Maxay qaban karaan Dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland ? Faallo:Barkhad-Ladiif M. Cumar

0
Saturday August 24, 2013 - 07:54:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay qaban karaan Dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland ? Faallo:Barkhad-Ladiif M. Cumar

    In badan waxay dhalinyaradda Somaliland raadinayeen fursad ay umadoodda ugu shaqayn karaan iyo cid u xilsaarta inay kartidoodda iyo xoogga ku dihin wax ugu qabtaan, taas oo in badan caqabad ku ahaa inay ka mid noqdaan arrimaha siyaasadda iyo goleyaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In badan waxay dhalinyaradda Somaliland raadinayeen fursad ay umadoodda ugu shaqayn karaan iyo cid u xilsaarta inay kartidoodda iyo xoogga ku dihin wax ugu qabtaan, taas oo in badan caqabad ku ahaa inay ka mid noqdaan arrimaha siyaasadda iyo goleyaasha wax lagaga tari karo dalka. Maxay qaban karaan Dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland ? Faallo:Barkhad-Ladiif M. CumarIn badan waxay dhalinyaradda Somaliland raadinayeen fursad ay umadoodda ugu shaqayn karaan iyo cid u xilsaarta inay kartidoodda iyo xoogga ku dihin wax ugu qabtaan, taas oo in badan caqabad ku ahaa inay ka mid noqdaan arrimaha siyaasadda iyo goleyaasha wax lagaga tari karo dalka.Haseyeeshee nasiib wanaag waxa timid wakhtigii ay taladda iyo wax u qabasadda umadoodda dusha u ridan lahaayeen, waxaana intoodda badandegmooyinka iyo magaalooyinka waaweyn maayiro ka noqday dhalinyaro la filayo inay wax badan ka bedelaan qaabkii hore ee ay kuwii ka horeeyey u shaqayn jireen, isla markaana kuwo ka dambeeya u jeexi lahaayeen waddo ay hirtaan.Sanadkani waxa uu noqday sanadkii da’yarta la hubsan lahaa, waxana nasiib u heleen inay masuuliyad weyn dhabar ku qaadaan kuwaas oo qaarna shacabku u doorteen qaar kalana madaxweynuhu u magacaabay, waxaanay in badan sugayeen inay mar uun ummadoodda u shaqeeyaan, haseyeeshee waxay tahay tijaabo hadii lagu guulaystana qarniyo lagu faani doono hadii lagu guuldarystana dhalinyarta laga xanaaqi doonno .Dhalinyartan jaaniska u helay inay umadda u shaqeeyaan ayaan hubaa inay la jaanqaadi doonaan caalamka,isla markaana ka midho dhalin doona awoodda ku kaydsan ee ay jaaniska la eeganayeen inay mar uun madax noqdaan, iyagoo adeegsanaya kartidooda iyo aragtidoodda cusub, waxaana laga filayaa in aanay marin jidkii ay jeexeen odayaashii daalay ee hadafkooda kowaad ahaa iska shaqayso waxna ha u qaban ee qawda maqashii, nidaamkaasi oo loo baahan yahay in la bedelo .Maxa ugu fudud ee iyaguna ku faani karaan ummadana wax qabad u ah ee taariikhdooda ku xardhi doonaan maayiradda magaaalooyinku ?Bani’aadamku waxa loo abuuraa una nool yahay inuu nolosha ilaahay siiyo ka faa’iidaysto, isla markaana wax ummadda iyo naftiisa anfaca u horseeddo dadka uu la nool yahay iyo deegaanka uu ku dhaqan yahay, isla markaana ajar iyo xasanaadna if iyo akhiraba uga heli lahaa, xadiisna wuu tilmaamay in marka qofku dhinto la waydiin doonto dhalinyaronimadiisii waxa uu wakhtigiisii ku qabtay ama ku lumiyey, waana wakhtiga ugu fiican ee la iswaydiin karo waxaad ku qabatay maadaama oo wakhtigaasi uu yahay qofku wakhtiga ugu xooga badan yahay ee wax kasta uu qaban karo.sidaa darteed waxa jira waxyaalo aad u yaryar oo wax qabad u noqon karta ummadda, isla markaana aad hadhow ku faani doontaan inay wakhtigaagi aad qabateen.Horta aynu ogaano dawladda hoose masuuliyadeedda, Dawladda hoose waa hay’adda ay ku xidhan yihiin bulsho weynta magaalooyinka ku nool, isla markaana waxa had iyo goor jira xidhiidh wada shaqanayd oo ka dhexeeya, inta maalin walba looga baahdo dawladda hoose loogama baahdo dawladda dhexe iyo wasaaradaha, taasina waxay keentay in had iyo goor ay dadku buux dhaafaan xarunta dawladda hoose, dawladda hoose waa adeega koowaad ama waa fuliyaha kowaad ee nolosha aasaasiga ah ee dadku baahan yihiin wax ka qabata.In had iyo goor ay Dadku buux yimaadaan dawladda hoose baahidda joogtadda ah ee ay dadku u qabaan dawladda hoose inay ka soo fushadaan, sidaa darteed, waxa loo baahan yahay si aanay shacabka iyo madaxda sare ee dawladda hoose isku soo gaadhin in la sameeyo maamul daadajin in agaasime kasta la baro shaqadiisa iyo waxa uu ku waajib ah iyo sida ay uu shaqadaa loo xil saaray u qabanayo, haddii uu ka soo bixi waayana cidda looga cabanayo iyo halka looga wareegayo, taasina waxay fududaynaysaa in dadku ku ururaan maayiradda degmooyinka, haddii ay taasi dhacdana oo maamul daadijin lagu sameeyo waxa uu maayarkii helayaa fursad uu waxyaalo kale ugu qabto shacabka, waxaana yaraanaysa dadkii hawlaha usoo doonayey ee isaga kaga xidhnayd mar hadii kuwii ka hooseeyey shaqadoodda ka adag yihiin.2. qodobka labaad waa inay maayiraddu sameeyaan maamul wanaag iyo xisaab wanaag, iyo isla xisaabtan, haddii aan la isla xisaabtamina shaqo ma jirayso, sida darteed waa in la saxa habka cashuur ururinta, waa in la hubaa cidda loo dirayo cashuur ururinta iyo cidda qabanaysa . isla markaana lacagtaasi waa in lagu bixiyaa waxqabad waayo mar kasta oo la kordhiyo dakhli ururinta waa in waxqabadkuna kordhaa.3. waxa kale oo ay samayn karaan waxay ka faa’iidaysan karaan dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxay oo waxyaalo badan looga faa’idaysan karo, tusaale ahaan Maxamed Xaashi markii uu ahaa wasiirka maaliyada waxa uu faa’iido badan ka helay dhalinyartii jaamacadaha oo si daacadnimo ula shaqeeyey ka dib markii ay arkeen inuu yahay masuul daacadda, waxaanu u igmaday cashuur soo ururintii iyo dib u eegistii wixii soo baxay iyo nidaam casriyeysan oo uu xafiiskiisa ku ogaan karo wixii khaldan iyo saxsan oo Kombitaraysan ayey u sameeyeen, waxa kale oo ay usoo diwaangeliyeen guryaha dawladda iyo guryaha magaalooyinka ku yaalla, taasina waxay keentay inay cashuurtii iyo dakhli ururintii ay kor u qaado, xaga maamul daadijinta waxa tusaale fiican usoo qaadan karnaa wasiirka Qorsheynta Dr:Sacad Cali Shire oo ah masuulka kaliya ee ku jira wasaariirada maanta shaqeeya ee shaqaalihiisa yaqaanaan qof waliba waxa uu qabanayo (Job Description) , waxa uu sameeyey in agaasime walba u qeexo shaqadiisa, isla markaana u dhaqmaan sidii hay’ad gaar loo leeyahay oo qofkii shacab ah ee hawli ka soo gasho ay maalin ugu dhamayn karaan, iyadoo aan masuuliyiiinta sare soo gaadhin, waxa agaasime kasta iyo masuul kasta gidaarkiisa ku yaalla warqad dadka loogu sheegayo hadii uu degdeg hawshaasi kugu dhamayn waayo waxaad uga cabanaysa masuulka ka sareeyo kaas oo la xisaabtami doono sababta uu hawshan u qaban waayey kii shaqadiisa lahaa, taasina waxay ka dhigtay in hawl kasta oo aad wasaaradda qorsheynta ula tagto ay si fudud kugu dhamaanayso.Sidoo kale dawladaha hoose waxay qaban karaan hoolal ay dhalinyaradu ku shiraan ayey samayn karaan, isla markaaana ku soo bandhigi karaan aqoontoodda hal abuurnimo si ay uga maarmaan hoolka hoteeladda ee ay kiraystaan oo kharash badani kaga baxo, sidaa darteed hadii maayaradu magaalo walba u samayeeyaan hool weyn oo dhalinyarada ku soo bandhigaan hal abuurnimadoodda waxay noqon lahayd wax tar weyn.Waxa kale oo ay samayn karaan dawladaha hoose in shirkadaha leedhka bixiyey ku amraan inay wadooyinka la taxo laambaddo si ay magaalooyinku qurux u yeeshaan, sidoo kale waxay samayn karaan solarka qoraxda cad cadeedda ku shaqeeya oo wadooyinka lagu taxo si ay u iftiinto magaalooyinku, waxa kale oo ay samayn karaan waxqabadna u noqonaysa umaduna ka faa’iidi kartaa in la sameeyo laydhkii baabuurta kala hagayey oo qurux iyo nidaamba ku soo kordhin karta magaalooyinka Somaliland waa hadii goleyaasha deegaankan doonayaan inay la jaanqaadaan caalamka horumaray, waxaana hubaa in mudo kooban magaalooyinka lagu arki lahaa horumar balaadhan,isla markaana kor u qaadi lahaayeen hankiii dhalinyaradda dadkuna jeclaan lahaayen inay soo saaraan musharaxiinta dhalinyarada ah, hadii ay goleyaasha deegaanku ku guulaystaan waxqabadkaasi fudud ee wax badan ku taagnayn, waxay noqonaysaa inay u meel sameeyeen kuwo ka dambeeya ee hamigoogi yahay inay wax u qabtaan ummaddan, waxa kale oo aan maayiradda Somaliland kula talin lahaa inay samaystaan meelo fikradaha waanwanaagsan loo soo mariyo, waayo waxa jira dhalinyaro farobadan oo la jecel wax qabad balse aanay hayn meel ay usoo mariyaan fikradaha dal dhiska leh ee ay ku saxayaan.

Barkhad-Ladiif M. CumarE-mail: barkhadladiif@hotmail.comHargeysa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured