Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka Iyo Dawan. Qormadii 2 aad:

0
Saturday August 24, 2013 - 07:40:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka Iyo Dawan. Qormadii 2 aad:

    Sirdoon+ganacsade,akhristayaasha waxaan qormadan labaad ugu soo gudbinayaa shaqadii MR GUUXAAYE, wuxuu ahaa ninkaasi maanta ah ganacsadaha weyn ee maamula lacagta tv.ga qaranka somaliland,nin sirdoon ah oo u shaqeyn jiray dawladii Rayaale C/laahi Cir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirdoon+ganacsade,akhristayaasha waxaan qormadan labaad ugu soo gudbinayaa shaqadii MR GUUXAAYE, wuxuu ahaa ninkaasi maanta ah ganacsadaha weyn ee maamula lacagta tv.ga qaranka somaliland,nin sirdoon ah oo u shaqeyn jiray dawladii Rayaale C/laahi Cirro Wasiirkii Arimaha Gudaha, Sirdoon+ganacsade,akhristayaasha waxaan qormadan labaad ugu soo gudbinayaa shaqadii MR GUUXAAYE, wuxuu ahaa ninkaasi maanta ah ganacsadaha weyn ee maamula lacagta tv.ga qaranka somaliland,nin sirdoon ah oo u shaqeyn jiray dawladii Rayaale C/laahi Cirro Wasiirkii Arimaha Gudaha,isla markaana waxaa la sheegay in uu ahaa raggii ka danbeeyey in Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hatan ah wasiirka madaxtooyada somaliland ka gudbiyey warbixintii ahayd in xirsi uu xidhiidh la leeyahay ururo xag jir ah ,kadibna wasiirkii arimaha gudaha ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin C/laahi Cirro si lama filaan ah ugu eedeeyey Xirsi Cali Xaaji Xasan in uu xidhiidh la leeyahay ururada xag jirka ah,arintaasi oo ahayd markii la baadhay been aan sal iyo raad toona lahayn,hadaba markii ay dhacday xukuumadii Rayaale ninkaan GUUXAAYE wuxuu ka fadhiistay shaqadisii ahayd sirdoonka,isagoo mudo iska haa bilaa shaqo ayaa tv.ga qaranka loo soo magacaabay ninka ay ilmaadeerka yihiin ee lagu magacaabo Khadar Cali Gaas ninkaasi maareeyaha ah oo GUUXAAYE ka dhigtay maamulaha lacagta tv.ga qaranka ,hadaba isla waqti yar gudahood waxaa soo shaac baxday musuq-maasuq balaadhan oo uu sameeyey Mr GUUXAAYE ka dib markii uu mar qudha noqday gaancsade weyn oo ka baayac mushtareeya baabuurta iyo dhulka,isla markaana iibsaday dhul aad u badan taasi oo fajac ku noqotay dadkii aqoonta u lahaa Mr Guuxaaye oo arkay ninkii oo u dalacay ganacsade arintu ay noqotay SIRDOON+GANACSADE.Saaxiibayaal ma aha in qofka wax uusan hayan laga sheego basle waa in la sheego xaqiiqada ka jirta tv.ga qaranka oo noqday meel lagu lunsado malaayiin lacago ah, oo ay ka faa’iidaan hadba cida sida gaarka ah u maamusha iyadoo la og yahay in uu tv.ga qaranku ka mid yahay hayadaha ugu miisaaniyada badan dalka,xogo badan oo aan helay ayaa waxay muujinayaan xitaa heerka uu gaadhay musuqu inay is qabsadeen ninka cusub ee maareeye ku xigeenka ah iyo mr guuxaaye oo ku dagaalamay lacago badan oo jeebka guuxaaye ku soo dhacday oo uu damcay in uu ka qaado ninka maareeye ku xigeenka ah,taasi oo keentay xitaa inay ogaadaan shaqaalaha tv.gu , waxa la isku haystaa waxaa weeyi lacagaha ka soo gala tv.ga marnaamijyada.wararka iyo hayaysiisyada.ma sahlana lacagaha ay ku dalacaan hayadaha iyo ururada hadii uu u baxo barnaamij ama war waxaa risiid jeebkiisa ah u jara mr guuxaaye oo hadba lacagta uu doona ku qora ,iyadoo aysan jirin cid xisaabisa ninkaasi guuxaaye, ugu yaraan lacagaha lagu qoro hayadaha waxaa weeyi hadii uu hal marnaamij u baxo $500 oo doolar, hadii laba ama ka baday barnaamij baxaan way ka sii badan tahay, waxaa intaasi dheer lacago badan oo xayaysiiska ka soo gala ninkaasi guuxaaye, lama sii dan karo hal xahaysiis oo uusan ogeyn ninkaasi guuxaaye oo meesha ninkaasi wuxuu ku leeyahay awood badan oo uu siiyay ninka ay ilmaadeerka yihiin ee maareeyaha ka ah tv.ga.waxaan ogaanay lacagahan badan ee soo gala tv.ga qaranka ee jeebka guuxaaye ku dhaca badankooda waxaa cuna guuxaaye inta kalena wuxuu u diraa maareeyaha tv.ga sida aan ku soo ogaaday habka lacagta loo isticmaalo.hadaba mahaa oo kaliya dadka sameeyey musuq maasuq la taaban kara guuxaaye oo kaliya basle waxaa jirta oo kale in musuq aan la maleyn karin uu ka jiro xarunta wargeyska DAWAN oo uu maamulo ninka lagu magacaabo SAYID oo ahaa marka taariikhdiisa dib loo raaco nin askari boolis ahaa oo ka soo mid noqday ilaalada xarunta madaxtooyada xiligii Madaxweyne Cigaal balse waqti ka hawl galay idaacadii Radio Horyaal oo taageeri jirtya Xisbiga hada talada haya ee KULMIYE ,xiligii xisbigu ahaa mucaarad,waxaana jirtay in ninkaasi SAYID dhawr jeer ay xidhay xukuumadii Rayaale isagoo lagu eedeeyey in uu ka baydhay anshaxii saxaafada xorta ah isla markaana uu qoray warar abuuri karayay nabad galyo daro,basle markii xukuumada siilaanyo talada dalka ku guuleysatay ayaa loo dhiibay WARGEYSKA DAWAN intaa ka danbeysayna waxaa la sheegay in uu ninkaasi u isticmaalo wargeyska DAWAN sidii meherad uu isagu leeyahay,oo isada uu doono ayuu ka yeelaa mana jirto cid xisaabisa,kalana xisaabtanta musuqa balaadhan iyo maamul xumida uu ka sameeyay wargeyska DAWAN.

hadaba shacabka reer somaliland waxay wada xasuusan yihiin balan qaadkii madaxweyne siilaanyo xiligii uu ahaa mucaaradka ee uu odhan jiray hadii aan ku guuleysto talada dalka waxaan la dagaalami doonaa musuq-maasuqa oo cid kasta oo ku kacda waxaan ku qaban doonaa gacan bar ah,sidaa awgeed weli shacabka reer somaliland waxay sugayaan fulinta balanqaadkaasi uu sameeyay madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo ah nin hore looga bartay in uu neceb yahay musuq-maasuqa basle hayado badan oo ka tirsan xukuumadiisa waxaa la degay musuq-maasuqa waxaanad moodaa inaysan xukuumadu diyaar u ahayn inay wax ka qabato musuqa ka jira qaar ka mid ah hayadaha dawlada ee musuq balaadhan ku kacayla soco qormooyin danbe oo aanu idiinku soo bandhigi doono xogo dheeraad ah oo aan ka soo ururiyay xarumaha tv.ga qaranka iyo wargeyska Dawan.Qalinkii:Muna Maxamed JaamacEmail:Muna261@gmail.comHargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured