"Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland,"Jamaal Cali Xuseen.

0
Saturday August 24, 2013 - 19:16:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland,"Jamaal Cali Xuseen.

    Hargeysa(xogreebnews.com):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Hargeysa(xogreebnews.com):-Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Md.Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu baaqay xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega u keento qorshe wax lagaga qabanayo Dooxyada u dhaxeeya Hargeysa Iyo Berbera, oo uu ku tilmaamay inay dhameeyeen hal-doorkii Somaliland oo ay maalin-ba qof qaadayaan, isla markaana waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u waramayey qaar ka
mida warbaahinta, isaga oo ka dalbaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay si degdega wax uga qabato dooxyada u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, si looga hortago dadka ay qaadayaan."Xukuumada waxa looga fadhiyaa inay wax ka qabato Dooxyada Berbera iyo Hargeysa u dhaxeeya oo dhameeyey hal-doorkii reer Somaliland, xukuumada laba mid uun ayaa la gudboon inay dooxyadaasi hagaajiso, ta labaad-na waxa weeyaan inta aan dooxyadaasi la hagaajin ma waxay xukuumadu kari-kari-waydey dhowr askari oo dadka ka ilaaliya marka dooxyadu rogmanayaan inay halkaasi dhigto, markaa arrintaa waa wax sahlan waa inay dawladu ku kacko oo dhowr asri dhigtaa si aanu baabuurna u marin marka ay dooxyadu rogmanayaan".Ayuu yidhi.
Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID jamaal Cali Xuseen
Isaga oo hadalkisa sii watana waxa uu intaasi ku darey oo uu yidhi"Dooxyadan dadka dhameynaya waxa looga baahan-yahay kaalintii ay xukuumadu ku lahayd inay si degdega uga qaadato,haddii aan dadka laga celinin marka uu daadku socdo inay dooxyada maraan maalin-ba dad ayaa inaga dhimanaya".
Dhinaca kale,Jamaal Cali Xuseen waxa uu tacsi u direy qoyskii, qaraabadii, salaadiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shire oo habeenimadii taariikhdu ahayd 21/08/2013 Shil-baabuur ku geeriyooday, kadib markii uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo marxuumku ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.
"Arrintanina waa wax u baahan in si degdega wax looga qabto".Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Murashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu baaq nabadeed u direy labada beelood ee walaaha ah ee dirirtu dhawaan ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa inaan halkan baaq nabadeed uga diro beelaha reer Somaliland ee walaalaha ah dirirtu ku dhexmartey deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaan leeyahay intii dhimatey ILAAHAY naxariistii janno ha ka wabaariyo inta noolna waa inaynu bad-baadinaa,dagaalku khasaare mooyaane faa?iido ma keeno, markaa walaalayaal heshiiya waxaanan leeyahay Somaliland way ka soo gudubtey wakhtigii dagaalada, waxaanan ugu duceynayaa inuu ILAAHAY labada Beelood ee walaaha ah ee wada-dega inuu bogooda burcad isku mariyo"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured