadka markaasi haya maamulka dalka kuwaasi oo had iyo jeer ka bilaabma is faham la’aan dhexdooda ka dhacda, somaaliduna waxa ay ku maah-maahdaa ‘hadal nina si u yidhi nina si uqaaday’ waxa aan uga socdaa nin wax wanaaji is leh ayuu nin kale si kale u fahmaa, dhaqanka Somaliland ee fiicana tani waxa uu ku xaliyaa isu tanaasul iyo garwaaaqsi kaasi oo marka danbe ku dhammaada is gacanqaad iyo is fahan ay cadawga Somaliland na ka naxaan.
Hadalan sare oo dhan waxa aan uga socdaaa khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya Siilaanyo iyo Golaha wada tashiga kaasi oo xataa weerarka afka ahi uu gaadhay in idaacadaha dacaayadu ay dadka Somaliland ka naxaan oo aan madaxda iyo mujaahidiintaba aan u qalmin.
Waxa jirtay in koox cuqaal ahi ay isku xil saareen inay dhex-dhexaadiyaan labadan qolo ee daawlada iyo golahan dhawaan is magacaabay, nasiib darro isku daygaa dhex-dhexaadintu waxa uu noqday mid fashilmay oo aan shaqayn kaasi oo dadka Somaliland aad uga xumaadeen, ilamaa ay dadka qaar gaadhsiiyeen in arrinkan ay isku haystaan golaha iyo Siilaanyo uu yahay mid dane gaar ah leh oo lagu mijo xaabinayo qaranimada iyo isku duubnida Somaliland taasi oo ay ku sababaynayaab sababta ay labadan qolo ee is haysataa waa Siilaanyo iyo Golaha is magacaabaye ay u raaci laayihiin nidaamkii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee reer Somaliland kaasi oo ahaa isku tanaasul iyo isku garaabid.
Alle waxa aan ka rajaynayaa inuu wax fiican kazoo saaro afafka labada qolo ee isku mari la siyaasada
Soo jeedin:
Aniga oo ah qoraaga mawduucan waxa aan soo jeedin lahaa dhawr qodob oo aan isleeyahay waxa ay wax qaban karaan is af garan waaga ka dahxeeya Siilaanyo iyo Golaha is magacaabay:
In madaxwenaha jamhuuriyada Somaliland uu gogol u fidiyo Golahan is magacaabay isla markaana uu ka dagaysto waxa ay tabanayaanIn Golaha is magacaabay uu dhiniciisa joojiyo cambaaraynta uu xukuumada u marinayo is gaadhsiintaIn labadooduba ay ogaadaan ayna tixgaliyaan nidaamkii iyo dhaqankii fiicnaa ee ummada Somaliland kusoo caano maashay kaasi oo ahaa sidaan horeba u xusay isku tanaasul iyo garwaaqsi
Gabo-gabo
Aniga oo garwaaqsan muhiimada ay leedahay in lasoo afjaro is maandaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Siilaanyo iyo Golahan is magaacabay, waxa aan jecelahay aniga oo og waxa uu rajaynayo qof kasta oo ila rayi ah oo kuna dalkan Somaliland in war farxad eh ee labada qolaba noo soo saaraan kaasi oo aan rajaynayo in ay iyaguba niyada ku hayaan waxa aan niyada ku hayno.

Wabilaahi tawbiiq

By. Khadar dheeg ibraahim ,khadar heelo

Tel ; 0634517748

Emil , heelo1111@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured